W.Q: Maxamed Haaruun
Soo noqoshadii waftigii Madaxwayne Xaaji Biixi ee shalay, iyo hadalkii uu Xaaji Kaahin jeediyay ba waa dhegaystay. Kolka laga reebo qodobkii ahaa in ay wasiiradii Dawladda Soomaalida isku salaameen, iskuna sawireen Carafa oo aan run ahayn, inta kale si habaysan buu Xaaji Maxamed u hadlay, oo wariyayaashii hadalka kala booby jiray isaga maareeyay. Sidoo kale, hadal ay ka jeediyeen Jidda oo uu Xaaji Muuse Afkii carabta ku hadlay ayaa aan isna dhegaystay. Kolka laga reebo in uu Xaaji Muuse adeegsaday, sidii caadiga u ahayd, tirooyin (statistics) aan sugnayn, sida in beero falashadu ay guud ahaan 30% kor u kacday intii ay talada hayeen, khudaarta maalinlaha ahi na ay 80% waddanka gudahiisa ka timaaddo, inta kale wuu fiicnaa. Ma u ekayn, sida marar badan dhacda, in uu yahay oday geed hoostii ka sheekaynaaya.
Keliya waxa gef wayn ahayd, in uu Xaaji Muuse Eeraan iyo Turkiga u haysto in ay carab yihiin. “Khilaafkii wadamada Carbeed, oo dhinac ay hogaaminayaan Imaaraadka iyo Sucuudigu, dhinaca kale na Eeraan iyo Turkigu, dhex ma aanu ka ahayn, qolada aanu isku caqiidada nahay ayaanan raacnay.” Buu si kalsooni leh u yidhi! Madaxwaynaha waa in loo sheego saddex amuurood, (1), in aanu dagaalku caqiido ba ku salaysnayn, Maxamuud Xaashi ga uu soo xigtay ee waagii sidaas yidhi na uu qaldamay, (2), In aanay Turkigu shiico iyo carab toona ahayn, (3), iyo in aanay dhinacyada is hayaa taageerada Soomaalilaan ka war qabin, sidaas darted na aanu godob inna gelinin.
Isku soo wada duub, xajka dunnuubta ayaa la iskaga maydhaa – Ilaahay xaajiyada ha ka maydho wixii ay dunuub galeen ee ciidaha ka badnaa oo dhan. 1991 kolkii dalka la soo galay, rag ay labadoodu u horeeyaan waxa ay abaabuleen dagaalo lagu hoobtay oo bilaa micne ahaa. Ujeedkoodu waxa uu ahaa in ay curyaamiyaan dawladdii waagaas oo nimankii hoganka u ahaa, sida Cabdiraxmaan-tuur iyo Xassan Ciise) ay ku kacsanaayeen, laakiin waddanka oo dhan ayay curyaamiyeen. Hooyooyin badan oo hal amaba laba wiil uga soo badbaadeen dagaaladii Maxamed Siyaad lala galay, ayay goblamiyeen. Dhalintii doonaysay in ay hubka iska tiiriyaan, ayay ku kalifeen in ay qoriga dib u qataan, oo mid waliba kii ay shalay wada socdeen uu xabad ku dhufto. Ujeedka u wayn, ee u wayn, ee waxaasi ay u dhacaayeen waxa uu ahaa keliya siyaasad iyo is diiddo heer shakhsi amaba shakhsiyaad joogtay, oo aan sinaba u istaahilin in darted ay hooyooyin u goblamaan. Nimanka ay xabadda u qaateen, ee ay dartood buuraha u galeen ba waxa la siiyay wakhti gaaban oo laba sanadood ah, kolka ay dhamadaan na si bilaa hawl iyo bilaa godob ah ayay xukunka ku raadsan karaayeen, laakiin sabab ay ka ahayd ba, sidaas ma ay doonaynin. Waa run, siyaasiyiintu kolka ay hebel is hayaan, ee ay mucaarid ku yihiin, ma miisamaan khasaaraha ka dhalan kara waxa ay waddaan, taa waagas ee Xaaji Muuse iyo Xaaji Kaahin, ayaana tusaale fiican u ah. “Godobtaada meelee intaan, Gacantu kaa boobin.” Waa sababtii uu Hadraawi u lahaa.
Si kastaba, Xaaji Kaahin waxa waagas loo xil saaray in uu isku habeeyo ciidamadii kala daadsanaa ee SNM ta oo xoog iyo xoog bilaa qaab u ahaa, waxa uuna noqday Wasiirkii Difacca ee xukuumaddii u horaysay. Halkii uu masuuliyadaas culus u istagi lahaa, ayuu is casilay, oo maleesiyo uu reernimo ku duufsaday kaxaystay, kuna qanciyay in ay xabadda ridaan, oo sabab iyo sabab la’aan ba u ridaan. Xaaji Muuse oo aan waagaas xil hayni na, isna dhankiisa ayuu ka bilaabay. Waagaas xabadaha waxa loo ridi jiray, hadii xataa aanay sabab cayimani jirin, uGu yaraan in aan loo malaynin in waddanku amni yahay, kolka wafti ajnabi ahi yimaaddo na waa uGu sii darnaan jirty. Sidaas buu xaalku ahaa, xumaan kastaana xumaan kale ayay sii dhashay, maantadan na raadkeedii waa sii joogaa.
Waa xiligii uu Gaariye (IHUN) isaga oo canaananaaya qoladii hogaanka haysay, (Cabdiraxman-tuur, Xassan Ciise iyo Xassan Yoonis), isla markaana tilmaamaaya foolxumada ay geysteen mucaaridkii hubaysnaa ee Xaaji Muuse iyo Xaaji Kaahin ay hormuudka u ahaayeen, ee buuraha galay, maansada ku lahaa:
- Odayaashii la doortay;
-Irbad dhuub gelin waaye;
-Iskaa dhaaf wax kaleetoo;
-Amni na noo sugi waaye. - Wax se aad uga liitta;
-Ilaah bay dili doonee;
-Kuwa buuraha aaday! Ergo, Gaariye.
Mar kale, xujaajta ilaahay cibaadada ha ka aqbalo, dunuubtii oo dhan na ha ka dhaafo, wa se hadii ay iska helaan geesinimo ay dadkooda cafis ku waydiistaan, oo hooyooyinkii ay wiilashooda kaga gumaadeen dagaaladii bilaa micnaha ahaa, ee laga fursan karaayay, si daacadnimo leh ula hadlaan. Waa kaas hadalku.
M. Haaruun – mbiixi@gmail.com
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.