Mahad Dhammaanteed Alle ayey u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeena Muxammad. Salaan qaaliya dhammaan saxaafadda iyo akhristayaashaba waan salaamayaa.
Salaan kadib anigu hadda halkan kagama hadlayo Saldhigga Milatery ee Berbera ee Imaaraadka Carabta (UAE) la siiyay, taas hore ayaan dhowr jeer wax uga idhi, waxaan u baxay inaan kelimaad kooban ka idhaahdo, taageeridda xisbiga WADDANI ee dadweyne Somaliland ka soo jeeda oo maanta (2 Feb 2017) isugu yimi London meel fagaare ah, iyagoo ka hadlaya arrinta saldhigga, sidaasna bannaanbax ku muujiyay.
Waxaan daawaday Guddoomiyaha WADDANI Mudane, Cabdiraxmaan Cirro oo hadlaya isagoo taageeraya bannaanbaxaas Ingiriiska ka socda, dadkana ku dhiirrigelinaya inay taageeraan. Intaynaan ka jawaabin miyuu ku saxsanaa mise wuu ku qaldanaa, waxaynu is-weydiinaynaa ‘Bannaanbaxani sidiisaba maxaa natiijo ah ee laga gaadhayaa?’
Marka hore saldhiga laga mudaharaadayo labada aqal ee Baarlamanka Somaliland ayaa aqlabiyad ku ansixiyay. Su’aalo dhowr ah oo aan jawaab waafiya cidina ka bixin ilaa iminka way jiraan, qarjajacdii Saleebaan Gaal iyo siduu wax u maamulayna waa loo wada jeeday, dadweynaha iyo masuuliyiinba wixii taageerayey iyo wixii kasoo horjeedayba dareenkooda way muujiyeen, laakiin ugu dambayn waa go’aan shariciya oo sidaa ku dhaqangalay, taa tuugna ma xado, wayna caddahay. Sidaas darteed, aniga aragtitayda mudaaharaadkaasi wax uu innaga xumeeyo mooyaane, waxba soo kordhin maayo, iskaba daaye dadkii afkaaraha markii horeba ku kala duwanaa ayuu sii kala fogaynayaa. Sunne xun baad inoo horseedeen, weliba Madaxweynihii oo idinla jooga (London), walaalayaal Somaliland maanta halkaa weli layslama gaadhin bay ila tahay.
Aan u soo noqdo, xisbiga WADDANI oo taageeray mudaharaadka. Ugu horreyn, xisbiga WADDANI waa xisbi u tartamaya inuu talada waddanka qabto, midda labaad WADDANI mowqifkiisa waabu caddeeyay oo qoraal buu ku sheegay, dadkana wuu gaadhsiiyey. Waxa kale oo xusid mudan inuu WADDANI dhowr jeer oo hore Isu-soo-bax dadweyne ku baaqay oo ay ugu dambaysay maalintii la ansixinayey nuxurkii Heshiiska Saldhigga Millitari, dhammaan yeedhmooyinkaasi way wada guuldarraysteen oo cidina kama soo jawaabin. Sidaas darteed, WADDANI waxa u egayd inuu is weydiiyo ‘horta haddaynu reer WADDANI nahay markaynu dadka u yeedhno maxay inoogu soo bixi waayaan?’ Kadibna wixii ka qaldan dhexdiisa saxdo, laakiin inuu Hargeysa isla soo taago mudaharaadka Somaliland lagu bahdilayo ee dibadda ka socda taageera…aniga igama daadegin….Dad badan baa u qaadan kara ama isweydiin kara ‘wax innaga dhexeeya oo aynu wada ilaashanaynaaba miyaanay jirin?”
Alla Mahad Leh
W/Q: C/raxmaan Caydiid
abdiaideed11@gmail.com