Hal-ku-dhigga carwada waxaa ku soo noqnoqday erayga Space (faalal). Runtii faalalka waxa soo hoos galaya sida ku cad buug-gacmeedka carwada macnayaal badan, balse waxaa jira jiho uu u socdo oo aan la dhaadayn, halka dadka wax odorosaa sheegayaan in uu ka gun dheer yahay macnaha loo dhigayo seeska sida dabacsan, iyadoo sal looga dhigayo doodaha furan ee bilaa xayndaabka ah. Si doonista nafta looga dhargiyo iyo raaligalinteed si ay uga guddubto dabar aadamaha Allaah u dhigay, loona noolaado si ka hoosaysa mayeedhaanka, balse masiibaduba waa haddii ay iyaga ku kooban tahaye, waxay sadhaynayan dhammaan aadamaha iyagoo adeegsanaya qaar u jibaysan dhaldhalaalkooda, meel kastana u horboodayo. Ta kale, wixii nacfiga lahaa ma soo jilaabayaane waxay ku asqoobeen erayga xorriyad bilaa xayn-daab ah, waxaana loo socdaa in bulshada lagu dhexbeero geedka xoriyadda billaa xayn-daabka ah, si loogu shubo afkaar qadhaadh oo qas iyo tashwiish u badan, taasina ku aroorto fasahaad nololeed.
Tabaha diirada ay saaraan ee ay dadka ka soo galaan, waxa hal-ku-dhig u ah in dhaqanka la buun buuniyo, heerkiisa meel dhaafsiisan la gaadhiiyo iyo awooda aadamaha oo isna heerkiisa la dhaafiyo, iyo caqliga oo la kormariyo xayn-daabkiisa diimeed, iyadoo isha laga lalinayo dhammaan tubaha toosan. Waxaa dunida ka caana duulaanka loo yaqaan duulaanka maskaxda oo meelo badan biyo dhigay, waana yool aad ilayska loogu raadsho si loo hanto quluubta bulshada daciifka ka ha dhinaca kala haadida fikradaha iyo danaha ka dambeeya, iyadoo la adeegsanayo, waddiiqooyin gacmo sokeeye oo si hoose ugu tallaalan, waana mawjado culus oo u ciilan dhaxal wareejinta Caqiidada saafiga, ah ee samaawiga ah, una dambaysay dhambaaladii xaga rabi kayimid. Dagaalkanina maaha mid cusub ee waa soo jireen guuna waxaannu soo laba kacleeyaa, markasta oo dadka islaamku daciifaan amma bukoodaan, kana gaabiyaan ku dhaqanka iyo ku dhaganaanta milgaha suuban ee ku salaysan Quraanka iyo Sunaha, waxayna ka faaiidaystaan bukaanimadiisa sababna u tahay marka dadkiisu ku qarqoomaan dhaldhalaanka adduunyada, balse ma dhinto ee dhul u dhiciisa ayaa fursad wayn u ah Allaa Koodyada hadda kumaan kumka maraya, waxaad maqashaa “gob ma jabtee way liidaa.”
Waxa wax laga naxo ah in indheergaradkii dadkan iyo dalkani dhaadi waayaan duullaanka innagu soo muruxsaday, si toosana inoogu eekaysan, mabaa’di’deenii. Butaacan, hirarka taariikh ahaan waxay dunida Islaamka ka soo galeen dalka Masar, iyo Turkey oo bulshooyinkaa qaybo ka mida injiijka laga beddelay, waxaana hadda tusaale noola dalka Kuwait, dagaalkii Ciraaq dabadii dhammaan dumarkii la qaawiyay dhallintiina la duufsaday,(nin Kuwaytiya oo sheekhaa wuxuu yidhi qabsashadii Saddaam waxaa nagaga darran qabsashada Maraykan ee dhaqankii Islaamiga ahaa saameeyay) waxaanad arkaysaa waddamadaa dad islaam u nasab sheeganaya oo intay afka kala qaadeen waxaan leh; “Diintu wax shaqo ah kuma laha nolosheena ee waa aalad cibaado, waana halka loo ham iyo hidig leeyahay. Waxayna leeyihiin naadiyo iyo xisbiyo, ururo afkaartaa si cad ugu baaqa. Masar waxaa laga soo galay iskuul Cilmaaniyadda oo laga furay magaalada Iskandariya ee dalaas oo dabada ku hayay kuwa neceb islaamka.
Waxa foodsaare u ah in bulshada laga dhex abuuro bulshooyinka xannuun diin nacaybi biyo dhigay, si ay u noqoto “baruurbaa baruuryo qudhmisa,” ama “guddun yahay imaad goyseen ee badhkay baa kugu jira.” Waxaanay qaddisaan dhaqanka waa halbeega hal-ku-dhiga u ah in laga mashquulo wixii la inoo abuuray.
