By. Dr. Maxamed Faarax Qoti
Somaliland waxa ay ka mid tahay 31-ka wadan ee maanta sida fiican ay uga hirgaleen nidaamka dimuquraadiga ee loogu tartamo siyaasadda awooda tallada dalka ee ay dadku ku doortaan hoggaamiye ku hoggaamiya nidaamka siyaasadeed ee dalka u dajisan, taasoo loo marayo awooda siyaasadeed iyo nidaamka siyaasadeed ee la doortay inuu badelo xukuumad hab-doorasho oo xor ah, ee jira qaaradaha aduunka.
Qaaradda Aasiya waxa ka mid ah wadamadaasi, India, Japan, Mauritius, South Korea, Sri Lanka, Taiwan, Qaaradda Ururbna; Austria, Belgium, Denmark, Finland, Germany, Iceland, Ireland, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, United Kingdom, halka Qaaradda Africana ay yihiin; Benin, Botswana, Somaliland, Cape Verde, South Africa, Zambia, Wadamada waqooyiga mareynkankana waxa ka mid ah; Canada, Costa Rica, United States of America, iyo wadamada koonfurta mareynkanka oo ah; Argentina, Brazil, Chile
Inta aynaan u guda-galin sababihii aynu ku gaadhnay guulahaasi, waxaynu si cilmiyaysan u eegaynaa, in aynu wax ka fahano Carrabku inuu xidhiidh toosa la leeyahay kuna xidhan yahay qalbiyada aadamaha, isla-markaana ka khatar badan yahay dhamaan ficillada dhaq-dhaqaaqa qaybaha xubnaha oogada jidhku sameeyaan, sababtoo ah, dhawaaqyada dawanka codadka dhiilada leh ee uu sameeyo carrabku, sidda:- kaftanka, namiiminta, xanta, beenta, cayda, hadalka badan iyo hadalada turxaanta lihi, waxay sababaan xanuunka ku dhaca qalbiyada aadamaha ee la yidhaahdo; Qalbi-madoobaadka.
Halka, dhawaaqyada dawanka codadka farxad leh ee wanaagsan ee carrabku uu sameeyaana sidda;- Akhriska-quraanka, cilmiga iyo aamusnaanta, ay tahay daawada kaliyaata ee lagaga hortagi-karo xanuunka qalbi-madoobaadka ee ku dhaca qalbiyada aadamaha,
Waxa haddaba, muhiima in aynu wax ka barano sidii aynu ku gaadhnay guulahaasi oo aynu dib u eegis ku sameyno taariikhihii aynu soo marnay iyo doorarkii ay ka soo ciyaareen hoggaamiyayaasheenu xaaladdihii adkaa ee ay guusha ku gaadheen iyo guul daradoodii, Qaabkeebaynu kula xisaabtami karnaa hoggaamiyihii aynu dooranay iyo kuwii aan dooraninba? Waa maxayse Xeeladda, Xaaladda, Xirfadda iyo xikmadda Hoggaamiyuhu? Maxay tahay masuuliyadda shaqo ee hoggaamiyuhu? sidoo kalena, waxaan jeclaystay in aan iyagana halkan ku xusso macalimiintaydii jaamacada ee ii suura galiyey cilmiga iyo aqoonta aan halkan idinkula wadaagayo, Mss, Joanne Hill, Mss, Tove Sorensen Bentham, iyo Ignatius Takawira.
Haddaba, Masuuliyadda shaqo ee hoggaamiyaha waxa lagu qeexaa in ay tahay saddexdan qaybood ee kala ah, sidda;- Waajibaadka shaqo ee lagu gaadhayo himilada, dhisida golle-wadajira oo lagu gaadho yoolkii la hiigsanayey iyo in la horumariyo shaqsi kasta oo muwaadin ah, laakiinse, haddii mid ka mid ahi uu ku yimaado hoos u dhac ama da’yaccaadi, waxay soo gaadhsiisaa qaybihii kale wax-yeelooyin.
Haddaba, si aanay taasi u dhicin waxa muhiim ah in laga taxadiro, oo laga hortago wax kasta oo saameyn ku yeelan kara shaqadaasi, waxa kale oo waajibku ah hoggaamiye kastaaba inuu hello habkii loo maareeyey shaqo kasta oo ay qabteen kooxdiisii, laakiin, haddii hoggaamiyahaasi uu ku qanci waayo habkii loo maareeyey, ma’aha inuu ku ixtiraamo kooxdiisii.
