X

Xildhibaanada Baarlamanka Somaliland Way U Xaadiraane Xaalka Ma Ogyihiin?

By, Mohmoud Ommar

Xildhibaanada gollaha guurtida iyo wakiillada Somaliland oo laysku yidhaahdo Aqalka Baarlaamaanka Somaliland ayaa golle walba waxa fadhiya 82 muddane oo midkiiba mushaharkiisu yahay lacag lagu qadarro 1, 3000$ oo lacagta Mareykanka ah. Haddaba haddii aynu u soo daadegno si aynu u ogaano xildhibaan kastaaba tirada mushaharka uu qaato iyo guud ahaanba qarash-mushahareedka ku baxa gollaha baarlamaanka Somaliland waxa uu noqonayaa sidan;

Marka uu xildhibaan walba uu qaato 13000 dollar tirada xildhibaanada labada gollena ay yihiin 164 xildhibaan oo aanay ku jirin xildhibaanada loo yaqaano xubin sharafeedka waxa uu noqonayaa mushaharka bishi ay qaataan marka lagu dhufto 1,300 dollar 164 = 213, 200 (Laba boqol oo kun saddex iyo toban kun iyo laba boqol oo dollar), Taas macnaheedu waxa weeye mar haddii ay bishii tirada intaasi leeg ay qaataan in qadarka lacageed ee ay sannadkii qaataan uu noqonaayo 2, 558, 400 (Laba milyan, shan boqol siddeed iyo kontan kun iyo afar boqon oo dollar).

Tirada lacagta intaasi leeg iyo lacago kale oo fara badan oo ku baxa habeen dhaxooda, caafimaadkooda, kal-fadhiyadooda aan caadiga ahayn, gunnooyinka guddiyada gollaha, iyo dhammaanba kharashaaddada kale ee dheeraadka ah haddii laysku geeyo waxa uu u dhigmayaa; mushaharka ciidamada iyo shaqaalluhu ay qaataan saddex meeloodow laba. Taas macnadeehedu waxa weeye aqalka baarlamaanka Somaliland waxa uu yahay ha’yadda ugu miisaaniyada badan ha’yaddaha ka jira Somaliland.

Shacabka Somaliland ma salluugsana awoodahooda shaqo iyo doorka ay ka ciyaaraan u adeeggista waajibaadka xileed ee ay hayaan. Bal se waxa ay dhalliilsan yihiin mushaharka xad-dhaafka ah ee ay qaataan muddanayaashani.

Haddaba ma habboon tahay in wax ka beddel lagu sameeyo mushaharka aqalka Baarlaamka Somaliland?

Jawaabtu waxay noqoneysaa hadba heerka dhaqaale ee waddanku taagan yahay. Maanta Somaliland waxaad arkeysaa muwaadiin camal la’aan iyo gaajo gaaf wareegaya. Muddanayaasha gollahani inta badan wax ay sheegtaan in ay tudhaalayaasha waddanka yihiin bal se looma diidana muhiimadu se waxay tahay in ay iyagu waddankooda u tudhaan. Tusaale yar;

Xildhibaan bal qiyaas masaakiin maalintii ku nool 1 dollar ama wax ka yar. Bal qiyaas, Cali Mataan masjidka makhribka oo kaliya inta masaakiin leh; cashada naga soo bixiya. Bal baadh mushaharka guurtida, madax-weynaha iyo wasiiradda. Madaxda maanta masuuliyad ayaa bulshadan ka saaran, masiirkooda iyaga ayaa madaxaku sita, haddii ay maanta.

Xildhibaan ma og tahay in samaha waddanku yahay xoriyad, cadaalad, sinnaan, wadajir iyo wax wada qabsi. Maxaad diidan maanta in aad mushaharkaaga dastuuriga ah ee ka fog cadaaladda aad dib u eegisa ku sameyso?. Xildhibaanada labadan aqal xoggo-gaal ayey u yihiin xaaladda rasmiga ah ee waddanku maraayo, bal se shacabka Somaliland waxay uga fadhiyaan inta aanay isbeddel kale sameynin in ay iyagu mushaharka ay u xaadiraan bishii wax ka beddel ku sameeyaan oo dhimaan.

Qadarka lacageed ee maanta ku baxa aqalkaasi baarlamaanka Somaliland haddii si wanaagsan oo cadaaladdi ku jirto loo maamuli lahaa waxa hubaal ah in baahiyaad badan uu dabooli lahaa.

Waxani maaha dhalanteed iyo medadaalo ee waa xaqiiqo jirta. Fadlan waxay shacabku idinka codsanyaan maanta in isbeddelka koobaad ee qabataan in uu noqdo wax ka beddelista mushaharkaasi cadaaladda ka fog ee aad bil walba u xaadirtaan idinka oo eegaya baahiyaadka jira.


Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.
Email: mohoomer@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post