X

Siyaasiga Madhalayska Ah

By. Mukhtar Cilmi

Umadda soomaaliland ee maanta qarnigan aynu joogno dhibka u wayni halka uu ka haystaa waa siyaasiinta hogaaminaysa oo ku guul daraystay inay ummada sidii loo rabay u hogaamiyaan, Sidaas awadeed waxaan nuxurka maqaalkaygan si kooban ugu soo qaadaa dhigi doonaa qodobo muhiim u ah fahanka dhibaatada ragaadisay siyaasiyiinta Somaliland.

si aynu u fahano muhiimadda uu leeyahay siyaasi iyo halka uu bulshada kaga jiro iyo waxyaabaha uu waajibaadka u leeyahay ayaynu eegi doona .siyaasiga bulshadu u baahan tahay una fuliya isago eegaya waxa umada iyo dalka iyo diintaba anfacaya isaga oo u wakiila bulshadaas xilka u igmatay, siyaasigu waa inuu noqdo qof u adeega wadanka oo mushaharkiisuna yahay cashuurtay bixiyaan dadka ku nool wadankaas, Kuna ridi karanaa hadii uu hawsha kasoo bixi waayo, cod ama saxeex xil ka xayuubin ah oo kalsoonida ah sida dastuurka Somaliland sheegayo. Guusha ugu weyn ee in aad noqoto siyaasi qaran waa in aad kasban karto qalbiyo aydaan isku reer iyo beel ahayn oo marwalba ku sacaba tumaya garabkagana taagan . Siyaasaddu waa shaqo uu hogaaminayo xaakim (madaxweyne) oo uu shacabkiisa ku maamulaayo , waa nidaam siyaasiya oo uu ku siyaasadeynaayo ugu shaqaynaayo bulshoweynta . waxaanay u baahan tahay XIKMAD,garaad badan , indheer garadnimo, aqoon, faham aad bulshadaada fahanto, debecsanaan,hanjabaad,soo jiidasho , arimahanu waa qaar ku keeni kara siyaasiga in uu ka durko (fogaado) aasaaska akhlaaqda iyo toosnaanaantii qofnimo , WAAYO ? wax badan oo iska soo horjeeda ayay tahay in uu isku wado . haddii caddaaladi jirto oo sharciga loo siman yahay waxanu ma dhacaan . Waxa taariikhda bulshada aduunka lagu hayaa , dad badan oo diiday inay siyaasadda ku biiraan (ka qayb qaataan, iyaga oo u ilaashanaaya magacooda iyo sumcadooda iyo sharaftooda , inuu kaga dhex wisikhoobo siyaasadda , mana rabaan in naftoodu ku dhex milanto siyaasadda aan nadiifta ahayn (waa ta iminka taagan) .Qaar kale oo badanina way ka qayb qaateen siyaasadda iyo xukun kaba , dhibaatooyin badan oo ay ka shanleeyeena (ciil kaanbiyeen) way ka soo gaadhay .Laakiin inbaa noqota siyaasi akhlaaq leh , in kasta oo ay adag tahay iminka , waayo? siyaasadddiibaa noqotay kayn ay bahalo dad cuni ka buuxaan , oo u diyaara inay ku legdaan kuna cunaan .sidaa awgeed , waa inaad diyaar u tahay , inaan lagu legdin , laguna cunin , adiga oo aan insaaniyadaadii (dad nimadaadii) ka tegin weliba , oo aan sidooda oo kale noqon (wuxuush) dad cun ama dhiig yo cab .waxaana ku soo laabanaya maqaalakaygan nuxurkiisa ku saabsana siyaasiga madhalayska ah ee xisbi amba xukuumadd hoosteed wax ku cuna yidhaahda tolkay gacanta ku haya !!,siyaasaddaas waa mid fashilantahay beri hore waayo shicibkii wuu indha furtay cid walbana sacab ayuu u tumo waanay ka niyad jabayn siyaasiyiinta matala xaga gole degaan noqoto amba wasiiriin matala,waa beenaale qof maantakilmadaas ku dhawaaqa beesheeda ana gacanta ku haya !beentaasna waagi udub ayay beenooday!, waaligaana caadifad durbaan looma tumo ayuu xaalka somaliland yahay,mana jiro wasiir amba xildhibaan maanta umadisa hor iman kara waa beenaale waayo umaddii ayuu ka baqanaya la xisaabtayn teeda.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post