Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan
Dalka Morocco oo ah maalgashade weyn oo maalgeliya qaaraddiisa Afrika oo kaashanaya waddamo kale oo Carbeed ay ka mid yihiin; Sucuudiga, UAE, Baxrayn, Qatar, Oman, Jordan, Yemen iyo Soomaaliya ayaa cadho kaga baxay shirka Qarammada Afrika iyo Carabta oo ka socday dalka Equatorial Guinea maalintii Arbacada – ka bixid timmi kaddib markii Midawga Afrika uu shirka ku casuumay, isla markaana ka qaybgaleen jabhadda madaxbannaani-doonka Polisario ee Jamhuuriyadda Sahrawi oo xubin ka ah Ururka Afrika. Ka bixidda shirkani wuxuu yimmi kadib markii boqorka Morocco ee Mohammed VI uu socdaal ku maray dalal badan oo Afrikaan ah ka hor shirka si uu taageero uga helo.
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Carabta ee Saharawi (SADR) waxay madaxbannaani ku dhawaaqday 27 February 1976, markii dalka Spain uu caddeeyey in aanay rabin in ay sii maamulaan dhulkaasi oo ay guumaysan jireen. Sannadkii 1982 ayaa Ururkii Midowga Afrika (OAU) ay Jamhuuriyaddaasi u aqoonsadeen dawlad madaxbannaan. Sannadihii ka dambeeyey waxa aqoonsi siiyay in ka badan 80 waddan oo ay ka mid yihiin Mexico iyo Koonfur Afrika, inkastoo dalalkaasi qaarkood ay aqoonsigii la laabteen sannadihii 1990kii.
Sannadkii 1984kii ayaa dalka Morocco ka baxay xubinnimadii Midowga Afrika (OAU), isagoo ka cadhaysan xubinnimada ururkaas laga siiyay Jamhuuriyadda Sahrawi.
1991 wadahadal ay Qarammada Midoobay dabada ka riixaysay oo dhexmaray Morocco iyo jabhadda Polisario ayaa waxa la isla qaatay in afti laga qaadi doono bulshada ku nool gobolkaasi si aayaha gobolka meel loo saaro, balse, aftidaasi may suurtogelin wali.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Mugabe oo ka hadlayay shirweynihii 26aad ee Midawga Afrika oo ka dhacay Addis Ababa, Ethiopia ayaa waxa uu yidhi; “Waqtima yeynu go’aansannaa in dadka Jamhuuriyadda Sahrawi ay noqdaan xor? Dastuurkeennu wuxuu sheegayaa in xuduudaheennii aynu ku aasaasannay 1963 la dhawro oo la tixgaliyo, dadka Jamhruuiyadda Sahrawi ha noqdeen xor.”
Muddo 32 sanno ah oo dalka Morocco cadhadaasi kaga maqnaa xubinnimada ururka Midowga Afrika wuxuu dhawaan muujiyay xiisahiisa ah in uu dib ugu noqdo xubinimadii Ururka ka bixidiisii 1984 kii kaddib. Jamhuuriyadda Saharawi oo ah xubin ka mid ah Midowga Afrika ayaa ku doodaysa in Morocco loo oggolaado in ay dib ugu biirto ururka haddii ay aqoonsato Jamhruuyadda Saharawi keliya.
Jabhadda Polisario waxay xukuntaa 20 – 25% dhulka Jamhuuriyadda Sahrawi, halka inta kale ay xukunto Morocco oo u taqaana dhulkaasi gobolka koonfureed ee Morocco. Jamhuuriyada Sahrawi si la mid ah Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhacdaa xuduudihii gumaysigu dhigay Afrika.
Jamhuuriyadda Saharawi waxay taageero ka haysataa dalalka Afrika, kama tirsana Shirweynaha Carabta oo ay Morocco ka tahay xubin buuxda. Dalka Morocco wuxuu taageero buuxda ka haysta Shirweynaha Carabta oo aaminsan in la dhawro xurmada dhuleed ee dalka Morocco (Territorial Integrity).
In kastoo Somaliland ay ku dhisan tahay sharciga midawga Afrika ee xurmaynta xuduudihii gumaysiga, haddana taageero kuma haysato gudaha Ururka Afrika si la mid ah taageerada ay haysato Jamhuuriyadda Saharawi, balse waxa jira sansaan iyo u dabacsanaan dalalka jaalka ah qaarkood ka muuqata.
Dhinaca kale, dalalka Masar iyo Suudan oo taageero la garab taagan dawladda Soomaaliya, isla markaana ka hor imanaya qorshayaasha lidiga ku ah dalka Soomaaliya ayaa ururka Afrika ka mid ah. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xubin buuxda ka tahay Shirweynaha Carabta oo si weyn u taageera, isla markaana ay xubbin ka tahay dalka Masar oo arrinta qaddiyadda Somaliland u arka mid lidi ku ah danaheeda gobolka ee ay salka u tahay webbiga Niilku.
