X

Somaliland: Ma Qaranbaa Mise Waa Qabiil?

Mubaarig Ahmed Faarah

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kusoo caana-maashay isu tanaasul iyo is qancin mudadii ay soo jirtay oo ku sugan hada muddo 28 sanno ah, wali waxaad mooda inay jiraan kala dadsanaan baahsan, sharciga oo lagu tumanaayo iyo iyadoo la raali galinayo dano gaar ah tuducyadii maansadii gaariye Alla ha u naxaristee ayaa ahayd “markaad hebel duqaysaa reer hebel damqanayaan” raali galinta cid gaara iyo sharciga oo loo dumiyo dad gaara ah, waxay keenaysa sharciga oo jaba, waxaynu qaran ku nahay hirgalinta sharciga qofna inuu qabto, qofna looga habrado maaha hadii kale shacabka malinkasta maxkamaduhu xukumaan waxay noqonaysaa xaaran iyo miskiinbaa misgo la fuulo leh.

 Qofkasta oo ku xadgudba ama ka horyimaada sharciga iyo dastuurka ay dadkani dhigteen waa danbiile qaran,  waxa uu doono ha ahaado, ama xilka uu doono ha sitee hadii uu sharciga ku xadgudbo waa danbiile qaran sida uu tilmaamaayo xeerka ciqaabta guud qodobada 434 XCG, kuwaas oo odhanaya qofkasta oo qof dila in la dilo, 328 XCG kicin dadwayne, iyo 222XCG, kacdoon hubaysan,  dhac boob iyo hanti qaranka laga dhaco cidkasta oo gasha eedaha danbiyadan waa in sida ugu dhakhsaha badan loo horkeena sharciga.

Hadaba su’aasha aan is wqaydiinaya waxa weeye Somaliland ma qabiilba mise waa qaran, maxaa sharciga cid gaara loogu qaada ee bulshadu ugu sinaan weyday.

W/Q. Mubaarig Ahmed Faarah

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post