Madaxweyne Siilaanyo 2010 wuxu soo dhisay dawladdii ugu tayada badnayd, uguna koobnayd. Laakiin marba marka ka dambaysa tiradu way sii kordhaysay, tayaduna way sii lumaysay. Maanta oo muddo-xileedkiisu gebagabo yahayna, waxa uu hoggaamiyaa xukuumaddii ugu tirada badnayd 25kii sanno ee Somaliland jirtay. Wasiirradu way tiro beeleen, oo way tayo beeleen. Waxa jira ku-dhowaad 90 wasiir. Waxa iyaguna ciiddaa ka batay la-taliyayaasha iyo xilalka madhan ee hantida qaranka dad gaar ah loogu naas-nuujiyo. Sannadkii ugu dambeeyay ayuu golaha xukuumaddu si xad-ka-bax ah u kordhay. Ugu yaraan saddexdii biloodba hal mar ayaa isku-shaandhayn lagu sameeyaa. Deetana waa habeen kasta iyo saq-badhka iyo waalli hor leh.
Weyddiintu waxay tahay, maxaa keenay isku-shaandhayntan soo noqnoqotay? Ma marka hore ayaan laga fiirsan? Ma talada ayaa baahsan oo koox kala aragtiyo ah ayaa awoodda gacanta ku haya? Mise danaha loo magacaabo ayaa ku-meelgaadh ah? Qormadan waxaynnu ku iftiimin doonnaa weyddiimahaa iyo wacaal la xidhiidha.
Isku-shaandhayntu ma aha wax iska dhasha. Waa inay jirtaa baahi iyo duruuf qasab ka dhigi karta in wax la kala haadiyo. Duruufahaas waxa ugu mudnaan kara xilgudasho-la’aan masuulka la beddalayo si uun uga timid, dheellitir saami-beeleed (innaga inoo gaar ah) iyo hawlgalinta masuul la hubo inuu himilo, dardar iyo isbeddal horusocod ah soo kordhinayo. Laakiin isku-shaandhaynteennu waxay u dhacdaa si kale.
Ujeeddada isku-shaandhaynta aynnu u samaynnaa ma cadda. Kollayba waa dhawr ujeeddo is huwan. Ugu horrayn, ma jiraan shuruudo ku salaysan xilka oo badiba lagu xusho masuulka la magacaabo, haddii ay jiraanna lama fuliyo. Shuruudda ugu mudani waa reer hebel ma yahay. Sidaa darteed, qof kasta oo qabiil ka dhashay waa la magacaabi karaa. Looma eego ma ku habboon yahay iyo muxuu ku soo kordhin karaa ummadda. Sidaa darteed, lagama fili karo inuu wax uun ku soo kordhiyo ummadda iyo ummadnimada. Kii tegay, ka yimid iyo ka iman doonaa ba waa sidaa. Waa xulasho asqawday iyo diin baa god goray galay, goray baa god diin galay.
Masuuliyiin badan waxa loo beddalaa iyada oo laga dhex arki waayay dano qofeed, kooxeed, ama xisbi. Danahaasi badiba waa kuwo leexsan oo ka soo jeeda damaca waalan ee aadamaha awoodda is taawiya. Waxa ka mid ah dano dhaqaale, dano siyaasadeed iyo kuwo qofeed oo kaba-qaadnimo u badan. Ayaandarrada ugu weyni waxa weeye in aan marnaba dan qaran awgeed cidna xil looga qaadin.
Masuulka la magacaabo waxa xilka la eryaa ama la beddalaa isaga oo aan xataa mararka qaarkood helin fursad uu bii’adda shaqada kula qabsado; ama aan ugu yaraan hawlaha iyo hawlwadeennada xafiiskiisa si fiican uga bogan. Tusaale ahaan, wasiirka wasaaradda Shaqada Cumar-Yare waxa uu bilo kooban isaga gudbay tiraba saddex wasaaradood. Wasaaradahaa qaarkood waxa uu joogay bil iyo maalmo. Badhasaabka Togdheer loo magacaabay ee Ramaax laba sanno gudahood waxa uu marayaa gobolkii afaraad ee loo magacaabo. Marka ay sidaa tahay waa sidee?
