X

Taariikh Nololeedka Taliyihii Baadhista Denbiyadda Ee Xukuumaddii Marxuum Cigaal Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Marxuux Axmed Aw Muuse Cali

 

Waxa 16 Oct, 2018, ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa Allah ha u naxariistee marxuum Axmed Aw Muuse Cali oo hore u ahaa Xukuumaddii Marxuux Cigaal Taliyaha Ciidanka baadhista Denbiyadda, waxaana lagu aasay xabaalaha Baqiic ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa.

Marxuun Axmed Aw Muuse Cali oo ahaa aqoonyahan ku xeel-dheeraa cilmiga baadhitaanada danbiyada, wuxuu ku dhashay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil sannadkii 1937-kii, yaraantiisii waxa uu ku soo qaatay waxbarashadiisii Dugsiga Sheekh, ka dib markii uu dhammaystay, wuxuu galay mandheera sannadkii 1957-kii, markii uu dhammaystay Kuliyadii ciidanka danbi baadhista, waxa uu ka hawl-galay uu noqday baadhaha guud ee saldhiga dhexe ee caasimada Hargeysa sannadkii 1960-kii.
Allaah ha u naxariistee, wax barsho dhinaca baadhitaanada dendiyadda loogu diray dalka Jarmalka markii ay heshiiyeen dowladii soomaaliya sannadkii 1968-kii, waxa uu macalin ka noqday dugsigii la odhan jiray School polcisa sannadkii 1976-kii, wakhtigaas oo uu ahaa gaashaanle sare, ka dib, waxa loo magacaabay xeer illaaliyaha guud ee gobolada waqooyi galbeed sannadkii 1982-kii.

Markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda 1991, wuxuu Ka hawlgalay Nabadayntii Dalka, isagoo Xukuumaddii Marxuum Cugaal noqday Taliyaha ciidanka danbi baadhista ee dalka jamhuuriyada Somaliland, isagoo xilkaa iska casilay ka dib, markii Allaah ha naxariistee ay is khilaafeen Madaxweyne Cigaal, wuxuuna muddo kadib shaqo Ka helay Hay’adda African Education Trust (AET) sannadihii 2000-2013-kii.

Allaah ha u naxariistee marxuumku waxa uu guursaday laba dumar ah oo walaalo ahaa oo mid koox ay ahayd xigsiisan markii ay geeriyoodtay haweenaydii hore, wuxuuna Marxuumku ifka kaga tegey gadhadh iyo 11-wiil.

Haddaba, Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo ka qoyskayga, waxaan tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuun Axmed Aw Muuse Cali in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan idilkeenba, waxa kale oo Alle (SWT) ugaga baryaynaa in uu geeyo Janatul Fardowsa. Aamiin. Aamiin. Aamiin.
Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post