X

Mudane Madaxweyne Khudbad Qodobaysan Bulshadaada Usoo Bandhig

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shiine

Tan iyo intii uu xilka hayay Madaxweynaha jamuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi , waxaa uu jeediyay khudbaddo aad u baddan oo dhinacyo baddan taabanaya, kuwaas oo u badnaa kudbaddo uu ku dhaleecaynayo, ugu hanjabayo ama uu kula garnaqsanyo dawaladda federaalka Soomaaliya  ee aynu jaarka nahay.

Markasta oo uu Madaxweynuhu  khudbad jeedinayo waxaa meesha ka baxda inuu Madaxweynuhu khudbad  qodobaysan u jeediyo bulshadda, iyadoo qodobbadaas uu soo diyaarsanayo oo warqad ku soo qoranayo si aannay khudbaddii uga noqon kaftan,maddaalo ama  waqti lumis. tusaale ahaan tariikhdu markay ahayd 09/12/2018 , Mar uu Madxweynuhu booqday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargiesa, isagoo la hadlaya bulshadda haddalo uu goobtaa ka yidhi iska daa dadkii goobta jooge waxaa hadlkaa ku qoslay madxweynaha laftarkiisa oo hadlkaa yidhi , taasina maaha haykalka madaxweyne ama haykalka dawladdnimo.

Mar madaxweynuhu khudbad uu ka jeedinyay fagaare ay isugu soo bexeen dadweyne aad u baddan oo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha magaalada Boorama,  waxa uu ka jeediyay khudbad ay ka cadhoodeen dadweynaha goboladda Bariga oo kuu amaanayo goboladda galbeedka Somaliland,  isagoo Madaxweynuhu labadaba uu isagu Madaxweyne u yahay oo labadaba waa bari iyo galbeedba ee laga soo doortay.

Hadaba markaynu usoo daadegno dulucda maqaalkeena waxaan Madxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, usoo gudbinaynaa fariintaydan ah, in marka uu khudbad jeedinayo uu isticmaalo haykalka madaxweynenimo, isagoo soo qodobaysanya waxa uu bulshadda u jeedinayo si aan cidina u dhibsan oo uu marka hore uga soo baaraan daggo khudbaddiisa.

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shine

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/