Xeeladda hoggaamiyuhuna waa ahmiyadda koowaad, waa sawirka u muuqda mustaqbalka hoggaamiyahaas, waxaana lagama-maarmaan u ah in la abuuro maal-gashiyaga khayraadka dabiiciga ee dalku uu leeyahay, halka Xirfadda Hoggaamiyuhuna ay tahay fulinta hawlaha lagu gaadhi lahaa aragtidiisaas, sidoo kalena, taasi waxa bar-bar socoto, una horseedi karta inuu gaadho guul-dhamaystiran, afar-qaybood ee kala ah, sidda;- xulashada kuwa leh xirafaddaha dabeeciga ah, tababaridda, dhiiri-galinta bulshada “taasoo loola jeedo in laga fikiro mudadaas, masuuliyadda dhiiri-galineed, sababaha abaal-marineed, xidhiidhintooda iyo in la dhiso is-aaminka.
Haddaba, haddii ay is dhex-galaan labadan hab-dhaqan waxay xumeeyaan oo ay saameyna ku yeesha qaabka hoggaamiyaha, sida;- Hab-dhaqan hawleedka taasoo ah, mid inta badan hoggaamiyuhu xiiseeyo inay lahaato isgaadhsiintu jiho-kaliya, oo lagu gaadho hadafka iyo halkii bar-tilmaameedka u ahayd, isla-markaana, la qeexo doorka ay ku leeyihiin shaqaaluhu, iyadoo loo sheegaayo waxa la qabanayo, sida loo qabanyo, iyo wakhtiga ay tahay in la qabto.
Ta labaadna waa Xidhiidhka Hab-dhaqan waxaanu xiiseeyaa in ay isgaadhsiintu yeelato laba-jiho, oo ah (war-bixin dhiiri-galineed iyo dhagaysiga ficil celinta ka timaada shaqaalaha fir-fircoon) habkan oo ah mid dhiiri-galineed iyo mid taageero ah oo lagaga qayb qaadanayo sidii loo daboolihaa baahida shaqaalaha.
Cabir qiyaaseedka lagu ogaado heerka hoos u dhaca iyo kor u kaca qaabka hoggaamiyaha, waxa ka mid ah hababkan;-
Habka-dhawaaqida oo ah mid ay aad u sareyso hawlaha, balse ay hooseyso xidhiidhinteedu, taas macnaheedu maaha in aanay jirin wax xidhiidh ahi, laakiinse, waa mid ka hooseysa marka la barbar dhigo xidhiidhada hab-dhaqan ee ay leeyihiin qaababka kale.
Isticmaalida habkan, waxay u noqotaa hoggaamiyaha dariiqa uu u raacayo, inuu ugu sheego shaqaalihiisa waxa ay qabanayaan iyo sida ay u qabanayaan, inkastoo ay lagama maar-maan tahay, in wax laga weydiiyo, lana dhageysto tallo-bixinta shaqaalaha, haddana arrintaasi waxay ku beertaa hoggaamiyaha kasta shaki weyn, waxaanu u arkaa in lagala wareegay go’aan qaadashadiisii iyo masuuliyadiisiiba.
Waa mid aad loo xiiseeyo, marka loo isticmaalayo xaaladdaha u baahan in si deg-deg ah wax loogaga qabto dhibaatooyinka jira, lana qaado go’aano iyo talaabo wax ku-ool ah, oo ku dayasho mudan, halka ay qaababka kalena ka raadiyaan jihada oo kaliya.
Haddii ay sii dheeraato isticmaaladiisu, ma sii waarto caawimadeedu, hoggaamiyahaasna waxa ku yimaada xakameyn, xukun iyo amaro badan, taasoo guud ahaan ku keeni karta in ficil-celini kaga timaado dhinaca shaqaalaha.
Habka-Iibinta waa mid ay aad u sareyso hawlaha iyo xidhiidhintooduba, hoggaamiyahaasi waxa uu xiiseeyaa in uu hello hawlihii shaqo ee la qabtay iyo inuu isku dayo sidii uu u helli lahaa shaqaale uu soo iibsado oo ka shaqeeya go’aan qaadashada ku saabsan wixii khuseeya falaqeyn iyo sidii loogu qaban lahaa, si taxadir ah, lana baahiyo tiro shaqaale ah, habkani waa mid u wanaagsan cabirka hawlaha iyo xidhiidhintoodaba.
