MarxuumTansaani
Waxa Allaah ha u naxariistee taariikhdu markay ahayd 15 January 2017 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Maraykanka aqoonyahan Soomaaliyeed oo taariikh fac weyn lahaa oo mahadhooyin ka bidhaamay geyiga Soomaalida iyo caalamkaba kaga tegay.
Haddaba, waxaynu maqaalkan kooban ku milicsan doonnaa taariikh kor-ka-xaadis ah oo aanan ku qoto-dheeraanayn oo shiishka saari doonta heerkiisa aqooneed ee Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania), waxqabadyadii uu sameeyay, meeqaamkii uu gaadhay iyo weliba doodihii uu ku caanbaxay, kagana guulaystay xeel-dheerayaal arrimaha siyaasadda oo caalami ah.
Ugu horreyn, Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) waxa uu ku dhashay magaalada Caruusha (Arusha) ee woqooyiga dalka Tanzania, sida uu ku sheegay dukumantari uu sameeyay sannadkii 1980kii, kaasi oo uu kula baxay magaca Xuseen Tanzania.
Aqoontu waa furaha nolosha, waana aasaaska horumarka ee shaqsiga iyo bulshadaba. Professor Xuseen wuxuu aqoon durugsan u lahaa, kuna takhasusay isbarbardhigga siyaasaddaha (Comparative Politics), siiba tan Geeska Afrika, dhisitaanka dimoqraadiyadeed (Democracy building), Khilaafka qoomiyadaha (Ethnic Conflict), xallinta khilaafaadka (Conflict resolution), horumarka guud ahaaneed (Development) iyo maaraynta iyo maamulidda hay’adaha aan dawliga ahayn (NGO Management and leadership).
Professorku waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii u horreeyay ee adduunku aqoonsado, waana aqoonyahankii Soomaliyeed koowaad ee shahaadada Doctrote ka qaata Jaamacadda Harvard, isaga oo aqoon gaara u lahaa Culuumta Siyaasadda (Political Science). Taasi oo uu Shahaadadii heerka u saraysa ee PhD oo u ka diyaariyay Culuumta Siyaasadda (PhD in Political Science) ka qaatay Jaamacadda caanka ee Harvard University. Halka uu shahaadadiisii heerka labaad ku diyaariyay baadi-goobka loogu jiray helista far qoran oo afka Soomaaligu yeesho. (A nation in search of a script) oo ahaa buug-cilmiyeedka uu u gudbiyey Jaamacadda Bariga Africa (University of East Africa). Buug-cilmiyeedkaas waxa uu u yahay keyd ay ka heli karaan dadyowga Soomaaliyeed ogaal la xidhiidha qorista far Soomaaliga, halgankii loo soo galay iyo halyeyadii ka soo shaqeeyay. Prof. Xuseen waxa uu muddo dheer bare sare ka ahaa jaamacad ku taal dalka Maraykanka oo lagu magacaabo College of the Holy Cross.
Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) waa aasaasihii unkay “Somali Studies International Association” (SSIA), amase “Ururka Cilmi-baadhista Soomaaliyeed” oo ah dallad ay ku bahoobeen aqooyahanada ruug-cadaaga ah iyo da’yarta aqoonta leh ee Soomaliyeed, kuwaas oo ku kala nool daafaha dunida si ay u helaan madal lagu soo bandhigo cilmi-baadhisaha cusub ee ku aadan arrimaha Taariikhda Soomaalida, Siyaasadda iyo Degaanka. SSIA waxa la aasaasay sannadkii 1978kii. Ururku waxa uu qabtay 12 doodood oo si heersare ah loo soo agaasimay, kana dhacay daafaha dunida sida Columbus, Ohio iyo Djibouti. Waxa se xusid mudan in kulankii 13’aad ee ay qabtaan Ururka Cilmi-baadhista Soomaaliyeed ee uu aasaasaha ka ahaa Xuseen Tanzania uu ka dhaco magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo kaashanaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Redsea, kuna beegnayd 23-July-2016, taas oo uu Professorku qayb libaax ka qaatay oo ka mid ahaa marti-sharaftii ugu mugga wayneyd ee ka soo xaadirtay khudbadaha dhaxal-galka ahna kajeedisay.
