X
    Categories: Qubanaha

28 Sanno ka Hor Haweenay Suxufiyad Caan ah oo Sheegtay in Trump Madaxweyne ka Noqonayo Maraykanka

Araweelo News Network

Suxufiyadda caanka ah ee Oprah Winfrey, ayaa soo saartay muuqaal ay ka duubtay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Donald Trump oo aad u yar, iyadoo tilmaantay inuu 28 sanno ka hor u sheegay inuu u tartamayo jagada Madaxweynenimo, isla markaana ku guulaysan doono.
Waraysigan Oprah Winfrey soo saartay oo ay markii dambe raalligelin ka bixisay, iyadoo sheegtay in si aan ku talogal ahayn uu ugu soo baxay boggeeda Twitter-ka, una bixisay rajada nolosha (#HopeLives), waxa ay xustay in baahinta twitterkeedu ahaa khalad ka dhacay markii Trump la kulmayey Madaxweyne Obama.
“Sax, uma garanayo. Waxaan u rajaynayaa in aan guulaysan doono. Waxa aan kuu sheegayaa in aanan guuldarraysanayn,” ayuu Trump u sheegay Oprah mar uu ka jawaabayey bal inuu u tartami doono Madaxweyenimo, waxaannu intaas ku daray, “Weligay ma guul-darraysan, haddii aan go’aansado inaan sidaa sameeyana waxaan ku leeyahay waan guulaysanayaa. Waxa aan ku odhanayaa in aan helayo fursado badan oo aan ku guulaysto, waayo waxaan u malaynayaa in dadku daaleen, ma garanayo sida daawadayaashaadu dareemayaan, laakiin waxaan rajaynayaa in dadku ka daaleen raadinta Maraykanka oo wanaagsanaada.”
Mr. Trump waxa kaloo uu sheegay in Maraykanku dhaqaale badan heli doono haddii uu doorashada madaxweynenimada isagu ku guulaysto, waxaannu yidhi; “Idiinma ballanqaadi karo wax kasta, balse waxaan ballanqaadi karaa in dalkan lacag badan ka samayn doono dadka 25 sannadood faa’iidada helayey. Ma noqon doonto sidii ay ahayd. I aamin.”
Waraysiga suxufiyadda Oprah ka qaadday Mr. Donald Trump muddo hadda laga joogo 28 sanno, waxa kaloo uu ku caddeeyey inuu muddo dheer maanka ku hayey sidii uu mar u noqon lahaa Madaxweynaha Maraykanka, hammiyo uu doonayana uga hirgelin lahaa, taasoo hadda u hirgashay, kadib markii xilka Madaxweynenimo loo doortay 8 November

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post