drmahamedrashiid

Maalmahan waxa wararka ku jiray laba war-murtiyeed oo kala dambeeyey. Mid ka soo baxay shirkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay laguna sheegay in dawladaha IGAD ay qaddarinayaan xuduudaha iyo midnimada Soomaaliya iyo mid ka soo baxay Beesha Caalamka ee doorashooyinka ka taageerta Somaliland, kaas oo ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiillada.

Marka koowaad waxa muhiim ah in aynu ogaano in weedhahaasi aanay xaqiiqada Somaliland ka jirta waxba ka beddelayn. Dad badan baa shakiyey oo mooday in Somaliland ay dhibaato soo gaadhay. Waa innagu doqoniimo haddii aynu aamino in laba war-saxaafadeed ay wiiqi karaan waddankii aynu intaa soo dhisaynay.

Beesha Caalamku meel kasta adduunka war-saxaafadeed bay intaa soo saaraan. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa kuwii dhawaan lagu dhalliilay Madaxweynaha Yugaandha Yoweri Museveni oo 30 sanno oo gaw ah dalkiisa u talinayey maalin dhawaydna markii shanaad la doortay. Haddii Dimuqraadiyaddu ay dhab ka tahay Beesha Caalamka waxay tallaabo ka qaadi lahaayeen Madaxweyneyahaasha Afrikaanka ah iyo kuwa kale ee dunida saddexaad ee waddamadooda iska yeeshay.

Nin isku tashaday ma itaal yara. Somaliland waxan u arkaa in ay rajadeedu meel wanaagsan marayso, haba jiraan qabyooyin fara badan oo u baahan in aynu wax ka qabano. Waxaan u arkaa in himiladeenu ay marba marka ka dambaysa soo dhawaanayso. Haddii ay ummadi raadinayso wax ay xaq u leedahay, goor ay noqotaba way helaysaa xaqeeda. Cid ka hor joogsan karta iyo cid wax aanay doonayn ku khasbi kartaa ma jirto.

Beesha Caalamku waxay Somaliland ka dalbatay in ay Soomaaliya wada-hadal la gasho si loo qeexo waxa uu noqonayo mustaqbalka labada dhinac. Shuruuddaas Somaliland way fulisay, laakiin waxa xaska dabada galiyey oo wali baqanaya Soomaaliya, sababtoo ah waxay og yihiin in aanay haysan dood macquul ah oo ay miiska la yimaadaan. Beesha Caalamku haddii ay ka shaqaynayaan xal Soomaaliyeed, maxay Soomaaliya miiska u soo fadhiisin laayihiin? Maxay war-murtiyeed uga soo saari laayihiin? Indhahoogu ma wixii Somaliland ka qabyooba ayuun bay arkaan?

Waxaynu nahay qaran shaqooyin badan qabsaday, hadafyo badana ka midho dhaliyey. Waxayu nahay qaran buuxiyey, waliba dhaafiyey, dhammaan shuruudihii la innooga baahnaa si la inoo ictiraafo. Waxaynu leenahay xuduudo caalami ah oo sugan iyo dad tiradoodu dhaafayso saddex milyan iyo badh. Waxaynu maraynaa madaxweynihii afraad iyadoo aynu dooranayno madaxweyihii shanaad March 2017. Waxaynu qabsanay shan doorasho oo dunidu markhaati ka ahayd una dhacay xor iyo xalaal. Iyadoo aanay cidina ina gacan qaban ayaynu gacmaha is qabsanay oo aynu dalkeena nabad iyo xasillooni ku soo dabaalnay, nabaddaas oo aan liicin 20-kii sanno ee u dambeeyey. Waxa xaqiiqo ah in dalalka IGAD ku bahoobay marka Kenya laga reebo aynu tusaale ugu noqonayno dimuqraadiyadda.

Horumarka Somaliland ku faanaysaa maaha dimuqraadiyadda oo kali ah balse waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah. Intii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey waxaan la dafiri karin in dhaqaaluhu kobcay, isla markaana la horumariyey kaabeyaasha dhaqaalaha oo waddooyinku ugu horreeyaan, waxaa wax badan laga qabtay caafimaadka, waxbarashada iyo xoolaha, waxaana la sugay inta ugu badan xuduudaha Somaliland. Horumarka ugu dambeeya ee aan xusi karnaa waa heshiiska aynu la galnay DP World ee lagu horumarinayo dekedda Berbera, kaas oo aan Ilaahay ka rajaynayo in uu barwaaqo inoo horseedo. Waxan ku hambalyeynayaa cid kasta oo door ka qaadatay, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka inoo fadhiya Imaaraadka, Baashe Cawil Cumar.
Himilada Somaliland way hirgalaysaa, rajadeeduna way hillaacaysaaye aynu hore u wadno hayaanka!