X

Tallo Aan La Rogrogin Waa Lagu Rafaadaa

Mohamed Ali Yusuf Alja 

By. Mohamed Ali Yusuf Alja 
Xukuumaddana waynu u joognaa waxay dayn inagaga tagto  iyo waxay hanti  lunsadaan
Dawladda Somaliland halkii laga filayay inay horumar iyo koboc dhaqaale keento, waxa ay banjarinaysaa danyarta iyo dadka hal abuurka la yimi.
Gawaadhida Vitz ahi waa gawaadhi ka mid ah gaadiidka baaxadda wayn ee ka dhex shaqeeya magaalada hargeysa, waxaana ku shaqaysta dhalinyaro farabadan oo ay dawo uga noqotay tahriibkii iyo shaqo la,aantii baahsanayd,  Shirkadda Dhaweeye ayaa iyaduna keentay hal abuur cusub oo ay iskugu xidhayso dhalinyartaasi iyo dadka baahi u qaba adeegaasi iyagoo keenay application kaasi oo qofka iyo dirawalkiiba siinaya masaafada uu jaray iyo qiimahaba.
Shirkadaasi waxaa barbar socda inta muwaadin ee masruuf iyo quutal daruurigooda ka hela, dadku baskaasi dheer ee 30 qof qaadaya way ku dhibanaayeen, kaba soo qaad qof shaqo laga rabo oo kalahayay ma sawiran kartaa inta uu bas dhex fadhiyayo ee wakhtigiisii ka lumay, hase ahaatee Vitztu waxay u sahlaysa in dadka dano gaar ah oo degdeg ah leh ay u fududayso.
Waxa kale oo dhici jirtay intaanay Vitztu iman in dadka lacag qaali ah laga qaadi jiray markay muraadkooda inay soo qabsadaan rabaan.
Way jiraan dhaqan xumo farabadan oo barbar socdaa, hadday tahay qaaditaanka daroogooyinka noocyadooda kala duwan iyo dhaqan xumooyin kale oo barbar socda,  dunida aan ku noolnahayna ma jirto waxaan faa’iido iyo khasaare wadan, caqliga caafimaadka qabaase waxa uu isku miisaamaa labadaasi markaasuu awoodda saaraa ka badan,  Vitzyada in la diiwaangaliyo oo la nidaamiyo waxaa iska leh dawladda hoose ee hargeysa, go,aanka ay xukuumaddu ku soo saartay mamnuucitaanka soo dejinta Vitztu  maaha mid ay ka fiirsatay Dhawr sababoodba awgood?
Waa mide dhaqaalaha ay ka soo xereeyaan gawaadhidaasi iyo cashuurtooda may eegin, cashuurta Vitztu marki iigu danbaysay waxay ahayd 1600 oo doolar, intaa waxaa u dheer lacagahan;
1. 115 dollar waa numbarka la bedelayo.
2.kala wareejinta baabuurka 99 dollar.
3. Badqabka baabuurta 20 dollar.
4. Bedelka liisaamada ; dhamaan liisamadii dawladihii hore waa la bedelayaa C. 700,000 shsl. B. 500,000 SHSL.
5. Buugga imtixaanka 50,000 shsl.
6. qalabka xawaaraha baabuurta safarka 120 dollar.
7, hadii imika uu kaa lumo liisanku 500,000shsl.
8. haddii buugu kaa lumo 600,000 Slsh..
9. Waraaqda indhaha 12 dollar .
10. Over time wax loo bixiyey 12 dollar.
11 waddo marista oo oo ku qiimaysan nooca gaadiidku yahay.
Laba umay danayn bulshada iyo muwaadiniinta danaha gaarka ah  sida, dhakhtar, dugsi iyo dan kale oo gaar ah ku tagaya?
Ta saddexaad waa faynuus oo miskiinka aan waxba haysan danihiisa ayuu ku dhamaystaa, markaa ma waxay rabtaa xukuumaddu inay ciqaabto oo ay nolosha ku cidhiidhiso muwaadinkeeda?
Haddaba Xukuumaddu ma maayarkan fashilmay ee tahli kari waayay inuu waddooyinka caasimada hagaajiyo, Vitzyadan ay ku degdegayaan wasiiraduna nidaam u sameeyo ayaa laga baqayaa?
Mise madaxwaynahaan waxba ogayn? Ma wuxuu kari layahay inuu dadka ka qabto mise Maayarkaa dayn ku leh madaxwaynaha (markaad u kuurgasho siduu ugu habranayo)?
Xan kalana way jirta oo ah in shidaalka ay gacanta ku dhigeen qoyska madaxwaynuhu,  Vitztuna ay isticmaasho shidaal yar markaa waa in laga saaraa meesha si ay u bedelaan gawaadhi shidaal badan isticmaali karta oo laga shaqaysan karo
Waase nasiib daradda ku dhacday bulshada Somaliland oo aha bulsho aan xisaabtamin, qabiilka iyo qudhunku  ka xoog batay, aan iska dhicin Karin dulmiga lagu hayo,
Dawladdii Riyaale markay la wareegayeen waxay sheegeen in 40 Milyan oo dollar oo dayn ah ay kala wareegeen, isla kuwii sidaasi yidhi ayuu wasiirkii Maaliyaddu baarlamaanka ka hor sheegay 80 Milyan oo dayn ah inay jirto?
Xukuumaddana waynu u joognaa waxay dayn inagaga tagto  iyo waxay hanta  lunsadaan.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
Mohamed Ali Yusuf Alja
Mainz germany
Moaliyusuf133@gmail.com
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post