Sidoo kale, Professor Xuseen waa aas-aasihii unkay the Somali Unit for Research on Emergency and Rural Development (SURERD) kaasi oo ah urur Cilmi-baadhis ku sameeya Xaaladaha degdega ah iyo Horumarinta Reer miyiga.
Waxa Alle ha u naxariistee marxuumku sumcad iyo karaamo kulahaa badiba goobaha Aqoonta lagu kobciyo, masraxyo-doodeedka, kulamada lagu falanqaynayo arrimaha siyaasadda, afka iyo taariikhaha iyo weliba shirarka caalamiga ah. Waxaa uu kartidiisa iyo dedaalkiisa dheeriga ku kasbaday billado sharaf iyo abaal-marinno heer sare ah oo ay ka mid yihiin:
• The Hewlett Mellon Award;
• Harvard University W. E. B. Du Bois fellowship;
• De Witt Clinton Poole Memorial Prize;
• Rockefeller fellowship; and
• Africa Development Foundation fellowship
Professorku ma ahayn mid ku kooban uun aqoontiisa inuu kor u sii wado se waxa uu bulshada Soomaliyeed, kuwa Afrikaanka ah iyo kuwa caalamkaba uga tegay dhaxal ma guuraan ah iyo buugaag la mahadiyay oo uu Xuseen Tanzania qoray intuu ifka joogay. Dhiganayaasha iyo war-bixinaha hirgalay, kuna faafay caalamka ee uu kategay Xuseen Tanzani Alle ha u naxariiste waxay ku qoran yihiin luqadda qallaad ee Ingiriisiga, waxana ka mid ah:
 ” From Tyrant to Anarchy” Author, Husein Adam, March 20 2008.
 “War Destroys Peace Nurtures, Reconciliation and Development in Somalia”. Author Hussein Adam and Richard Ford, March 2003.
 Mending Rips in the Sky: Options for Somali Communities in the 21st Century by Hussein M. Adam and Richard Ford (Paperback -8/1997
 Rethinking the Somali Political Experience by Hussein M. Adam (Paperback – Oct 1995).

Ugu dambeyn, Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) waxa in badan oo innaga mid ah ku xusuusataa waayo-aragnimadii iyo dhiirranaantiisii uu u lahaa dad qancinta iyo doodaha, kaasi oo madalo badan kaga caan-baxay nin lama loodiye ah oo guulo ka soo hooya fagaare kasta. Waxa ka mid ah dood sannadkii 1977 ka dhacday magaalada Lagos ee Neyjeeriya oo uu isaga oo dhallinyar ah oo hoggaaminaya koox doodiisi libin ka soo hooyay sugayna in Afka Sawaaxiligu noqdo luqadda rasmiga ah ee Afrika, halka khubaro kasoo horjeeday ay qabeen in afka Xawsuhu noqdo luqadda rasmiga ah ee Afrika.
Runtii waxaan qabaa inaan maqaal iyo qoraaltoona looga geyoonayn Xuseen Tanzania oo kolba waxa kusoo maaxanaya maankayga Raadad uu kategay Aqoonyahanku.
Waxaan kusoo afmeeri lahaa maqaalkayga in uu Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania) ahaa Suxufi ruug-cadaaya oo sameeyay Documentariyo taabo-gal ah sida (Submission of Limit 1980) oo uu kaga hadlayo Saamaynta dagaalkii Ethiopia iyo Soomaaliya ee 1977. Waxaana uu ka gaadhay heerarkiisa saxaafadeed inuu noqday weriyihii BBC uga soo warami jiray dalka Tansaaniya.
Xasuusin: Wixii laaxin ah ee ku jira amase madmadow taariikheed maaha u kas, diyaarna waan u ahay inaynu wada-saxno.
Alle ha u Naxariisto Marxuum Professor Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania).

WabillaahiTawfiiq.
W.Q: Yaxye Maxamed Cabdi “Xanas”
Email: xanas08@gmail.com
Hargeysa, Somaliland.