X

Yuusuf Garaad Muxuu Ka Yidhi Geerida Weriye Axmed Cabdinuur?

Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha rug-caddaaga ee ugu caansanaa laanta Af-soomaaliga ee BBC-da,wuxuu ku geeriyooday London 6 Jan 2021.

Araweelo News Network.

Yuusuf Garaad Muxuu Ka Yidhi Geerida Weriye Axmed Cabdinuur?

Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxaa uu si koobban uga waramay Taariikhda Allah ha u naxriistee Wariye Axmed Cabdinuur oo ka tirsanaa wariyeyaashii BBC-da, islamarkaana ay soo wada shaqeeyeen, wuxuuna maqaal uu kaga hadlay geerida weriyaha ku faafiyay barta uu ku leeyahay Facebook.

“Aad ayaan uga naxay ugana murugeysanahay geerida Axmed Cabdinuur oo ah walaal aan muddo dheer soo wada shaqeynay oo ku geeriyooday London.

Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka.

Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood.

Mar ayuu noqday weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya ka hor dagaallada. Waxay ahayd markii uu saaxiibkii Cawke oo ahaa weriyaha Madaxweynuhu uu shil baabuur galay oo gacan ka jabay.

Mar kale wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Wararka iyo ka dib, Madaxa Radio Muqdisho.

Wuxuu noqday weriye BBC uga soo warrama Muqdisho qaar ka mid ah xilliyadii ay ugu colaadda badnayd, ka dibna Nairobi iyo ugu dambeyn xarunta BBC Bush House iyo Broadcasting House ee London ayuu sannado badan ka shaqeeyay.

Nin deggan, oo aan caaddifad aqoon ayuu ahaa, oo wararka dhacdooyinka uu tebinayo ka dhowra in dareenka iyo danihiisa shakhsiga ahi ay saameyn ku yeeshaan.

Mas’uul wuxuu ahaa afgaaban se hadalka xikmadda iyo xusuusta reeba heli og.

Axmed Cabdinuur Allah ha u naxariisto, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisa faraha bandanna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Ilaahow Jannada ugu bishaaree.

By. Yuusuf Garaad Cumar

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post