Caddami

Marka ay taariikhdu tahay 9 December oo ku beegan Jimcaha berrito, waxa loo asteeyey in ay noqoto maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa (International Anti-corruption Day). Waxa laga xusaa dhammaan dalalka aduunka oodhan hase yeeshee waxay ku kala duwan yihiin sida loo xuso. Dalalka qaarkood waxay u dabaal degaan sidii ay uga guulaysteen la dagaalanka musuq-maasuqa ama ay uga cidhib tireen bulshadooda. Kuwo kale waxay maalinta u xusaan in la dardargeliyo la dagaalanka musuqa iyo in lays xasuusiyo in ololaha la sii wado ilaa inta xidida loo siibayo.
Haddaba, Somaliland iyadu sidee ayey u xusi doontaa, maxayse ku xusi doontaa maalinta musuqmaasuqa adduunka? Sidii looga bartay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo laga fili maayo in ay xusi doonto ama ay soo hadal qaado, sababta oo ah musuqmaasuqu xagooda cudur kama ah, balse wuxuu ka noqday dhaqan iyo wax nolosha ka mid ah.
Maamul-xumida iyo musuqmaasuqa oo laga faana wuxuu la kawsaday xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa hormood ka ah madaxda ugu saraysa ee dawladda, wuxuu hoos u xulay ilaa halka ugu hoosaysa maamulka, sidaas oo kale wuxuu ku baahay qaybaha kale ee bulshada.
Waxay u egtahay madaxweynuhu in uu wasiirradiisa iyo qaraabadiisa O-k siiyey si ay u sii xaalufiyaan dalka, ragga qaarkood waxa la moodaa inay yihiin ‘transit’ meelo kale u sii sahay qaadanaya. Si musuq-maasuqa loogu fududeeyo waxa hawl-gab laga dhigay ama awoodii laga qaaday hay’adihii dawladda ee ku shaqada lahaa ilaalinta hantida ummadda, sida Hantidhawrihii Qaranka oo shicibku is-waydiinayo halka uu ku dambeeyey, Xisaabiyihii Guud oo isagana loo casilay agaasime-waaxeed ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo haba yaraatee aan lahayn awood uu isku hor taago lacagaha sida sharci-ddarada ah loogala baxayo khasnada dawlada iyo guddigii qandaraasyada oo hawshoodii loo weeciyey dhinaca madaxtooyada; si rayul-caamka dadweynaha loo qaldana beddelkoodii waxa la magacaabay hay’ad la yidhaahdo komishanka Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa oo runtii wax baahi ah loo qabin.
Madaxweynuhu haddii uu daacad ka yahay la-dagaallanka musuqa kaliya waxa uu xoojin lahaa hay’adda qaab dhismeedka dawladda ku jira ee kor xusan.
Si kastaba ha ahaatee, labadii sannadood ee ugu horreeyey Komishanku waxay soo uruuriyeen xogo muhiim ah oo tibaaxaya hanti la lunsaday iyo masuuliyiintii gacan tugaalaysay, hase ahaatee mar dambe waxay ku baraarugeen in aanay madaxweynaha dhab ka ahayn la-dagaallanka musuq-maasuqu oo magacooduna yahay foodsaaro markii warbixin kasta oo madaxweynaha loo gudbiyo hoosta la dhigay ama waxba laga qaban waayey masuuliyiintii magacyadooda lagu xusay warbixinta komishanka.
Si kastaba ha ahaatee, musuq-maasuqu wuxuu ragaadiya kobaca dhaqaalaha, wuxuu fadhiid ka dhigaa maamul-wanaaga, wuxuu kalsooni-darro ku abuuraa maalgashiga, waxa joogsada ama yaraada deeqihii dalku ka heli jiray beesha caalamka, aakhirkana wuxuu galaaftaa xukuumaddii u dul qaadatay ku dhaqanka musuqmaasuqa.
Gabagabo, mudane madaxweyne, waxba been ayaan run lagaaga dhigin, xukuumadaadu waxay taariikhda ku gali doontaa xukuumaddii ugu musuq-maasuqa badnayd ee sii marta Somaliland.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com