X

Soomaalida Magafayaasha Noqday Ee Turkiga

W/Q. M Duale

Dhalinyarada Afka Turkiga baratay, ee ku nool dalkan Turkigu, waxaay dadka yimaadda u gaystaan tacaddiyo aan lasoo koobi karin. Tusaale ahaan, Dhakhaatiirta inta ay heshis la galaan ayay dadka dul saaraan lacag, lacagtaas oo aad u badan marka loo eego dadka danyarta ah ee halkan caafimaadka usoo raadsada. Kudarso oo, qofkaasi lacag turjubaannimo ah na wuu ka qaaday.

Maalin dhawayd waxaa dhacday, gabadh  oo toban sanno jirtay ayaa cancer laga helay, Turkey ayaa loo keenay Dhakhtar. Ninkii turjumaanka u ahaa, ayaa u sheegay in lacagta Dhakhtarku jaban tahay, haddii ay kaadhka qaxoontiga usoo qaadaan inanta yar, waanu usoo qaaday. Ku darso oo qofka xanuusanayaa, marka uu haysto Kaadh kaa qaxoontiga, Dhakhtarku waa u bilaash, dhib se waxa uu ka taagan tahay hooyada dhashay Afkii ma taqaanno.

Wiil ay ugu yeedhatay turjumaannimo, ayaa maalin kasta ka qaadaayay 1000$ isaga oo u sheegaya in ay tahay lacagta lagu daweeyo gabadha yar. Muddo ku siman 10 cisho markii uu sidaas ku waday, ayay gabadhii yarayd geeriyootay subax hore isaga oo aan wali iman.

Dad Soomaali ah oo ay ku wada jireen Dhakhtarka, ayay tidhi: ii waydiiya, mayd ka ayaan qaadanayaaye, saaka na miyaa layga rabaa lacagtii!? Markii loo sheegay masuuliyiintii Dkakhtarka, madaxa ayay qabsadeen, waxa ayna u sheegeen in ay ku dawayn jireen bilaash maadama oo ay kaadhka qaxoontiga haysato!!

Sida oo kale, 2018 kii, mar aan aabbahay Istanbul xaalad caafimaad u keenay, waxa aan arkay dhawr qof oo ay lacago badan dul saareen iyaga oo tii turjumaanimadana ka qaadaya!  Intaas uun kuma eeka e, dadku wax kasta oo ay u baahdaan in laga caawiyo, lacago ayay ka dhacaan. Tusaale ahaan, dadka guryaha kiraysanaaya ee magaalada ku cusub!

Haddaba, waxa yaab igu dilay, qof Soomaali ah, walaalkaa ah, dalshisheeye jooga oo adiga caawimaad kaaga baahday, xanuusanaaya, sidee ayaad xoolihiisa u hungurayn kartaa? Aaway damiirkii walaalnimo iyo kii tolnimo. Wada dhalashadii Soomaalinimo maxaa ku dhacay?

F.G Dad badan oo wanaagsani waa ay jiraan, laakiin sidan ayay u badan yihiin.

W/Q. M Duale

Xigasho niciima abwaan qorane.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkanwuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post