Cabdiraxmaan Cadami
Shicibka Somaliland waxay si xamaasad leh ugu soo baxeen doorashadii ugu horaysay ee golaha deegaanka dabayaqadii 2002 iyo tii lagu dooranayey madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sanadkii 2003 iyo tii wakiilada lagu soo doortay 2005, sidaas oo kale waxay si wayn ugu soo baxeen kuwii kale ee ka dambeeyey.
Doorashooyinkaa dadka codkooda dhiibtay waxaa lagu qiyaasa 99% iyo wax ka badan, runtii waxay ahayd tiro aad u badan oo aan yaala ka dhicin dalalka duninida ee dimuqraadiga ah laba sababood awgood: In ay muujiyaan xaqa ay u leeyihiin inay doortaan qofka ama xisbiga ay rabaan iyaga oo xor ah, arrintan oo ahayd xaquuq ay lahayeen oo laga duudsiyey ama ka maqnayd mudo aad u dheer. Iyo iyaga oo rajo wayn ka qabay ama wax badan ka filanayey xukuumada iyo golayaasha ay codkooda siiyeen hayse yeeshe waxa marba marka ka dambeeya soo yaranayey ama meeshaba ka baxay rajadii ay qabeen, waxay filayeen in heli doonan cadaalad loo siman yahay iyo maamul hufan oo ogol in lala xisaabtamo. Marnaba halkan soo may dhigan in madaxdii la doortay si xishood daro ah u bililiqaystaan hantidii umada oo dawladihii ugu xumaa ee ina soo maray ka nabad galay.
Sidaa daradeed dadku waxay goobaha diiwaangelinta soo gaadhayeen iyaga oo aan ku niyad samayn doorashooyinka, dadka qaarna danba kama laha qaadashada kaadhka codbixinta iyaga oo aamisan in aanay doorashada soo socota waxba soo kordhinayn sidii kuwii hore.
Waxay ka aamin baxeen siyaasiyiinta dalka iyo madaxdii la doortay, waxay u arkaan kuwo aan u shaqaynayn ee ka shaqaysanaya. Waxa laga yaaba musharixiinta ku tartamaya doorashada soo socota inay la yimaadaan is-badalada loo baahan yahay laakiin sidee loo aaminayaa waxyaabaha ay ku balan qadayaan waayo waxa maskaxda dadka ka guuxaya ama la xasuusan yahay balan qaadyo tiro badan oo beenoobay, kalsoonida madaxda lagu qabi lahaa waxa dilay xukuumada maanta talada haysa, golaha wakiilada iyo maayirada magalooyinka qaarkood sidaa awgeed madaxda la doorto waxa ku adkaan doonta sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee umadu kuma qanacsana siyaasada iyo hanaanka xisbiyada Somaliland lamana yaqaano xisbi kastaaba wuxuu u taagan yahay ama uu kaga duwan yahay labada kale, khudbadahooda kuma abaaran arrimaha mudnaanta leh ee dadku rabo inay dhagahoodu maqlaan, inta badan ma dhaafsiisna dhaliilo iyo cambaarayn xukuumada loo jeedinayo iyo jawaabo xukuumadu ku difaacayso eedaha mucaaridka.
Cago-jiidka dadweynaha reer Hargeysa ku qaabilay diiwaangelintu waa farriin iyo ixtijaaj (Protest) lagu saluugsan yahay siyaasada iyo maamulka xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo aan la aqoon jihada ay u socoto iyo saddexda xisbi ee magac u yaalka ah oo iyagu qudhoodu aan lahayn aragti siyaasadeed oo dadweynaha yididiilo galin karta haddii si kale loo dhigo umadu waxay ka soo taagan tahay nidaamka dalka lagu hagayo, doorashooyinka iyo dimuqraadiyada siloonka ah.
Waxay u eeg tahay in xukuumada iyo xisbiyaduba dib uga dhaceen wakhtiga iyo baahiyaha bulshada ee mar kasta is badalaya. Sidaas daraadeed xisbiyada tartamaya iyaga oo ka duulaya wadciga jira iyo dareenka umada waa inay la yimaadaan fekrado cusub oo xambaarsan argti siyaasadeed oo dadka u cuntama oo is-badal macno leh horseedi kara, dalkuna horumar ku gaadhi karo.
Xisbiyada waxaa looga fadhiyaa inay ka gudbaan qabyaalada oo ay ololahooda diirada ku saaraan arrimaha (Issues) xadantaynaya quluubta dadweynaha sida aafada tahriibta, eexda, dhamaystirka distoorka qabyada ah iyo ku dhaqanka qawaaninta, kobcinta dhaqaalaha iyo cidhib tirka musuqmaasuqa, tayeynta waxbarashada, in la furo baananka ganacsiga ee xukuumada Siilaanyo dabada hayso iyo ugu danbayn in umada loogu balan qaado in loo soo celinayo hantida ma-guurtada ah ee laga boobay, haddii kale xaalku wuxu noqonaya: kursiga ha layga kaco waa markaygiiye ana aan cuno’e “It is our turn to eat”.
Cabdiraxmaan Cadami