#Araweelo_News_Network
Tilmaanta iyo Tala soo Jeedin Xeerka Ciqaabta Guud (Penal Code)
Garyaqaan Bacaluul Khabiir Sharci iyo Bare Jaamacadeed
Marka hore waxa waajib ah inaan Hambalyeeyo Hindisaha Sharci (Lgal Draft) ee Wax-ka-baddalka Xeerka Ciqaabta Guud ee loo soo gudbiyay Gollaha Wakiilada Somaliland.
Hase yeeshee waxa muhiim ah in mudanayaasha iyo cid walba oo danaynay ay lagama mariam tahay in Hindisaha lala akhriyo Xeerka Habka Ciqaabta (Criminal Procedure) ka hor intaan la ansixin, maadaamo oo ay Qodobada Xeerka Ciqaabta ee xilliga jira iyo kuwa Xeerka Habka ciqaabtu ay is-tixraacaan oo ay wada shaqeeyaan oo ay leeyihiin (cross-reference).
Arrinta kale ee muhiimka ah ee fahamka iyo feejignaanta u baahan ayaa noqonay inuu jiro Buug uu qoray Xeeldheere Martin. R. Gangzglass oo sharraxaad iyo tusaalayaal ku samaynaya Qodobada Xeerka Ciqaabta Guud. Buuggaasi waxa si faahfaahsan oo cilmiyaysan u fasirayaa qodobada xeerka Ciqaabta Guud macnahooga iyo habka loo dabaqayo, sidaa awgeed yaan la kala rarin tirsiga qodobada iyo sharraxaddoodaa si aannay caqab u noqon.
Wax-ka-badalkani waxa aad loogu bahnaa in lagu sameeyo qodobada ku jira Buugga 2-aad, qaybtiisa koowaad ee Xeerka Ciqaabta Guud, kuwaas oo khuseeyaa Dambiyada laga galo Qaranka (Crimes against the Personality of the State) oo ka bilaabma Qodobada 184–217 XCG. Waxan ku talin lahaa in aan la farafarayn tirsiga, weedhaynta iyo qaabdhismeedka qodobadaas oo sidooda loo daayo, kaliya uun la baddalo meelaha ay ku xusantahay (Soomaaliya/Soomaaliyeed) oo lagu baddalo Somaliland (replace it), si aynaan u waayin sharraxaadaa cilmiyeed ee uu Garyaqaanku sameeyay xeerkan qodobadiisa. Midna ogow, oo Wixii Qarankii Soomaaliya la isku odhan jiray dambi ku ahaa Qarannimadiisu, kan Jamhuuriyadda Somaliland-na waa ku dambi uun oo nuxurka dambinnimadu isma baddalayso.
Waxa uu qofku ciqaab ku mudanayaa aad baa looga fiirsadaa dunida yaan loo qaadan xeerarkii siyaasadda iyo doorashooyinka ee dudduubka iyo orodka lagu ansixin jiray. Ciqaabtu tashi dheer oo dhinac walba leh ayay keensanaysaa oo haddii ay tahay sharci-fulin (bilays iyo asluub) iyo Garsoor (Qareeno/dacwad-ooge iyo Garsoore) iyo khubarro kale oo caalami ahba..
Sidoo kale waa in uu Xeerku wataa bog lagu muujiyo Jaantus ama shax lagu sheegayo qodobada la nasakhay tirsigooga (table of amendments) iyada oo lala kaashanayo khubarrada xeer-qorista lana tixraacayo hababka xeerdajineed ee loo muujiyo wax-ka-baddalada xeerarka lagu sameeyo (legal drafting skills) si markaaba loo arko loona helo qodobada isbaddalay.
Soo-jidintii Garyaqaan Mohammed Ahmed Bacaluul