Habka-Isku-xidhka ayaa ah mid ay aad u sareyso xidhiidhta, isla-markaana ay hooseyso hawluhu, waxaanu leeyahay heshiis fiican, marka loo eego habka sheegmada, sidoo kalena, waa mid ku dhisan habka tallo-wadaaga ah ee hoggaamiyaha iyo shaqaalaha ee sameeya doodaha badan ee lagu gaadho go’aanada laga soo saaro qaraarada, waana mid ay yar tahay hawlaheedu, taasi maaha macnaheedu inay tahay mid aan khusyenin hawlihii hoggaamiyaha, laakiinse, waxa xumaada oo kaliya dhameystirka hawlihii dadaalka badan la galiyey oo aan ahayn shaqaalihii ku haboonaa sameynta qorshayaasha iyo go’aan qaaashada, inkastoo, habkani wax tar weyn u leeyahay marka ay shaqaaluhu si fiican u garanayaan hawlahooda, isla-markaana u baahdaan jiheyn.
Guud ahaan, xaqiiqdii waa mid raali laga wada yahay, balse, waxa ku yimaada waxoogaa dhibaato ah, marka loo isticmaalo si xad-dhaafa, waxaana soo wajahda cabsi badan, waa marka ay shaqaaluhu aanay ahayn kuwo caana, ma kala jeclaysto, haddii ay arrintaasi dhacdo, shaqaaluhu waxay isku dayaan inay isku biimeeyaan hoggaamiyaha iyo qaab mudaharaad oo aan sharci ahayn, oo illaa xad aan habeysnayn ( amaba ay iskaga dareeraan)
Qaybinta hawlaha : waa mid labadooduba ay hooseeyaan xidhiidhka iyo hawluhuba, waana dariiqa kaliya ee lagu daadajiyo masuuliyadda iyo xukunadda dowliga ah, shaqaaluhuna waxay bixiyaan heshiis weyn oo xoriyadeed taasoo la farsameeyey, haddii shaqaalahaasi ay ku fillan yihiin wax-badan, calaamadda ay bixisaana waa habka ugu saxsan.
Waxaana muhiim ah in hoggaamiyuhu ku ixtiraamo habka awoodaha ay u kala leeyihiin shaqada, iyadoo aan la kormeerayn, ama wax badan laga taageerayo dhinaca hab-dhaqanka, siday doontaba ha-noqotee, marka wakhtigiisu sii dheeraado habkan natiijadeeduna waxay noqotaa in aanu hoggaamiyuhu sii illaalin Karin hawlaha iyo xidhiidhintoodaba, waanay iska cad taasi in aanay lahayn wax-tar.
Xikmadda hoggaamiyuhu waa dabeecadaha maanka aadamaha ee garashada fahamka qotoda dheer leh iyo habka farshaxanka uu u isticmaalo go’aamada caqli galka ah iyo waayo-aragnimada lagu gaadhayo aragtida fog, marna waxa loola jeedaa in ay tahay waajibaadka heerarka hab-dhaqanada fiican ee ay sameeyaan aadamuhu, sidda, samo-falka, daacadnimada, naxariista, geesinimada, himilada, isku-kalsoonida, go’aan qaadashada, raxmada, aqbalida, cadaalada, dulqaadka, balan-qaadka, dareenka badan iyo wax-ka eegida dhanka wanaagsan, taasoo aassaass u ah xaqa, halka baadilkuna uu yahay khalad.
Xaaladda hoggaamintu waa mid muhiim u ah in uu fahmo hoggaamiye kastaaba wakhtiga ku haboon ee la isticmaali karro qaababkan kala duwan ee hoggaamineed, taasoo isticmaalideedu u horseedi karto guusha hoggaamiyaha, marna waxa ay u noqotaa hagaha xaalaaddaha dabeeciga ah, waxaana muhiim ah in si taxadir leh loo qiimeeyo xaaladahaas, isla-markaana la kala doorto marba qaabka ku haboon.
