Araweelo News Network.

W/Q M. Haaruun.

Qofac lagama karo ruux hadduu, qaaxo leeyahay” Abwaan Timacadde.

Somaliland waa taas isla oogsatay. Sawaxan siyaasadeed iyo muran

qaanuun baa socda. Ururro ha la furo iyo maya, ayaa mushkiladda

inteeda muuqataa ka joogtaa, ujeedku se xoog buu u ga shisheeyaa

intaas. Buuqa haatan taagani inta uu ururro furid ku saabsanyahay, waxa

xoog u ga badan inta uu ku saabsanyahay dib-u-dhigidda doorashada

November 2021 qorshaysan. Taasi waa xaqiiqo ban-yaal ah, xoog na

looga dheregsanyahay. Degmada kuma cusba nin xilkii la saaray iyo

wakhtigii la siiyay dhamaystay, oo hadana dheeraad ku doonaaya si

gurracan – Qufac lagama karo ruux haduu, qaaxo leeyahay.

Dabcan Muuse iyo cid xukuumaddiisa ka mid ah toona lagama hayo ilaa

haatan, dood ah kordhis doon, amaba dib-u-dhigid doorashadii

madaxtooyada ee November, laakiin hadana waxba ma qarsoona. Eeg,

hanaanka furidda ururada loo maraayo, iyo hawshii doorashada

madaxtinimada oo ay tahay in ay bisha sanadka 2022 u horaysa

bilaabanto, sinaba isuma garab socon karaan farsamo ahaan, waana

midkood in la tuuro. Sidaas darted, cid kasta oo furitaanka ururada hadal

haysaa, waxa ay si toos ah u leedahay doorashadii madaxtinimada dib ha

loo riixo, Madaxweynaha ayaana u gu horeeya. Qof kasta oo yidhaahda

ururada waa la furayaa, doorashadii na waa halkeedii, waa beenlow

badheedhaaya, ama wuu ciyaarayaa. Intaas hadii aynu isla garanay,

waxa cad Muuse oo ah qofka curiyay doodda ururada in la furo, ujeedkiisu

ururro doon in aanu ahayn. Sidoo kale, mucaaridka oo taas xoog u diidan

na, ujeedka diidmadoodu ururro diid uun ma aha. Labadaas ujeeddo ayaa

is hirdiyaaya, mana aha wax ku talagal la’aan ku dhacaaya.

Haddaba, marka ay xaaladdu kobtaas taagantahay, laba waydiimood baa

meeshan ku jira – (1), Is bedelka weyn ee Muuse ku kelifay in uu galo

khaanadda ururro-furasho doonka, taas oo shan bilood uun ka hor uu si

adag u diidanaa oo cadaynteeda la hayo, maxaa hadda keenay? Iyo (2),

jujuubka hadda taagan iyo is muquuninta siyaasadeed maxaa ka dhalan

kara? Waydiinta hore jawaabteedu ma adka, dhacdooyinka horteena

yaalla ayaana ka jawaabaaya. Muuse intii uu xafiiska joogay, waxa uu u

shaqeeyay si gebi ahaanba ka gedisan curfigii wadanka ka jiray, iyo si ka

baxsan caam ahaan curfiga siyaasadda. Muuse waxa uu muujiyay dabci

ah in uu keligii isku filanyahay, waana mid aan siyaasadda xisbiyada ku

dhisan marnaba iyo meelnaba ka dhicin.

Dadkii isaga taageeray ee kursiga saaray, ayuu sabab iyo sabab la’aanba

u la dagalamay, Khasab buu na mucaarid kaga dhigay. Tasarufka noocaas

ah waxa ka dhashay hal natiijo – mucaaridkii uu Muuse dadaalkiisa ku

samaystay, iyo mucaaridkii hore ba u jiray oo jiibta iyo jaanta isla helay.

Taasi waxa ay keentay saddex xaqiiqo – doorashadii May 2021 natiijadii

ka dhalatay oo Kulmiye aan u wacnayn, tartankii loo galay Gudoonka

Baarlamaanka oo uu Kulmiye lumiyay, iyo u gu dambayn, natiijadii ka soo

baxday shirwaynihii Waddani oo Muuse ku noqotay filan-waa, xisaabtii na

ka qaladday. Intaas waxa dheer shirkaas laftiisa oo ay ka soo muuqdeen

dhamaanba jimanka dhinaca siyaasadda ee Muuse uu ka cawdubilaysto.

Intaas oo la isku daray Muuse waxa ay soo hor dhigtay hal xaqiiqo, taas

oo ah toban bilood ka dib in aanu doorasho madaxtinimo geli karayn.

Kolkaa muxuu sameeyaa? Miyuu ka hadhaa doorashada, mise sidaas buu

ku galaa? Kolkii uu tashi isugu laabtay, talo waxa ay kaga ururtay in uu si

kale yeelo. Halkan weeye Meesha ay ka dhalatay fikradda furista ururadu.