Runtii qawlaysatadani ma nastaan, waxaana muuqata eraygii ahaa “Qalwaddii masbaa galay,” maantana waxaa inagu soo dareeray maskaxo iyo mabaadii’ aan lamahadin doonin haddaan loo istaagin sidii loogu nasteexayn lahaa, bulshadana looga dhawri lahaa, waxa jira magacyo iyo astaamo huwan ajandayaal hoose oo la haddoodilay oo aad arkayso dad u jibaysan. Waxaana food-saar ka dhigtaa iyo shay ay ku gabadaan xoriyadda hadalka iyagoo doodo hordhaca sameeya, kuna gabagabeeya doodo taabanayana caqiidada ummadda.
Waxaa dhallinta lagu jeediyay qorida buugaag, waxaana ku xiga doodo, sida dhallin badan oo hadda weji buuga (facebook) isticmaashaa soo qoraan hadalo wax weyn u dhimana caqiidada diinta islaamka oo dhaqan gaalnimo muujinaya, sida roobka duco ma keento ee waa shay cimiladu keento, iyo waxyaabo ka sii liita, doodaha kaarka innagu soo hayaa waa kuwaa iyo qaar kale oo ka qadhaadh, waxa qudha ee ay ay ka faa’iidayaana waa Alle diidnimo iyo bulsho balayn, haddii ay iyagu ku kooban tahay, waynu iska moosi lahayne, dhibtu waxay sii qadhaadhaatay markay noqdeen kuwa ku baaqaya xumaanta, dadkii beerka jilicsanaan sanka la sii raacayaan hadalkooda, waana tilmaan digniin cas muujinaysa.
Waxa Naarta qofka u jiida afar arrimood oo kala ah; nafta xumaanta jecel, shaydaanka, rabbitaanka, iyo wixii tashwiisha. Waxay qolyahani adeegsaddaan tashwiishinta waxa lagu caafimaadaa cilmiga iyo iimaanka oo la xoojiyo, guntii iyo gababgabadii waxaynu galnay cahdi cusub oo dhinaca afkaarta kulul, oo khatara, si hoosana u faafaya, kuna eekaysan Caqiidada saafiga ah in la digtoonaadaana waa in daanwayne. Waana in suti gaashaan loo qabtaa, waayo dadkan iyo dalkan waxaa loo soo shubay dhiig, in caqiidadooda qaar dhuuni raaca, ay si yar u xaddaan laga yeeli maayo.
Waxaan aad ugu farxay qoraal uu ka qoray wargeyska xukuumadda ee Dawan, oo ku saabsan shakhsiyaadka horboodaya oo taariikhdooda madaw ee nolosha, Xukuumaddu waxa ugu horeeya ee masuul ka tahay waa diinta iyo caqiidada in ay ilaaliso, sidaa daraadeed waa in ay doorkeeda ciyaartaa.
Maanta waxaa bilaabmay mashruuc ka mid ah kuwa ay ku ugaadhsadaan kooxdani, oo si qaawan u weeraray wixii inaga dhexeeyay ee diin iyo dhaqan ahaa, kaasoo loogu yeedhay bandhigga dharka, waana tiir ka mida kuwa la rabo in laga taago dhulkan iyo dadkan dhexdooda ku soo caano maalay, Nabad iyo Diin, waana digniin hor leh, runtii mawduucaasi waa mid xasaasiya, waana in toosh wayn lagu shidaa, waxaan ka sii naxdin badan qaabka ay u qaabishay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, oo sharaf inaga mudan, balse dad badan oo aan ku jraa waanu ka yar gaws qabsanay, halka bulsho badani calaamad su’aal galisay.
Amma ka nax, amma ku farax, dadkan, dhaqankoodii diinta waafaqsanaa waa loo soo tafaxaytay in la farafareeyo, ugu dambayntana sida qur’aanku sheegay meel dhexe la ina dhigo, oo xoolaha ka liidata, waxaana maanta wadddanka ka furan meelo haya shaqo lid ku ah wixii inaga dhexeeyay ee aabayaasheen iyo culimadeenii ka dhaxalnay iyo awowyaasheen ee ahaa dhaqan iyo diin wanaag iyo Nabi jacayl, halka la inooga soo dhacayna waa albaabkii culimada qaar fadhiyeen oo ay kaga mashquuleen, adduunyo jacaylka, halka qaar tiro yari ay hadh iyo habeen ummadda u hayaan shaqo wacan oo diimeed, balse “Col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan baa ku dhacday.”
Waddanka waxaa la keenay dadkii dunida horumartay ay soo eryeen ee u doodayay in dadka isku jigsiga ah is guursadan, iyo meelo u eg night clubs, oo aan cidina dafiri kari iyo qaar u dooda oo la yidhaado difaacayaasha xuquuqda, saddexdaa qolo iyo qaar kaleba waxay hayaan shaqooyin qaar halis ku yihiin umadan, Wuxuu yidhi “haddaan dab idhaah ma afkaa iguban”. Waxaan naftayda iyo ta walaalaha guud ahaan kuwa ku jira iyo kuwo aan ku jirin mashaariicdan ku dardaarayaa in aynu ka shaqayno raaligalinta Rabbi iyo ilaalinta danta guud iyo ta dalka.
Ahmed Ali Kaahin
Ahmedckahin@gmail.com
HA HILMAAMIN XUSKA RABBI.