X

Sirta ka Danbaysa inuu Burburo qayb kamid ah Heshiiskii u dhaxeeyay Somaliland iyo Imaraadka Carabta

Mohamed osman

W/Q. Mohamed Osman

Sidaynu la soconay jamhuuriyada Somaliland waxay heshiis caalamiya la gashay dalka imaraatka carabta, heshiisyadaasi waxaa la mariyay oo si buuxda u ansixiyay golayaasha qaranka.

Hadaba su’aalaha la iswaydinayaa waxay tahay, maxaa sababay heshiis ay ansixiyeen golayaasha qaranka in si fudud loo burburiyo, iyadoo arintani ay tahay heshiis caalamiya.

Waxaynu ogsoonahay Madaxweyne Muuse inuu tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, halkasoo si diiran loogu soo dhaweeyay, inkastoo meqaamka lagu soo dhaweeyay uu u ekaa oday muddo dalkiisa jabuuti ka maqnaa.

Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay waxaynu ogsoonayn Dalka Imaraatka Carabta iyo Dalka Jabuuti inuu xidhiidhkoodii xumaaday, sababaha keenayna uu ahaa markay ogaatay Jabuuti inuu Imaraatka maal galin ku samaynayo Jamhuuriyada Somaliland. Jabuuti waxay si wayn uga cadhootay maal galintaas, waxayna qaaday talabooyin waawayn oo ay doonaysay inay ku burbursio heshiis yada ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta.

Madaxweyne Muuse intii uu talada dalka la wareegay wuxuu qaaday talabooyin uu ku baabi’inayay heshiisyadii ay gashay xukuumadii isaga ka horeysay ee uu Hogaaminayay Axmed Silanyo,  Madaxweyne Muuse waxaa si wayn u bogaadiyay dawlada Somalia, tasoo sheegtay inuu qaaday Madaxweyne Muuse talaabooyin lagu bad baadinyay dalka Somalia, oo ay ula jedaan kanoqoshada uu ka noqday heshiiskii ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta ee ku aadana saldhiga meleteri ee Imaraatka laga siyaayay Gobolka Saaxil casimadiisa Berbera,  

Heshiis golayaal qaran ay ansixiyeen in si fudud looga baxaa waxay lafjab ku tahay qaranimada jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne Muuse labadii socdaal ee ugu danbeeyay qarankan wuxuu usoo qaaday guul darooyin dalkan iyo dadkan qaran jab ku ah, kuwasoo kala ah la kulankii uu la kulmay wasiirka arimada dibada Somalia, wasiirkasoo ahaa kii dalka GINI xidhiidhka u jaray markuu arkay meqaanka ay siyeen Dalkaasi Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Jabuuti oo Madaxweyne Muuse ay ka saxiixeen qodobo aan la garanayn.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse ku boorinayaa oo aan leeyahay dalkan hadaad usoo halgantay ilaahayna kugu simay talada dalka sharaftiisa iyo karaamadiisa dhawr, heshiisyadii ay gashay xukuumadii ka horeysayna xaqdhawr.

Mohamed Osman awaadan5@gmail.com

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post