X

Timirtii Horreba Dab Loo Waa!

Maxamed Faarax Coommaande

 

Markii ay burburtay dawladii dhexe  ee Somalia 1991, waxaa qarxay dagaalo sokeeye oo lagu hoobtay, kuwaas oo ay ku naf waayeen kumanaan Soomaali ah, Qaramada Midoobay gaar ahaan Golaha amaanka  ayaa bilaabay qorshe ay doonayeen in ay kaga hortagaan in Xaaladu ka sii darto, kadibna waxay soo saareen qaraarka cuna qabatayta hubka Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 733, kaasoo loo coddeeyey  January 1992.

In badan ayaa qaramada midoobay  isha si toos ah ugu haysay cida jabisa cuna qabataynta hubka ee saran Soomaaliya iyadoo in badan dawlado kala duwan lagu eedeeyey in ay ku xadgudbeen haba u badnaadeen kuwa deriska ah.

Dadka soomaalida ah ayaa intooda badani ka dheragsanyihiin in Soomaaliya la ciir ciirayso hub xad dhaaf ah kaasi oo gacanta ugu jira kooxaha dawlada dagaalka kula jira,shacabka Soomaaliyeed oo haysta hub fudud oo gacanta ugu jira iyo waliba dawlada lafteeda.

Waxaa si wayn looga dheregsanyahay oo dadka Soomaaliyeed ogyihiin in hubku yahay waxaa halkaa dhigay ee maanta dalku ka degi la,ayahay sidoo kale aakhiro u diray kumanaan Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

Hadaba waxaa muuqata oo aan caad saarnayn in dawlada Federaalka ee Soomaaliya dedaal ugu jirto in cuna qabataynta hubka laga qaado iyadoo  umaddu khaati ka taagantahay hub sharci daro ah oo guri walba iyo goob walba yaala.

Waxaan leeyahay  Soomaaliya uma baahna maanta hub hor leh oo la soo galiyo ee waxay u baahantahay xal siyaasadeed oo laga gaadho khilaafaadka taagan oo ay ka mid tahay hub ka dhigis,sugida amniga iyo soo celinta nidaamkii dawladeed oo dhamaystiran,cida ku fakaraysa in la qaado cuna qabataynta hubkana waxaan leeyahay Timirtii horeba dab loo waa!

W/Q Suxufi Maxamed Faarax Coomaade.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post