X

“Somaliland Kama Maaranto Murrashax Madaxweyne oo Madaxbannaan” Axmed Aw Aadan Cabdi

Waxa aynu wada ognahay, isla markaana aan daah inaga saarnayn qaab-dhismeedka salka u ah xisbiyada badan ee ka jira dalka Somaliland, kuwaasoo aan lagu qanacsanayn barnaamijyadooda siyaasiga ah ee la xidhiidha ujeeddada dhaw iyo ta fogba, laguna halayn karin masiirka siyaasiga ah ee dalka iyo dadkaba.
Waxayna taasi wallaac hor leh ku abuurtay shacabka reer Somaliland oo aan ku qanacsanayn nidaamka xisbiyadu u dhisan yihiin iyo barnaamijyadooda siyaasiga ahba.
Sidaas darteed, waxa aan soo jeedinayaa in loo fur furo siyaasada cakiran ee dalka ka jirta, loona helo tartamayaal madaxbannaan oo wax ka beddela dhadhanka ay leedahay siyaasadda Somaliland.
Waa dastuuri in saddexda xisbi qaran oo qudha ay ka soo dhex bixi karaan murrashaxiinta madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo golayaasha kale ee dalkuba, laakiin, waxa aan soo jeedinayaa, kulana talinayaa golayaasha qaranka in arrintaas si mug leh loo eego loo lafo-guro, taasoo horseed u noqon karta inuu soo baxo hoggaan dhab ah oo saamayn wanaagsan ku yeesha siyaasadda waddanka Somaliland.
Waxa aan farriin u dirayaa bulshada reer Somaliland, waxgaradkooda, dhallinyaradooda iyo odayaashoodaba inay rogrogaan ra’yigan aan ku soo bandhigay warbaahinta.
Axmed Aw Aadan Cabdi
Wasiirul-dawlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ee xukuumaddii marxuum Cigaal.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post