X

Wasiirka Maaliyadda oo Weli aan Talaabo ka qaadin Maamulka Kastamka Berbera!!!!!

By Maxamed Xasan Cabdi

Guddi khaas ah oo loo xilsaaray ka soo Jawaabida Koonteenar
Siday ( 113000-Kun Oo Mobile ) Oo Qaab Musuq-Maasuq loogu cashuuray inuu sido 60 Kiish oo Sonkor ah, ayaa Natiijadda baadhistoodii ku celiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sida ay sheegayaan Xoggo arrintan la xidhiidha Guddidan ayaa Warbixin faahfaahsan ku celiyey Wasiirka Maaliyadda Somaliland, iyagoo sheegay in Mas’uuliyad daro arrintan ka timid iyo weliba gacan is dhaafsi hawsha Koonteenarkaas la xidhiidha ay ka danbaysay inuu Koonteenarkaasi ka baxo
xaydaabka dekeda Berbera, kaas oo ay Mas’uuliyadiisa lahaayeen Maamulaha Kastamka Berbera, Madaxa baadhista ee Kastamka Berbera iyo Maamulaha laanta hubinta ee dekeda Berbera .

AKHRI: Wasaaradda Maaliyadda Oo Guddi U Saaray Cashuur Hal Milyan Oo Dollar Ka Badan Oo Qaab Musuq -Maasuq Loola Soo Dhaafay Kastamka Berbera

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan oo natiijada baadhistaasi ay hortaalo afartii cisho ee u danbeeyay ayaa warku sheegayaa in aanay weli ku dhiiran go’aankii ay ka qaadan lahaayeen dhacdadan ugubka ah ee musuq-maasuq ee ka dhex qaraxday kastamka magaaladda Berbera oo ah Isha ugu weyn ee dekhli soo saar ee JSL.

Xaalada musuq-maasuq ee Koonteenarka lagu cashuuray 60 kiish oo Sonkor ah, ayaa ku soo beegmay xili uu hoos u dhac dhaqaale ku yimid dekhliga Guud ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee Aamusnaanta dhacdadani Waa hal xidhaale adag oo hor yaala madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda, Maadaama Xukuumada Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi ay ololihii doorashada ku gashay inay la dagaalamayso Musuq -maasuqa ka dhex jira laamaha dawlada waxayna dhacdadani ka soo if baxday Kastamka magaalo xeebeedka Berbera ay nusqaan ku noqonaysaa
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

By Maxamed Xasan Cabdi

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post