X

Wasiirka Arrimaha Guddaha Waxa Laga Rabbaa Inuu Soo Caddeeyo Eeddaha Loo Xidhay Fannaaniinta Xidigaha: By. Naasir-Gargaar


“Anigoo ah Naasi-Gargaar, waxaan aad iyo aad uga xuamahay, isla markaana aan cambaaraynayaa xadhigga lagula kacay Afar Fannaan oo ka tirsan Fannaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo Xukuumadda Somaliland ku xidh-xidhay Axaddii Maanta Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degeen iyagoo ka soo laabtay Safarro ay ku tageen magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay Bandhig-Faneedyo ka soo dhigeen, iyagoo aanay jirin gef iyo dembi ay ku kaceen toona.

Haddaba anigoo uga jawaabaya Wasiir Ku-xigeenka Xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre, oo waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ku sheegay inay Kooxda Xiddigaha Geesku ka tirsan yihiin Shaqaalaha dawladda, isla markaana ay Mushahar iyo Gunnaba ka qaataan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Taasi waxaan u arkaa ayaan-darro iyo Wanjalaad uu Wasiir Ku-xigeenku kula kacay Kooxda Xiddigaha Geeska oo ah Koox Fankii Soomaaliyeed si weyn u soo nooleeyey oo ay tahay in la karaameeyo oo aan la dhibaataynin. Sidoo kale waa wax adag oo fool-xun in Qofka la ribeeyo isagoon ahayn Shaqaale dawladeed oo aan kuba jirin kana diiwaangashanayn Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, intii Mushaharka Wasaaraddaas ka qaadan jirtayna uu Shaqada iyo Mushaharkaba ka joojiyey Wasiirka Warfaafintu sida uu sheegay Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax) oo Axaddii Maanta markii Weriyeyaasha la xidhay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Hase-yeeshee, waxaan leeyahay waxaa Wasiir Ku-xigeen Cadarre looga fadhiyaa in uu soo bandhigo halka ay Mushahar ku qaataan, isla markaana ay Kooxda Xiddigaha Geesku wakhtigan kaga tirsan yihiin Shaqaalaha dawladda Somaliland sida uu Mr. Cadarre. Waxaanannu la tiigsan doonnaa Maxkamad haddii uu soo caddayn waayo eedda uu u jeediyey Fannaaniinta Fanka Soomaaliyeed kor u soo qaaday ee Xiddigaha Geeska.

Waxaan u sheegayaa Wasiir Ku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland in Kooxda Xiddigaha Geesku yihiin Koox madax-bannaan oo waddanka ay doonaan iyo meel kasta oo Af-Soomaali lagaga hadlo ay taageerayaashooda ugu qaban karaan Bandhig-faneedyadooda, iyagoo ixtixraamaya sharciga Iyo Dastuurka Qaranka Somaliland, hadday tahay Somaliland, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Soomaaliya, Minisota, Sudan iyo London, maaddaama oo ay diyaar u yihiin inay raalli-geliyaan Taageerayaashooda dunida ku kala nool iyo inta Afka Soomaaliga lagaga hadla-ba.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland in si dhakhso ah loogu soo celiyo xorriyaddoodii Afarta Fannaan ee kala ah, Cabdiraxman Caydiid (Oday), Xamda Cabdi Kaynaan (Xamda-Qu’een), Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) iyo Nimcaan Cabdiraxmaan (Hillaac), maaddaama oo Bandhig-faneedka ay Muqdisho ku soo bandhigeen aanu ahayn Siyaasad ama wax ku lid ah Jiritaanka Qaranka Somaliland, isla-markaana ixtiraamayey magaca iyo Qarannimada dalkooda iyo ciiddooda qaaliga ah, isla markaana sida uu Wasiir Ku-xigeen Cadarre sheegay aanu jirin Calan Soomaaliyeed oo iyagoo Huwan laga soo daayey TV-yada sida uu ku eedeeyey Wasiir Ku-xigeenku.

Waxaan mar labaad ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo xorriyaddooda oo loo soo daayo Afarta Fannaan ee xidhan. Lana ixtiraamo Sharciga iyo Xeerarka dalka u degsan, yihiinna Muwaaddiniin Xuquuqdooda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Dammaanad-qaaday.”

Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar)

Hargeysa/Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post