X

Sucuudiga waxa Inaga Dhexeeya Dan Maguurto Ah. By. Ahmed Hassan Arwo

Ahmed Hassan Arwo La Taliyaha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland

Jaamacadda Carabta waxa inaga dhexeeya xidhiidhka inaga dhexeeya ururada kale sida Qaramada Midoobay, Ururka Afrika, Ururka Igad, dhammaantood xubinnimadu waxay ku xidhantay ictiraafka, dhamaantoodna xidhiidh ayeynu la leenahay khaas ah, kolka ictiraafku yimaadana dhammaan waxaynu ka mid noqonayna ururadaas.

Jaamacadda Carabta waxa inaga dhexeeya xidhiidhka inaga dhexeeya ururada kale sida Qaramada Midoobay, Ururka Afrika, Ururka Igad, dhammaantood xubinnimadu waxay ku xidhantay ictiraafka, dhamaantoodna xidhiidh ayeynu la leenahay khaas ah, kolka ictiraafku yimaadana dhammaan waxaynu ka mid noqonayna ururadaas..Sacuudiga waxa inaga dhexeysa dan iyo xidhiidh ma guurto ah, xidhiidh jaarnimo, diineed, ganacsi..waa dalka ugu badan ee ganacsi inaga dhexeeyo, waa dalka dadkeenu ugu socod badan yihiin, waa dalka ugu badan khaliijka ee dad reer Soomaliland ihi jinsiyadooda haystaan, dhowaana jiilka kacay ay ka hayaan mansabyo ay dalkeena wax ku tari karaan.. Waa inaynu ka hawl galnaa sidii aynu xidhiidhkaas uga faa’iideysan lahayn. Waa dalka keliya ee halgankii SNM sida tooskaah een dhuumasho lahayn jaaliyadeenu ay shir iyo dhaqaaleba ku qaban jirtay.

Waa halkii SNM laga unkay waxa iyagoo jooga ka hawlgalay aasaasayaashii ay ka mid ahaayeen AHU Axmed Jimcaale, AHU Axmed Duqsi,AHU Xasan Aadan Wadadiid, AHU Yuusuf Cali Guray, Maxamed Xaashi, iyo ISmaaciil Buubaa iyo rag kale oo badan..hawsha SNM na si xor ah uga waday Sacuudiga..Waxaan ahaa Khasnaji Mandaqada Sharqiya, toos iyo magaca SNM ayaanu ku diri jirnay lacagta, kolka khaliijka kale ay mamnuuc ahayd.

Siyaasaduna waa fursadaha ku soo mara sida looga faa’iido adigoo ku salaynaaya danta ma guurtada ah.Madaxweynha waan ku hanbalyeynayaa arrintan iyo inuu ku dheerado meel kasta oo danta guud ee ummaddu ku jirto. Xaqqa oo la taageero oon danta guud ka hor imanaynu waa guul laba dhinac ah.
Halkan ka Daawo Aqoonyahan Ahmed Hassan Arwo oo ka Hadlaya arrintaa iyo qiimaha sarifka lacagta Riix

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post