#Araweelo_News_Network

Xallinta khilaafaadka waddanka Koonfur Afrika waa mid ku dayasho mudan oo dunida ay wax ka baran karto. caddaanka Tirada yar ee koonfur Afrika waxay faquuq dhan walba kula kaceen dadka madowga ah ah dadka uugu badan waddankaasi iyo dadyoowga kale ee dalkaasi ku nool sida dadka midabka ah (colored people) iyo hindida.

Koonfur Afrika waa waddan soo maray taariikh ku dhisan isir sooc, iyo faquuq muddo 400 oo sano ah. heerka midab takoorka ayaa gaadhay inay goobbaha dadku isku yimaaddo lagu qoro ” CADDAANKA KELIYA ” ayaa loo oggolyahay. sida iskuulladda, jaamacadaha, Hotellada iyo Goobbaha caamka ah.

Hase yeeshee, sanadkii 1994 waxaa Koonfur Afrika u beryey waa cusub waxaana dhammaaday nidaamkii midab kala sooca iyo Faquuqa ku dhisnaa ee waddankaasi uu ku jiray boqollaalka sano, waxaana la doortay Madaxweeynihii madowga ahaa ee ugu horreeyet Taariikhda waddanaa, Kaasi oo ahaa halyeeygii xorriyad doonka ee Nelson Mandela.

Ka hor intii aanu ku guulaysan halganiisa Nelson Mandela ee aannu noqon Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, wuxuu xabsi ku soo qaatay 27 sano oo noloshiisa ka mid ah, wuxuuna noqday halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u huray naftiisa iyo waqtigiisa.

XALLINTA KHILAAFAADKA

Si loo helo caddaalad iyo midnimo ay kuwada noolaadaan bulshooyinka kala midabka ah, kala diimaha ah, isla markaana soo maray Taccaddiyada kala duwan iyo midab kala soocaa, waxaa dalka Koonfur Afrika laga hir geliyey hay’adda dib u heshiisiinta iyo run isku sheegidda,  taasi oo lagu magacaabi jiray ( TRUTH AND RECONCILIATION TRC). TRC waxay dejisay in si dhab ah ay dadka Koonfur Afrika ugu heshiiyaan dowladnimo sax ah  oo ku dhisan caddaalad.

Tusaale ahaan , heshiisyadii TRC lagu gaadhay waxaa ka mid ah, in dadka madowga ahi ay helaan xuquuqo baddan sida waxbarasho, caafimaad, iyi shaqooyin ka baddan dadka Caddaanka ah , Hindida iyo dadka midabka kale, maadaama dadkaasi madowga ahi ay soo mareen dulmi. sidoo kale dadka caddaanka ah, Hindida iyo dadka midabka ahi inay ka faa’iiaysteen dowladdihii midab takoorka oo ay hanti badan ka kasbadeen.

Heshiiyadaa waxaa ka mid ahaa inay dadka madowga ah helaan guryo bilaash ah, iyo adeegyada aasaaska u ah nolosha banii aadanka.

Dalka Koonfur Afrika sidaa ayuu  ku noqday waddan ay dadkiisu kala duwani ku samaystaan dowlad loo dhan yahay, waana sababta loogu naanayso waddankii qaanso roobaadka (THE RAINBOW NATION 🌈 ).

Madaxweeynihii hore Koonfurka Nelson Mandela oo mar wax laga weydiiyay micnaha qaanso roobaadka uu ugu naanaysay waddanka, wuxuu ku macneeyey in dadka reer Koonfur Afrika innay yihiin dad kala duwan xagga midabka , Diimaha, dhaqanka, iyo luqadaha, balse wuxuu sheegay inay hal waddan ku midysan yihiin, wuxuu yidhi, “Qaanso roobaadku iyadoo kala midab duwan ayay haddana hal meel ku wada taallaa, sidaa awgeed waddankayagu waa Qaanso roobaad.

Dalka koonfur Afrika oo ku yaal cidhifka dhanka Koonfureed ee Qaarada Afrika,  waxaa si rasmiya loogaga hadlaa 11 luqadood, waxaana dhammaantood  loo aqoonsaday luqadaha rasmiga ah ee waddanka Koonfur Afrika looga hadlo. ma jirto hal qabiil oo la xaqiray luqaddiisa, dhaqankiisa iyo jiritaankiisa, waxayna arrintaasi ka dhigtay waddanka  Koonfur Afrika mid siyaasad ahaan xassillooni, dimuqraadiyad iyo horumar ku tallaabsaday, wixii ka danbeeyay markii la suuliyay nidaamkii midab takoorka.

Author: Dr. Ahmed Hassan Salah, Published by Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published past on the Araweelo News Network