Ururada la furaayo Muuse waxa uga dhex muuqda doorashadii November

2022 oo dib u dhacaysa, iyo tan ugaba sii muhiimsan oo ah, in urarada la

furaayo uu ka dhalan doono waaqic siyaasadeed oo uga fiican midka

hadda jira. Tusaale ahaan, waxyiga cusub ee Muuse ku soo degay waxa

uu sheegayaa, in xisbiyada hadda jira iyo shakhsiyaadka hadda suuqa

siyaasadda ku jira oo dhan uu Meesha ka saari karo, kuwo isaga uga

wacan na ay soo bixi doonaan. Sidaas ayay Muuse iyo inta ka ag dhow la

tahay, in ay tiisa noqoto ayuu na doonayaa, dadaalkisii na wuuba

bilaabay.

Kolka ay sidaas tahay, su’aasha lama-huraanka ahi waa tan – jujuubka

hadda taagan iyo meel-marinta damacca Muuse maxaa ka dhalan kara?

Mucaaridku tanaasul ma samaynayaan si aanu madaxweynuhu u

xanaaqin? Sida aynu kor ku xusnay, mucaaridka Muuse, mid hore iyo mid

cusub ba, ujeedada odayga si wacan ayay u ga dheregsanyihiin.

Doorashada madaxtinimada oo dib loo riixo, iyo uraraddii oo la furo,

mucaaridka waxa ay ku tahay dil toogasho ah, dabcan dil la hubo na,

cidina ma u fadhiyi karto. Koonaha uu mucaaridka geliyay ma aha mid u

saamaxaaya xataa in ay in yar oo tanasul ah sameeyaan markan. Xaalku

jiq buu isku yahay, xal aan ahayn in uu Muuse dib u gu laabto wixii la isku

ogaa na ma jiro. Ururada waa la furi karaa, laakiin waa in furitaankaasi

aanu sinaba Meesha u ga saarin doorashadii November, labadaasi na

sinaba isuma waafiqi karaan.

Xaaladda taas ah, iyo damacyada kuwaas ah, waxa ka dhalan kara

dabcan qalalaase siyaasadeed, mid dhaqaale iyo xataa mid amni.

Qalaasaha siyaasadda waxa ka mid ah, tusaale ahaan, in mucaaridku ay

ku baaqaan shirar qaran, oo lagu jeexaayo masiir cusub. Saaxaddii lagu

shaqaynaayay kol hadii uu Muuse xidho, waa in saaxad siyaasadeed oo

cusub la abuuro.

Dhinaca amniga waa suurow in carqalado ka abuurmaan

haddii is-mariwaagu sii jiitamo, hore na waa loo arkay. Waa la ogaa

horaantii 2016, kolkii musharaxnimada Muuse ee Kulmiye ay mugdiga

gashay, magaalada Hargeysa in ay qaraxyo shaani loo bixiyay ka dhici

jireen. Shaanidaasi ma ahayn mid Shabaab, ISIS ama Al-qaacida ay

tuurtay. Wixii ay ahayd, ciddii tuuri jirtay iyo sababihii keenayba waa la

garanayaa.

Farmaajo markii uu sheegay in uu laba sanno kordhistay, wixii

qalalaase ka dhashay waa la garanayaa. Qalalaase aan siyaasad ka

bilaabmin meelnaba caalamka kama dhaco, waxa se nacasnimo ah,

qalalaase laga baaqsan karo oo loo badheedho.

Gebagabadii, sida tasarufkiisa ka muuqata, Muuse waxa ay la tahay in

hadba sida uu doonaa uuni ay sax/sharci tahay. muddo aan sidaas u

badnayn ka hor (July 2021), Muuse wuu diidanaa furista ururada, imikana isaga ayaa u ololaynaya. Labada jeerba sax buu isu arkaa, in sax loo

arkona wuu rabaa.

Muddo yar horteed, doorashada madaxtinimada in dib

loo dhigo ma ogolayn, imika na dib-u-dhig buu ka shaqaynayaa, marka

hore iyo marka dambena, sax buu isu arkaa, ama in sax loo arko ayuu

doonayaa. Marka ay sidaas tahay, muranka haatan taagani hadii uu ku

dhamado sida uu Muuse doonaayo, taas micnaheedu waxa weeye shaki-

la’aan, in aannay jiri doonnin caqabad dambe oo ka hor timaadda. Keligii

ayaa tiyaatarku u banaanaan doonnaa, wixii ay hadba la noqoto ayuuna si

sahlan u socodsiin doonaa. Xataa Somaliland waxa uu u bedeli karaa

Boqortooyo u diganta tan Aalu-sucuud. Dadka SL ku dhaqan iyo

wadankaba in Aalu-Biixi loo bixiyo waxba kagama gudbana. Damac nin

keliyi leeyahay, oo wax kasta oo la isku ogaa iska garab mara, in badan

baa hore loo arkay, in badan baana la eeday. Taariikhdu wax ka barasho

ayay rabtaa.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q. M. Haaruun – mbiixi@gmail.com