Dhinaca kale, Soomaaliya kama mid aha dalalka aqoonsaday Jamhuuriyadda Saharawi, waxay taageero buuxda u muujisay dalka Morocco oo ka soo hor jeeda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Saharawi, iyadoo u aragta haddii ay Jamhuuriyadaasi hirgasho in ay Somaliland-na dariiqaasi mid la mid ah raaci doonto.
Somaliland iyo Jamhuuriyadda Saharawi waxay ku dhisan yihin dastuurka ururka midawga Afrika oo sheegaya in ururku ku shaqayn doono maba’adiidan; Qodobka 4aad, farqadda (b) ixtiraamidda xuduudihii jiray wakhtigii madaxbannaanida gumaysiga laga qaatay.
Waxaa xiiso badan in markii qodobkaasi 4aad ee dastuurka ururka Afrika loo codaynayay wadammadii diiday ay ka mid ahayd Jamhuuriyaddii Soomaalidu, Ghana, Morocco iyo Togo oo loolan adag ka galay in la xurmeeyo, lana aqoonsado xuduudihii gumaysigu dhigay iyagoo mid waliba danahiisa siyaasadeed ka eegayay.
Marka la eego labada urur gobboleeda ee ka Afrika iyo ka Shirweynaha Carabta, Somaliland waxaa uga fursado badan, taageerana ka heli kartaa Midowga Afrika, waxa loo baahan yahay in waqti, dedaal iyo karti aad u heersaraysa la galiyo sidi taageero Somaliland uga heli lahayd waddamada gobolka ee taageera Jamhuuriyadda Saharawi ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika.
Dhinaca kale, arrimaha u baahan in aad looga fiirsado waxa ka mid ah xidhiidhada lala yeelanayo dawladaha Carabta oo ay tahay in laga eego dhanka danaha siyaadadeed iyo amniga oo aan lagu mashquulin kaliya dhanka dhaqaalaha. Waxa mudan in la iswaydiiyo halka dawladda Imaaraadka Carabta ka taagan tahay qaddiyadda Somaliland, maadaama lagu wareejiyay maamulka dekedda Berbera oo ah goob muhiim u ah siyaasadda Gobolka Geeska Afrika– Imaaraaadka Carabtu wuxuu si weyn uga soo horjeedaa madaxbannaanida Jamhuuriyadda Saharawi oo ku dhisan shuruucda Somaliland ku dhisan tahay kuwo la mid ah, iyagoo garab taagan Morocco.
Sidoo kale, dagaalka ka socda Yemen iyo xulafada Carabtu waxay xiiso weyn u muujiyeen isticmaalida gagida diyaaradaha ee Berbera oo ah goob siyaasadeed muhiim u ah gobbolka – culimada amniga gobolku waxay aaminsan yihiin in xulafada Sucuudigu hogaaminayo iyo Carabtu mar horeba bilaabeen sidii ay xarun millatari oo awood badan uga samaysan laaheeyeen gobolka Geeska Afrika, maadaama ay la wareegeen dekedda Eritrea iyo ta Somaliland oo hawsheedu socoto. Dalka Itoobiya wuxuu u arkaa xulafada Sucuudigu hoggaaminayo kuwo liddi ku ah danahooda siyaasadeed, iyagoo ka dhex arkaya dalweynaha Masar oo ay colaad guun ah oo ku xidhiidhsan webiga Niil ay ka dhacayso.
Waayadan dambe xidhiidhada Somaliland waxay u ekaayeen kuwo guurguuraya oo ku salaysan taageero dhaqaale. Waxa lama huraan ah in Somaliland ay si taxadir leh uga fiirsato xidhiidhada dalalka gobolka ay la yeelanayso, iyadoo maanka ku haysa danaheeda siyaasadeed iyo cidda la riixi karta arrinta madaxbannaanida. Ma Midowga Afrika mise dalalka Shirweynaha Carabta iyadoo casharo ka barranaysa dagaalada ku socda qaddiyadda taageerada badan haysata ee Jamhuuriyadda Carabta Dimoqraadiga ah ee Saharawi.
Tixgalin
Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxman
Tixraacyo:
Shir Madaxeed ka 26aad ee Midawga Afrika & Xiisihii Mugabe
https://en.wikipedia.org/wiki/Sahrawi_Arab_Democratic_Republic
https://en.wikipedia.org/wiki/International_recognition_of_the_Sahrawi_Arab_Democratic_Republic
http://www.globalresearch.ca/saudi-uae-military-coalition-expands-into-the-horn-of-africa/5487059