X

Somaliland: Sannadihii Ugu Adkaa 1914, Xaaraama-cune Ilaa 2016 KULMIYE


By. Hoodo Yusuf
Sannad waliba hoodiyo, Hawl iyo dhibaatiyo, wuxuu hadimo leeyahay, Waa laga helaayoo, hadhow lagu xasuustaa. Sanadkan 2016 waxa lagu xasuusan doona, loona bixin doona sanadkii Kulmiye ee Tahriibta & Halaaga Badda. Waa sanadkii dhalinyaro Somalilanders oo kor u dhaafaysa 300 ay ku halaagmeen badyarta “ Mediteraanyanka “. Dhalinyardaasi may kicin dhaqaale xumo oo qofkiiba waxa laga qaaday $ 4,500 si loo tahriibiyo. Dhalinyaradaasi kamay qaxin colaad iyo dagaal sokeeye. Dhalinyaradaasi kamay baxsan gaajo iyo haraad. Dhalinyaradaas waxa eryay rajo xumo “ hoplesssness “, maamul xumo iyo cadaalad darro. Waxa baro kiciyay dawlada “Murdiso “ ee xaraashtay Dhulkii ay ku ciyaari lahaayeen, Maktabadahii ay wax ku akhrisan lahaayeen , iyo Dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen. Waxa tahriibisay dawlad u adeegta dibirka iyo maga-fayaasha dhaqaalaha, kuna tumata danyarta iyo dibjirka. Dhalinyardaasi waxay ahaayeen labeenti wadanka iyo mustaqbalkii umadda, waxaanaan ka tacsiyadaynaa dhamaan shacabka Somaliland , gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen.Ugu danabayn, waxaan shacbiga Somaliland xasuusinyaa inuu SANADKA KULMIYE-2016 yahay kii ugu xumaa 100 sandood ee ugu danbeeyay soo mara Somaliland . Sanadahii kale ee ugu adkaa waxa ka mid ahaa : Xaarama Cune 1914; Hawaara 1924; Adhi Gaba 1934; Jiitama 1944; Siiga Case 1954; Gaadhi-gaadhisaar 1964; Dabadheer 1974;Dhibijaale 1984; Kulmiye 2016.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@yahoo.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post