X

Yeeli Mayno Kordhis Danbe By Mukhtar Cilmi

Yeeli Mayno Kordhis Danbe By Mukhtar Cilmi
Madaxweyne SILAANYO shan sannadood bay umaddu dooratay, shantaa la doortay iyo intii loo kordhiyayba dhawaan ayay dhamaan,lkn hadal haynta in mar labaad loo kordhinayo aya ifka u soo baxaysa maalin walba iyo hadal khilaafsan arintaas ,shacabku ogolaan maayo mudo kordhin iyo dib u dhac danbe doorashooyinka 2017, Isaga loo kordhin maayo, kordhis dambe oo imanayaana ma jiro hadalku wu ku xidhan yahay. cid maanta rabta in la horkeeno muddo-kordhin gurtida horteeda oo shicib ah ma jiro , la aqbali maayo .waxaana u sheegaya Madaxweynaha yaanu inaga burburin kordhis dambe oo aan xaq ahayni. Wakhti badan ayaa ku lumaya sii haysashadii xilka ee SILAANYO mid kale na wax noo cuntamaya maaha hadii aanu nahay shacabka jecel nabadda, dimuquraadiyadda xoriyadda, iyo horumarka dalka iyo dadkaba.waxaana soo shac baxayaya hadalada odayaasha golaha gurtida in loo kordhiyo xukuumaddan taasna cid kama aqbali doonto dagaal ayuu gali kara dalku iyo xasalooni. sanka iyo afka shacabki intii u dhaxaysay ayey dariiq ka jeexdeen guurtidda . waxay gef cad hadaladooda u geysteen xilkii iyo masuuliyaddii shicibweynuhu u dhiibtay xukuumaddan 2010 . waxa hore loogu kordhiyey xukuumadan isku sheega iyaga oo waliba xilkii loo igmaday ka soo bixi waayey ee ahaa in ay doorasho xalaal ah wakhtigeeda lagu qabto. Waxaan leeyahay odayada iska hadlay iyo xukuumaddan mudo kordhiska ah ee ku nool-aqbali mayno muddo kordhin iyo wax u dhaw toona ee doorashadda qabta ama wixii intaa ka dambeeyaa waa in shacabkayagu adeegsado cudud iyo awood laydinkaga xayuubiyo xilka oo xafiisyadda laydinkaga soo saaro!!. Way idiin wacantahay in aad xilka tirisaan si sharaflehna ku wareejisaan inta aan looga dhaadhicin qudhun. shacabka somaliland in badan ayey ka dulqaateen gef, dhac, boob iyo xabisaad iyo xuquuqdooda
oo lagu tunto taasu dhamaatay wakhtigeedi. hadaba raga moodaya in sidaa shacabku ku tegayoow aqbali mayno digtaatooriyad oo waa tii aanu ka soo dagaalanay kumanaanka wiilna u dhinteen. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkan dulmiyasan in aanay yeelin ee ay ka dagaalamaan ku digashadda iyo ku day’ga loogu tumanayo xuquuqdoodda.

By Mukhtar Cilmi
mukhtarcilmi@hotmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post