X

Suuriya Maxay Kooxda Mucaaradka Iyo Israel Ku Danbay.n Doonaan

A front window of a house bears the portraits of (L-R) US President Donald Trump, Turkey's President Recep Tayyip Erdogan and Russia's President Vladimir Putin and the inscription "Police everywhere, no justice anywhere" on July 5, 2017 in Hamburg, northern Germany, (Photo by AFP)

 

#Araweelo_News_Network

 

Maalmo yar kaddib markii kooxda mucaaradka ah ee Hayat Taxriir Al-shaam ay talada ka tuureen Bashaar Al-Asad , Ciidanka Israa’iil ayaa qabsaday  Buuralayda Goolaan ee qaybta suuriya. Raysul wassaaraha Israa’iil Benyamiin Netenyahu ayaa ku dhawaaqay in dhulkaasi noqon doono dhul ay si abadi ah ay u yeelan doonto israa’iil.

intaa kuma sii istaagin ee ciidanka israa’iil ayaa duqaymo xad dhaaf ah u geesytay xarumo militari oo ay ciidankii suuriya lahaayeen. ciidanka israa’iil ayaa gebi ahaan ba burburiyey hubkii kaydka u ahaa ciidanka suuriya. duqaymaha cirka ee ay ciidanka israa’iil ka geeysteen gudaha suuriya ayaa lagu sheegay inay ka badan yihiin 1000 duqaymood.

dhanka kale, muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey ayaa lagu arkayey kooxo dagaalyahnno ah oo loo malaynayo inay ka Tirsan yihiin Hayat Taxriir Al-shaam iyagoo leh ” Qudus waan xoreeyn doonaa, Masjid Al-Aqsaa waan xoreeyn doonaa, shacabka reer Gaza iska sabra, waan idiin imaan doonaa “. illaa hadda lama caddayn karo meesha lagu duubay muuqaalkaa, dadka duubay iyo muuqaalkaasi cidda ay yihiin, iyo waqtiga ay duubeen.

Hogaamiyaha kooxda HTS ayaa Axmer Al-sharci ayaa beesha caalamka uugu baaqay inay wax ka qabtaan cadaawadda iyo xadgudbka tooska ee israa’iil ay ku hayso dalkiisa suuriya.

” Waxaan rabnaa inaan dalkeena dib u dhisno, markaan qabsanay magaalooyinka waaweeyn ee dakeena waxa dhibaato ah maan geeysan , waxaan rabnaa nabad , Balse israa’iil waxay nagu soo qaadday duullaan ” ayuu yidhi Guddoomiyaha HTS Axmed Al-sharci ( Abu Mohamed Al-Julaani).

kooxda Hayat Taxriir Al-shaam waxay ilaashanaysaa guusheeda, waxayna rabaan inay dowlad midaysan oo xoog leh ka dhisaan waddanka suuriya, waxay rabaan inay Horumarka waddankooda dib u soo celiyaan, blasé israa’iil ayaa u muuqata mid rabta inay kooxahaasi dagaal la galaan, si loogu shaabadeeyo argagixisanimo, iyo si ay u dhaafto fursaddan dahabiga ah ee ah inay dalka suuriya xukumaan HTS.

isku soo wada duuboo sida ay wax wax socdaan, Kooxda Hayat Taxriir Al-Shaam iyo israa’iil ma is gafi doonaan, collaaddaasina waxaa dalbanaysa Israa’iil.

illaa hadda Hayadaha dowliga ah ee waaweeyn sida QM, iyo waddamada adduunku ma cambaarayn qabsashada Israa’iil ee dhulka suuriya, iyo duqaymaha ay ciidankeedu ka geeysteen gudaha suuriya.

WQ/Axmed Xasan Saalax

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post