Isku-shaandhayntan bilaa nuxurka ah waxa ku lammaan dhaqan-dawladeed cusub oo hor leh. Waa xaflado bilaa nuxur ah oo kharash faro badani ku baxo, xilalka na lagula kala wareego. Xafladahaasi sinnaba uma waafaqsana ujeeddada iyo macnaha xil-wareejini u taagan tahay. Deetana xafladahaas oo aan weli dhammaan ayaynnu maqalnaa warka isku-shaandhayn kale…. Haddana xaflado kale… Haddana…. Ha wareegto giraantu.
Isku-shaandhayntii u dambaysay:
“Hubsiino la’aanta,
Wasiirro habaynta,
Hoggaanno samaynta;
Hadhuudhku Carraale
Huftoo hufmi waaye
Maxaad kala haadin?.” – Hadraawi.
o Isku-shaandhayntii ugu dambaysay ee Xukuumadda waxa ka muuqday khaladaad door ah. Waxa ugu mudan in la soo kordhiyay Wasiirro bilaa wasaarado ah. Wasaaradda iyo Wasiirka iyamaa horreeya? Ma meelaynta qofka ayaa jagada loo abuuraa mise jago abuuran ayaa qofka lagu meeleeyaa?
o Masuuliyiin aan la xusin in xilkii laga qaaday ayaa xilkii ay hayeen masuuliyiin kale loo magacaabay; tusaale, xisaabiyaha guud ee qaranka. Markaa xilkaa ma laba masuul ayaa ku wada fadhiya? Xil-ka-qaadista iyo magacaabista iyamaa horraysa? Si taas ka duwan, magacyada mudanayaashii xilalka laga qaaday qaarkood dhawr jeer ayaa lagu soo celceliyay.
o Waxa foolxumo kale ahayd in aan dadka la magacaabay qaar ka mid ah lala socodsiin, waxna laga weyddiin inay diyaar u yihiin qabashada xilka iyo in kale. Taasi waa ta keentay in kuwii la magacaabay ay is casilaan, ama si kale oo aan habboonayn uga falceliyaan.
o Waxa iyaduna meel-kadhac ku ah nidaamka dawliga ah ee casriga ah in Wasiir uu Wasiir kale oo ay awood ahaan siman yihiin xilka ka qaado. Maaha markii ugu horraysay ee waa wax la bilowday talada Kulmiye.
o Marka lagu eego indhaha qabiilka ee badiba dadka halbeegga u ah, dadkii xilalka laga qaaday waxa ugu mudnaa saddex Wasiir oo aan midkoodna beesha dhexe ka soo jeedin.
o Waxa kale oo ceeb ahayd in warka isku-shaandhayntu suuqa yaallay maalmihii u dambeeyay oo dhan. In wararka madaxtooyadu xafidnaan waayaan waa iin ku taalla xukuumadda Siilaanyo oo la kawsatay curashadii maamulkiisa.
o Guud ahaan qoraallada madaxtooyadu ma aha kuwo hufan, tifaftiran, oo laga fiirsaday. Inta badan waxa loo qoraa si aqoon-darro ama xilkasnimo-darro loo aanayn karo. Sidaas awgeed ayuu qoraalka isku-shaandhayntan ugu dambaysayna u ahaa qoraal dheer oo isku dhex daadsan, isla markaana aan habaysnayn.
Isku-shaandhayntu waa inay wax soo kordhiso, waliba wax muuqda soo kordhiso. Ugu yaraan, waa in ay abuurto rejo hor leh iyo himilo qawmi ah. Waa inay xal u noqon kartaa mashkilado ijtimaaci ah oo la isla garawsan yahay. Waa inay ka jawaabi kartaa baahiyo caam ah oo la wada yaqaan. Waa in aanay sii kala irdhayn quluubta bulshada oo aanay saluuggii jiray saluug kale ku sii ladhin. Ugu dambaynna, waa inay ka turjuntaa baahida, dareenka iyo doonista dadweynaha. Dadweynuhu marnaba ma aha beelaha.
Maxamed Saleebaan Cumar
Email: halabuur@hotmail.com