X
    Categories: Qubanaha

20 Sanno Kadib ayaa Xabsiga Laga Sii Daayey Markii la Ogaaday in aannu Gelin Dambiga Lagu Xukumay

Araweelo News Network

Nin u dhashay Gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa xabsiga ku jiray 20 sannadood, kadib markii lagu xukumay dambi aannu gelin oo ah isku day dil ah.
Toddobaadkan uun bay ahayd markii xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, lana ogaaday in uu bari ka yahay dambiga sida khaladka ah loogu xukumay ee uu 20-ka sanno xabsiga ugu jiray.
Maxbuuskan xoriyadiisa helay oo la yidhaah Mr. Marco Contreras waxa uu xor noqday Salaasadii toddobaadkan, kadib markii garsoore ka tirsan Maxkamadda Koonfurta California xukumay in aannu wax dambi ah lahayn, isla markaana aannu gelin dambiga isku dayga dilka ah oo khuseeyey nin toogtay, hantidana laga dhacay sannadkii 1996kii.
“Maxkamaddani waxa ay ogaatay inuu aannu wax dambi ah lahayn,” ayuu yidhi garsoore William Ryan oo intaa ku daray in 20 sannadood ee uu xabsiga ku qaatay Mr. Contreras ay ahaayeen go’aan si khaldan ugu dhacay.
Farxaddan waxa ka dambeeyey oo ka shaqeeyey sannado badan Kulliyadda Sharciga ee Loyola Law School, iyadoo kamaraduhu qabteen ninkan oo muddadaas kadib markii ugu horraysay hooyadii si farxad leh ugu dhegay, waxaannu sheegay inuu aaminsanaa in aannu waligii jeelka noloshiisa ku dhammaysanayn, waxaannu yidhi; “Waan samrayey, sugayeyna.”
Xeer-ilaalinta ayaa dib-u-qiimayn ku samaysay kiiskan, waxaanay wax dambi ah ku waayeen ninkan oo markhaatiyaal badan kiiska ku caddeeyeen, iyagoo boolisku sheegay in sii-daynta Mr. Contreras aanay ahayn farxad oo kaliya, balse uu hormood ka noqday in la soo xidho qof kale oo looga shakiyey inuu falkaas geystay.
“Caddaymo cusub oo la ogaaday waxa ay sheegeen in qof aan ahayn Marco uu dambigan geystay, iskuna dayey dilka Jose Garcia,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Degmada John K. Spillane oo warqad u qoray garsooraha kiiskan gacanta ku hayey.
Mr. Contreras, ayaa warbaahinta u sheegay inuu sannadadaas badan ee ka lumay halkii uu ka tirin lahaa uu dib u bilaabi doono noloshiisa, qoyskiisana waqti la qaadan doono, casho aad u macaan oo Mexican ahna cuni doono, iyadoo arrintana muujiyey sida hay’adaha garsoorka Maraykanku ugu tacadiyaan dad aan wax dambi ah lahayn oo qaarkood ka buuxaan jeelasha dalkaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post