#Araweelo News Network.
Qaramada Midoobay, dawladdaha Afrika, Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika ma jeexin mana samayn xuduuddaha ay leeyihiin.
Xuduuddaha Afrika, Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika waxaa dhammaantood sameeyay ama jeexay dalalkii gumaysanjiray Qaaradahaas oo u badnaa Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbaanishka. Dalkasta oo ka tirsan Afrika, Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika wuxuu xorriyadda ku qaatay xuduuddihii gumaystayaashu u jeexeen oo qeexaya dhulkiisa, dadkiisa, qaranimadiisa iyo aqoonsigiisa. Adduunka 3aad waxaa intiisa badan qabsaday, xuduuddahana u sameeyay dalalka kala ah: Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbaanishka.
Xuduuddaha Afrika, Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika waxay ku dhisanyihiin dhulka, kuma dhisna abtirsiimo, qabiil ama isir. Jeexiddii xuduuddaha, gumaystayaashu lama tashan cidna oo qasab ayay ku jeexeen. Qabaa’il baddan oo Afrikaan ah ayaa qabiilkasta kala deganyahay dhawr dal oo Afrikaan ah (Sida hoos ku cad), taas oo ku salaysan qaabkii gumaysigu u jeexay xuduuddaha.
Shirkii Ururka Midowga Qaaradda Afrika ee la qabtay 1964, ayaa soo saaray Baaq Sharciyeed caddaynaya inaan xuduuddaha Afrika ee gumaysigu jeexay la bedelikarin si Qaaradu uga nabadgasho qabaa’il isku daya inay midoobaan gumaysigii kaddib iyo qalalaase, taas oo Qaarada Afrika u horseedilahayd fawdo iyo dagaalo qabaa’il oo aan dhammaan laguna hoobto, isla markaana noqda kuwa dumiya Qaaradda Afrika.
Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika waxay ku xidhantahay ixtiraamidda, aqoonsiga iyo ilaalinta xuduuddihii gumaysiga. Sidaas oo kale waxaa la mid ah oo aan la bedelikarin xuduudaha Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerica oo dalalkii gumaysanjiray wada sameeyeen. Sidaas daraadeed, lama bedelikaro xuduudihii gumaysiga sababta oo ah dalna ma aqbalayo in la kala gooyo dhulkiisa.
(II) SIDA HAL QABIIL OO AFRIKAAN AH U KALA DEGANYAHAY DHAWR DAL
Afrika iyo Aduunkaba kama jirto xuduud qabiil ama dawlad qabiil. Dalkasta oo Afrikaan ah waxaa degan oo wadaaga qabiilooyin kala duwan oo ay ka dhaxayso xuduudda, dhulka, taariikhda, calanka, qaranimada, aqoonsiga iyo dawladnimada. Qabaa’ilka Afrikaanka ah ee soo socda ayaa muujinaya sida hal qabiil oo Afrikaan ah u kala deganyahay dhawr dal oo Afrika ah sida kuwan soo socda:
– Qabiilka Fulani: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Mali, Nigeria, Niger, Chad, Cameroon iwm.
– Qabiilka Tuareg : Qabiilkaani wuxuu kala deganyahay Senegal, Nigeria, Mali, Niger iwm.
– Qabiilka Lunda: Qabiilkaani wuxuu kala deganyahay Congo, Zambia, iyo Angola.
– Qabiilka Yoruba: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Nigeria, Benin, iyo Togo.
– Qabiilka Maasai: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Kenya, iyo Tanzania.
– Qabiilka Canfarta: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Ethiopia, Eritera, iyo Djibouti.
– Qabiilka Berber: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Morroco, Tunisia, Libya, iyo Algeria.
– Qabiilka Isaaq: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Somaliland, Ethiopia, Kenya, Djibouti.
– Qabiilka Gadabuursi: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti.
– Qabiilka Hawiye: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Somalia, Kenya iyo Itoobiya.
– Qabiilka Daarood: Qabiilkani wuxuu kala degan Somalia, Somaliland, Kenya, Ethiopia.
– Qabiilka Rahanwein: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Somalia, Itoobiya iyo Kenya.
– Qabiilka Essa: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland.
– Qabiilka Gabooye: Qabiilkani wuxuu kala deganyahay Somaliland, Somalia, Ethiopia.
(III) LA SOO NOQOSHADII XORIYADDA EE SOMALILAND IYO DHULKEEDA
Somaliland waxay Maxmiyadii Ingiriiska ka xorowday June 26, 1960 halka Somalia ka xorowday gumaysigii Talyaaniga July 1, 1960, Jabuutina ka xorowday gumaysigii Faransiiska June 27, 1977. Kadib markii ummadda Somaliland midowgii Somalia kala kulantay gabboodfalyo iyo xad-gudubyo waxay May 18, 1991kii la soo noqotay xornimadii ay qaadatay June 26, 1960 iyada oo ku salaysan xuduudeedii uu u jeexay Ingiriisku (Maxmiyaddii Ingiriiska) isla markaana waafaqsan Baaqii Midowga Afrika 1964 oo ahaa inaan xuduudihii Gumaysigu u sameeyay dalalka Afrika aan la tabaankarin lana bedelikarin.
Xuduudaha Somalia, Somaliland iyo Jabuuti waa simanyihiin waana isku maqaam xagga shuruucda Afrika iyo Caalamkaba sababta oo ah waxaa wada jeexay Gumeysigii Reer Yurub oo midna xuduudeeda lama bedelikaro. Cid kasta oo ka hortimaada sharcinimada xuduudda (Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Koonfur) Somaliland, qaranimadeeda, madaxbanaanideeda iyo aqoonsigeeda waxay diidantahay xuduudaha iyo madaxbanaanida dhammaan dawladaha Afrika ee xorta ah (54) oo xuduudahoodu ku salaysanyihiin xuduudihii ama sohdimihii uu Gumaystuhu u jeexay. Xuduudaha gumaysiga ayaa dalkasta oo Afrikaan ah xorriyadda ku qaatay oo qeexaysa dhulkiisa, dadkiisa, qaranimadiisa iyo aqoonsigiisa. Ciddii hab-qabiil u diidan xuduudda Somaliland waxay diidanyihiin xuduudda u dhaxaysa Itoobiya iyo Somalia iyo xuduudda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya .
Cabbirka dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ama bedka waa 176,000km² (110,000 sq. miles). Waxaa uu u dhaxeeyaa dhigaha kala ah: 08°00′ – 11°30′ (Latitudes) ee ka sareeya Dhul-badhaha (Equator) iyo Loolka kala ah: 42°45′ – 49°00′ Greenwich ka xiga Bariga.Tiroobka dadka Somaliland waa 5.8 milyan. Dhinaca Bari, Xuduudka Somaliland waxa uu maraa Ceelaayo oo u dhow Boosaaso iyo Yoocada oo u dhow Growe. Dhinaca Galbeedka, wuxuu maraa Lowyacaddo. Dhinaca Koonfurta, Somaliland waxay xuduud la wadaagtaa Itoobiya, Dhinaca Waqooyiga, Xuduudka Somaliland waxa uu maraa Badda Cas.
The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.
By. Ibrahim Hassan Gagale
ibrahim_hg@yahoo.com.