X

“Wax kasta oo la Qasaaba, Way kala miirmaan” W/Q. Maxamed Faarax Qoti

Mohamed Farah Qoti

Waxaan aad u jeclaystay in aad mar-labaad nala wadaagtaan sheekadan oo lagu baahiyey mid ka mid ah wargeysyada madaxa-banaan ee ka soo baxa dalka jamhuuriyadda Somaliland.
Habka farshaxanimada leh ee qoraagu uu inoogu soo gudbiyey bahdeena wax akhrida, hab-qoraaleedka sheekadaas oo ahayd mid aad u iftiiminaysay xaaladda siyaasadeed ee wakhtigaasi ka taagnaa dalkeena, waxa kale oo uu qoraagu si ladifan inoogu soo gudbiyey in wax wal oo la qasaaba ay kala miirmaan , marka qaska laga daayo.

Waxaanu qoraalka qormadiisaasi uu ciwaan ugaga dhigay, Sheeko kale: Way Qasayaan, taasoo uu ku bilaabay qoraagu sidan:-
Xertu waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena, waxaana lagu baran jiray Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraaga ah, oo kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u gaar ah oo ay degenaayeen.
Waxa kale, oo ay Xertu ahayd kulliyad guuraysa oo dadka reer miyiga ah yar iyo weynba bari jiray, Quraanka, culluumta Islaamka iyo Carabida, sidoo kalena, waxa ay reer miyiga u maamuli jireen dhaxalka, guurka, aaska, casharinta xoolaha, sekada, ducada iyo nabadaynta, isla-markaana, Reer miyiguna waxay abaalgud u siin jireen xoolo.
Wakhti wakhtiyada ka mid ah, Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degtay, sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray baligii oo ku yidhi, “Biyo inoo soo dhaamiya.”
Markay ardaydii baligii tageen, waxay arkeen baligii oo xoolo badani ka cabayaan, biyihiina la qasay oo ay xareediina aad u dhooqowday.
Ardaydii markii ay ku soo noqdeen sheekhii, waxay ku yidhaadeen, “Sheekh, way qaseen! Biyihii way qaseen! Dadkii xoolaha waraabinayay biyihii way qaseen!”
“In yar iska suga. Biyaha iyo dhooqadu ha kala miirmeene,” ayuu Sheekhii ardaydii ku yidhi.
ka dib, markii xoolihi baligii ka dareereen, ayuu sheekhii u diray ardaydii, waxay arkeen biyihii oo kala miirmay oo saafi ah, waanay soo dhaamiyeen.
Ardaydii markay biyihii keeneen degmadii xertu degenayd, ayaa Sheekhii weydiiyay, “ Ka warama biyihii?”
“Sheekh, way kala miirmeen,” ayay ugu jawaabeen.
“Ogaada, wax wal oo la qasaaba, way kala miirmaan, marka qaska laga daayo!!!” ayuu ku yidhi sheekhii.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
“ Xigasho : Waxa Qoraalka sheekadan lagu baahiyey Wargeyska madaxa-banaan ee Jamhuuriya oo ka soo baxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana qoray, Prof. Cabdisalaam Yaasiin.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post