X
    Categories: Qubanaha

30ka Dal ee Afrika Millatarigoodu ugu Awoodda Badan Yahay

Araweelo News Network

Dalka Masar, ayaa dhinaca millateriga ugu awood badan qaaradda Afrika, waxana soo raaca waddamada Aljeeriya, Itoobiya, Nayjeeriya iyo Koonfurta Afrika, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan daabacday hay’adda Global Firepower (GFP) oo inta badan cabbirta awoodda millateri ee dawladaha caalamka.
Waxa hay’addu sheegtay in 30 dal oo laga soo xulay Afrika ay yihiin kuwa hoggaaminaya dhinaca awoodda millateriga. Dalka Masar oo hoggaanka u haya qaatadda waxa uu caalamka kaga kaga jiraa kaalinta 12aad amma waxa uu kaalinta 12aad kaga jiraa 126 waddan oo hay’adan cabbirtay. Dhinacayda Masar ku awood badan tahay waxa ka mid ah dhinaca millateriga qalabka uu haysto ee ay ku difaaci karaan hawada, badda iyo waliba shidaalku sida uu ugu filan yahay haddii xaalad dagaal timaad dalkeeda. Waxa kale oo ku jira warshadaha hubka sameeya ee waddamaasi leeyihiin inta ay le’eg tahay.
Dalka Soomaaliya oo colaado ba’an saameeyeen, isla markaana aan awood badan lahayn, ayaa hadda dhinaca millateriga ka galay kaalinta 29aad dalalka Afrika ugu awoodda badan.
Haddaba, dalalka hay’adda GFP ka soo xushay in ay hoggaanka ugu hayaan dhinaca millateriga qaaradda Afrika waxa ay kala yihiin;
1. Masar
2. Aljeeriya
3. Itoobiya
4. Nijeeriya
5. Koonfur Afrika
6. Angola
7. Morocco
8. Sudan
9. Liibiya
10. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Kongo
11. Kenya
12. Tuunisiya
13. Simbabwi
14. Sambiya
15. Jad (Chad)
16. Uganda
17. Tansaniya
18. Koonfurta Sudan
19. Ghana
20. Kameruun
21. Mosanbiig
22. Nijer
23. Ivery Cost
24. Mali
25. Madagaskar
26. Gabon
27. Jamhuuriyadda Koongo
28. Namibiya
29. Soomaaliya
30. Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post