X

Suuriya Maxaa Ka Socda Maxay Tahay Ujeedada Ka Danbaysa Qabshada

 

Maxay Dalalka Reer Galbeedku Ugu Shaanbadayn Waayeen Kooxdan Magaca Argagixiso?

#Araweelo News Network.

Koox kasta oo hubaysan oo islaamiya saxaafadda reer galbeedku waxay ku shaambadaysaa magaca ” Argagixiso,” balse waxaa muuqanaysa in saxaafadda reer galbeedku aannay magaca ” argagixisanimada ” mar keliya u adeegsan jabahdda sida aadka ah u hubaysan ee la wareegtay dalka suuriya oo lagu magacaabo Hayatu Taxriiru Shaam ( هية تحرير الشام) .

Hoggaamiyaha kooxdan Abu Maxamed Al-julani wuxuu ka mid ahaa kooxda Al-Qaacida ee dalka Ciraaq, sidoo kale wuxuu ahaa raggii madaxda ka ahaa Jabhaddii Al-Nusra ee ka dagaalantay guddaha suuriya sannadadii 2011-2014.

Waxa iyana xusid muddan in Abu Muxamed Al-julani uu ahaa nin gacanta Maraykanka galay oo loo gudbiyay  xabsiyadii maraykanka ee dalka ciraaq, inkasta oo markii uu xasbiga kasoo baxay uu sheegay inuu ka baxay kooxda Al-Qaacida.

 

Maxay Dalalka Reer Galbeedku Ugu Shaanbadayn Waayeen Kooxdan Magaca Argagixiso?

Markaad eegto sida fudud ee ay kooxdani ku qabsatay dalka Suuriya, hubka ay wadato, iyo sida ay u diyaarsantahay, waa koox u muuqata innay soo diyaariyeen Sirdoonka israa’iil , Maraykanka, Turkiga iyo waddamada khaliijka Carabta.

Saxaafadda reer galbeedka oo kooxdan ku magcaabaya innay tahay koox argagixiso ah. Maadaama ay ka shaqaynayaan rabitaankooda Juqraafi-siyaasadeed ee gobolka ku eedyan maayaan argagixisanimo, madaama ay argagixiso u yaqaanaaan cid kasta oo danhooda siyaasad juqraafiyadeed ka soo horjeedda.

Hawshan kasoo cusboonaatay dalka suuriya waxay muuqataa hawl ay si xeel dheer uga soo shaqeeyeen Israa’iil, Maraykanka, Turkiga iyo waddamada khaliijka carabta. waana Qorshe lagu kala qaybinayo dalka Suuriya . haddaan si kale u dhigno waa qorshihii lagu ballaadhin labaa xuduudda Israa’iil ( THE GREATTER ISRAEL ). Qorshaha socda waa qorshahan ee maaha mucaarad Suuriyaan ah oo dalkooda dib uga qabsaday dowladda Suuriya.

Ugu dambayn is beddelka siyaasadeed ee Suuriya ka dhacaya maaha wax koox yar oo isasoo abaabubshay ay fulisay balse waa khiddaad loo dhan yahay oo la soo abaabulay, waxayna u muuqataa inay tahay khiddad lagu kala qaybinayo waddanka Suuriya. Suuriya oo midaysan oo uu ka Taliyo Bashaar Al-Assad waxay ka hor imanaysa Qorshaha Ballaadhinta Israa’iil, waana sababta xukunka looga Tuuray.

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

WQ/Axmed Xasan Saalax

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post