X

Somaliland ka ilaaliya inay Soomaaliya oo kale Noqoto: Warqad furan oo ku Socota Guddiga Doorashooyinka Qaranka

W/Q. Sagal Xuseen
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay waad ku ammaanan tihiin hawlaha doorashooyinka sida aad u qabateen ilaa xilligan. Waxa mudan inaynu xasuusanno in Shacbiga iyo Xukuumaddu inay kaalin mug leh ku lahaayeen guulaha la gaadhay.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay sheegeen in warbaahinta qaar sharciga la tiigsan doono, waan ku taageersayaa haddii Guddiga iyo hawlahiisa ay meel kaga dhaceen. Waxaan jecelahay in qof kasta oo xadgudub ku sameeya ama sharciga ku gafa in tallaabo sharciya lala tiigsado.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxa uu soo jeedinayaa in hawlaha kaadhadhka codeynta xilkeeda ay u gooni yihiin, mar haddii ay xukuumadda ballan ku qaaday in wixii kharash ah ee loo baahdo hadday Qaadhaan-bixiyeyaashu qeybtooda keeni waayaan.
Waxaan leeyahay waxa kaliya ee doorashada db u ridi karaa waa Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo xilkooda fulin waaya. Sidaa daraadeed, waxaan leeyahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in indhaha Somaliland ay eegayaan sida ay u gutaan xilkooda, maadaama 5 bilood ku dhawaad oo ka hadhay xilligii doorashada loogu talogalay in la qabto, taas oo ah waqti ku filan tahay, daabacaada kaadhadhka codbixinta iyo qaybintooda. Fadlan, ka illaaliya in Somaliland noqoto Soomaaliya oo kale.
Sagal Xuseen – Hargeysa

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post