X

Taariikh Kooban: waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Duulista Farxaan Haybe W/Q: Cabdiwahaab Tooxyare.

Bismillah,waxaan Qalinka u qaatayinaan ka hadlo Taariikh ama Maqaal kooban oo ka waramaya Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista oo farxaan Farxaan haybe wasaaradaas loo magacaabay inaan waxyar ka idhaahdo taariikh nololeedkiisii Waxbarasho Siyaasadeed iyo Arimaha Bulshadauu ka qaatay.

Farxaan Aadan Haybe Cilmi wuxuu ka midyahay Aqoonyahanada Somaliland waxaana geedi socodkiisii nololeed haday noqoto waxbarasho ilaa heer jaamacadeed uu ku bartay Waddanka waxaanu ka mid yahay dhalinyarada aaminsan waddanka,badi inta badan uu ku noolaa Magaalada Hargeysa.

Dhanka waayihiisa Waxbarasho marka laga tago waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay dhanka u shaqaynta Bulshada isagoo aad uga dhex muuqday walina ku dhex jira ka shaqaynta danta guud iyo horumarka Ummada,waxaana markii dambe uu gudoomiye ka noqday Haayada GAVO,oo uu noqday Masuulka u sareeya Somaliland.

Dhanka siyaasada waxaa Farxaan Aadan Haybe markii ugu horaysay wuxuu isku soo sharaxay Musharaxa Golaha Baarlaaanka gaar ahaan Xisbigii UDUB halkaasi oo ka mid ahaa Musharaxiinta ugu cad cadaa Xisbigaa oo wakhtigaa talada dalka hayay balse may dhicin in Farxaan Aadan Haybe noqdo Xildhibaanadii ku soo baxay Golahaasi isagoo codad tiro yar oo ka hadhsanaa inuu u soo baxo golahaasi Baarlamanka aanay u suurogelin.

Dhanka siyaasada muddo ayuu Farxaan Aadan Haybe ka nastay isagoo wali ku jiray ka shaqaynta danta guud iyo arimaha bulshada ayaa waxaa farxaan haybe noqoday la taliyaha wasiirka ee arimaha hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga baa,waxaana xilkaas uu hayay muddadii uu joogay Wasiirki hore Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde.

Muddo kadib waxaa Farxaan Aadan Haybe loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershadaha Jamhuuriyada Somaliland waxaana uu muddadii uu wasaaradaas joogay oo koobnayd wax badan ka badelay xaga maamulka iyo dhamaan horusocodka Wasaarada oo wax badan ka qabtay.

Wakhti xaadirkan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud waxaa uu u magacaabay Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada oo ah runtii wasaarad muhiima waxaana xilkaas uu kala wareegi doona wasiirka hadda jooga wasarada duulista Cumar Yare.

Hadaba Wasiir Farxaan Aadan Haybe oo ah nin dadaal,karti,daacadnimo iyo firfircooni ba leh ayaa muddadii koobnayd ee uu ku jiray xukuumada waxaanuu ka mida ahaa dhalinyaro door ah oo Madaxweynuhu u magacaabay xilal kala duwan.

Ugu dambayn maxaa laga filan karaa Wasiirka cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Haybe,aniga fikir ahaantayda waxay ila tahay in wax weyn uu ka beddeli doono Wasaaradaasi isagoo aqoon badan u leh xaga maamulka iyo maareynta isla markaana ku soo qaatay waxbarashadiisii sooan maamulay haayado kala duwan.

Cabdiwahaab tooxyare.

Hargeysa/somailand.

Suxufi,qoraa ah.

Abdiwahaab888@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post