Waxa kale, oo lala xidhiidhiyaa habka hoggaamiyuhu u isticmaalo isku xidhka, maskaxda iyo muruqa shaqaalaha, haddaba hoggamiyaha kali-talliyuhu wuxuu u isticmaalaa hawl kasta oo la sameeyo ka go’aan qaadashadeeda, waa maxay, waa goorma, sababtee, sidee baa loo qabtay, iyo kumaa qaban doona, shaqaaluhu way ku guul dareystaan jihada ay u raaci lahaayeen.
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaasina go’aan kasta oo uu gaadho, wuxuu u isticmaalaa awood, taasoo ah, baahi aan ku dhisnayn xaqiiqada, isla-markaana, nidaamkii ciqaab xad-dhaaf ah loo isticmaalo, mana ogolaadaan in wax la iska weydiiyo go’aanadaas, haddii ay sii badato baahidaas aan ku dhisnayn xaqiiqadu, waxa soo hadheeya daruuro wata ceeryaamo caadifiyaysan, ka dibna, wixii uu garan waayo, wuxuu wax ka weydiiyaa saaxiibkii oo kaliya dariiqa loo marayo go;aanadaas.
Xukunku wuxuu oggol yahay in go’aan wada-gaadhista, hab-dhaqanka hoggamiyahaas waxa lagu tilmaamaa inuu leeyihiin aqoon iyo waayo-aragnimo badan, oo inta badana guul-dareysta, waxaana ku yar kalsoonida ay ka haystaan awoodaha dadka kale, waa kuwo leh fikrado kala duwan oo khatar badan, si fududna wax u khariba, isla-markaana ay yar tahay garowshiiyaha ay bixiyaan, waxaanay isticmaalaan faa’iidooyinka dadka kale ay helli lahaayeen iyo balan-qaadyo afka ah oo leh tartan aad u sareeya.
Wada-tashiguna wuxuu diirada saaraa sida uu u isticmaali lahaa xirfaddaha, waayo- aragnimada iyo fikraddaha dadka kale, si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyahaas wuxuu isticmaalaa isagoo haya go’aanka kama danbeysata ah ee uu u isticmaalayo awooda, mana gaadho go’aanada fudud, haddii aanay ka hor-imanin wax dhibaato ah kuwa fulinaya hawshaas.
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaas, waa mid inta badan ku jihaysan xalinta khilaafaadka, dhisida wada-jirka, iyo sidoo kale inuu hayo go’aanka kama danbeysta ah, waxaanu diirada saaraa in wakhtiga socdaa ahmiyad weyn u leeyahay wax-qabadka, waxaanu bixiyaa aqoonsi sax ah iyo maamul daadajin, laakiinse waxa waajiba inuu illaaliyo diidmada qayaxan ee ah “Veto power”
Tallo-wadaaga waa mid leh dareeno badan oo aan lagu wada-qanacsanayn, habka loo maareyn lahaa midowga qaabka tallo -wadaagaas
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaas waa mid isku ururiya fikradaha xubnaha kooxahaas, waana tababaraha kooxada, ahna macalinka ciyaarta, waxaanu aqbalaa fikradaha xadidan ee ay leeyihiin kooxadaas, waxa kale, oo uu diirada saaraa wixii la jaan qaadi karaya abuurnimadaas, taasoo ah abuurista dhaqanka hal-abuurnimada saxda ah ee qaabka-hoggaamiyaha.
Geba-gabadii waxa aynu u baahanahay in aynu is-weydiino dhowr su’aalood oo u baahan jawaabo waafiya, Waa kuma hoggaamiyaha wax ka qaban doona, wixii uu ka soo bartay Hoggaamiyayaashii hore ee Somaliland, sida, (AHUN) Abdirahmaan Axmed Cali, (AHUN) Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Hoggaamiyaha hadda tallada haya ee Axmed Maxamed Maxamud? Maxay ku fiicnaayeen dhinaca awoodaha taasoo ay tahay casrigan mid ku dayasho mudan in ay qabatimaan mustaqbalka hoggaamiyayaasha soo socdaa, iyo sidoo kale, dhinacii awoodaha ee ay ku liiteen, si aanay ugu dhicin? Waa noocee qaabka iyo tayada hoggaamiyayaasha aynu u baahanahay ee aynu ka filanayno inuu wax ka qaban doono, khaasatan ujeedooyinkeena la xidhiidha dhinaca sharciga iyo caqabadaha waaweyn ee ina soo wajahi doona?
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
Dr. PH, Astrologiest, Writer