Waa Kuwee Shinbiraha Dhawaaqyada Digniinaha Sameeyaa?
Shimbirta fiintu waxay leedahay ishaarooyin cajiib ah, waxayna shinbirtaa oo soomaalidu u taqaan magaceeda Fiinta ay samaysaa oo caan ku tahay dhawaaq oohin ah, iyadoo inta baddan dhawaaqa noocaa ah samaysa sida looga bartay xilliyada qaarkood.
Dhawaaqa shinbirta Fiinta ee cida ama oohinta ah ayaa la arkaa wakhtiyadda ay soo waajahan yihiin roobab waaweyn oo aan caadi ahayn iyo sidoo kale dabaylo.
Arrinta kale ee layaabka ah ayaa iyana ah in xitaa in dhawaaqan ay samayso marka ay aragto ciidamo duulaan ah, waana xilli colaadeed sida caadiyan dhacda, wallow ay Soomaalidu sheegto in xataa xilliga xannuunada faafa ay soo waajahan yihiin ay shinbirahan sameeyaan dhawaaqyo digniin oo dhiilo ah, iyadoo Aadamuhu ka hor intii aannu samayn horumarka adeegsiga Raadaarka shinbiraha ka shidaal qaadan jireen .
Haddaba arrintu sidaa maaha mana aha keliya shimbiraha howshan qabtaa Fiinta oo keliya, balse shimbirka gallowga ee ayaa sameeya dhawaaq Foori ah xilliyada collaadaha.
Hase yeeshee waxaa jiraa qaar baddan oo kale oo ka mid ah shinbiraha oo sidan oo kale u dhawaaq oo ka yaryar galowga, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciyawga, cirsan-ka-yeedh. waxa kale oo ka mid ah kuwa dhawaaqyda digniinta sameeya Guuguulaha.
Dhammaan Shinbiraha Fiinta, galowga, Ciyawga, Guugulaha iyo kuwa la midka ah ee hawshan wadaa waa mid hibo ah oo Allah kor ahaaye awood ugu siiyay innay wax sii odorosi karaan, taas oo lagu ogaysiinayo mushkiladdahan soo waajahan si ay uga digaan xayawaanka kale ee Shinbiraha iyo sidoo kale, giddi habbar dugaag si haddii ay roob waaweyn ay sheegto ay uga baxsadaan, iyadoo waraabaha, doofaarka, qarandida iyo xayawaanka kale ee bohollaha iyo dooxyada biyo mareenka xayawaanka ku nool uga baxsadaan toggaga oo aanay khatar u gelin.
Sidoo kale, collaadaha marka ay kusoo waajahan yihiin deegaanka ee dhawaaqa Oohinta ay samayso shinbirta Fiinta, galowga oo sameeya Foori iyo kuwa la midka ah, waxayna ka fogaadaan deegaamada ay kusoo waajahan yihiin Collaadaha, roobabka waaweyn, dabaylaha, duufaanada iyo masiibooyinka kale.
Suugaanta Soomaalida ayaa marar baddan lagu arkaa heesaha iyo gabayada oo Fiinta, Galowga, Fiidmeerta iyo ciyawga, “Waxay Fiintu Ooydaa Galowguna ka fooryaa Fiidmeertu duushaa fooraha dabayshee fad markuu hadheeyee, ana waxaan la foorraree fajacaada igu riday jacaylkayga foorraha” Heesta Nimca Jaamac oo ah fannaanada weyn ee Djibouti.
Sidoo kale, AHN, Fannaanada weynayd ee Sahra Axmed Jaamac heesta ay qaado ayaa ahayd, “Ciyawgii habeen dhawaaqay wuxuu ka cawduu dareemay, cawaysinka haadka duulay colaad buu sheegayaa.” maaha intaa oo keliya ee suuganata Soomaalida aad ayay uga hadashay shinbiraha aynu ka hadlayno, sidaa awgeed waxaynu odhhan karaa Fiinta iyo kuwa la midka ah waa meelaha lagaga dayday ee Aadamuhu ka ikhtiraacay Aallada Raadaarka,
W/Q. Admiral Abdirahman Ali Farah (Ali Madoobe)