Nin reer Miyi ah ayaa safar ku yimi magaalo, kaasoo soo iibgeeyey adhi yar, waxaannu la kulmay sayladii oo xaami ah, qiimo fiicana way ku baxeen adhigiisii, hayeeshee dillaalkii ayaa ku yidhi qiimahan fiican ee aan ku hayno xoolahaagii haddii aad rabto in aan kuugu iibiyo lacagta ayaa sahandanbe u dhacaysa oo berina waa ciid, haddii kale qiimo intaa ka yar ayaan kuu hayaa oo maanta ayaad qaadanaysaa.
Kadibna ninkii reer miyiga ahaa ayaa ku yidhi dilaalkii; “Adeer, ma inaga hubtaa in lacagtaa la helayo sahandanbe haddii alle ina gaadhsiiyo oo aan nabad nahay? Waxaannu dillaalkii u sheegay inuu lacagtiisa helayo, isla markaana isagu damiin uga yahay, wax uu berri ku ciidana uu siinayo, kana goosan doono marka uu u keeno lacagta adhigiisa lagu iibsaday.
Halkii ayaa la isku gacan qaaday, laguna heshiiyey, ninkii reer miyiga ahaa ayaa intii yarayd ee loo dhiibay suuqii la tagay, wuxuunna raadsaday wax uu cuno oo raashin ah, isagoo gudaha u galay makhaayad cuntada samaysa, markiibana waxa soo dul joogsaday inankii mudallabka ahaa, wuxuunna weydiiyey waxa uu cuni karo, kadibna ninkii reer miyiga ahaa ayaa weydiiyey su’aal ahayd, maxaad haysaa?
Inankii mudalabka ahaa u dudubiyey wixii maqaaxida yaalay oo fara badnaa, iyadoo ninkii reer miyiga ahaa kala garan waayey waxan uu akhrinayo oo inta uu yara fikiray ayuu yidhi; ‘walaal, bal mar iigu celi waxan aad heesta moodo.’ Inankii ayaa ugu celiyay, markuu dhammeeyay ayuu fikiray ninkii martida ahaa, wuxuunna is yidhi wallaahi kala garan mayside kaa ugu danbeeyey uun isii ayuu yidhi.
Mudalabkii ayaa u keenay ninkii reer miyiga ahaa in callool ah iyo dhawr midh oo laxooxa, taasoo sababtay in ninkii miyiga ka yimi aad uga naxay, hareerahana iska eegay intuu aamusay ayuu is yidhi; ‘walaahi, haddii aad wax kale waydiisana way ka sii dari oo meeshan ceeb ayaa ka soo dhaga weyn maxaad yeeshaa? Wuxuu eegay rag ku dhawaa oo cad iyo hilib miidhan isla dhacaya, calashaan cunaya, haddana wuxuu xasuustay quudhisaga iyo ceebaynta meesha uu kala kulmay, kadibna go’aan ayuu qaatay oo inankii mudalabka ahaa ayuu u yeedhay, wuxuunna yidhi;
“Yarroow, adeer maad i garanaysaa?! Layaab, yarkii ayaana ugu jawaabay; ‘yaan kuu aqaanaa dul-cawlayde, kanaaba iigu daran!” Ninkii reermiyga ahaa ayaa dhengad uu haystay soo rogtay oo laba ku xagay yarkii, waxaanna la isla dhex jibaaxay maqaaxidii, weel daatay iyo miisas la isla jiidhay dad maraq ku daatay, dabadeed dadkii ayaa kala dhex galay ninkii reer miyigaa ahaa oo qaylinaya, yarkiina eryanaya ayaa yidhi; “bi waayee ninka ii qabta wuu i dilaye. Waxaan mag iyo xaal gole-joog ah ahayna walay a tahaky in aanan kaga tagayn. Tolaay. Ma anigoo nin reer hebel ah ayuu inan yari i quudhsaday. Tolaay!.
Halkii ayaa lagu dhex dexaadiyey, arrintii meesha ka dhacday odayaal ayaa galay, ninkii reermiyiga ahaana waa la dajiyey.
Maalintii ciidda ayuu salaadii yimi oo markii la tukaday ayuu ninkii ku xigay odaygii reer miyiga ahaa salaamay oo uu ku yidhi; “saamaxnaa kum.” Ninkii reermiyiga ahaa oo shakisan ayaa yidhi; “oo inaadeer ma qoladii shalay ayaad ahayd?” ninkii ayaa ku yidhi maya walaal dee waa maalin ciidoo waa la iswada saamaxaa.”
Haddana ninkii reer Miyiga ahaa ayaa yidhi; “Oo ninyahow, maad igaranaysaa haddaa?
Ninkii salaada tukadya ee wax wanaaji is lahaa ayaa yaabay oo yidhi; “walaal, kuma garanayo, laakiin dee dadku kolay waa isku wada gafaan ee “saamaxnaa kum.” Kadibna ninkii reer miyiga ahaa ayaa intuu kor u qayliyay ayuu yidhi; ‘oo waar waa ninkaagani goormaan kugu gafay? Hadda ayaan aan ku fahmay oo waxaad tahay ninkii walaalkay dhacay ee la yidhi magaalada ayuu joogaa. Tolaay. waar ninka ii qabta bi’i waayee!, isagoo dhengadii uu sitay soo rogtay oo saddex bogga u galiyey. Ninkii reer magaalka ahaa ee salaanta bilaabay oo kankoonsan ayaa dadkii oo safafkii u fadhidiya dul jibaaxay, dadkiina waa isku dideen oo la is wada jiidhay, halkaana dad badan ayaa dhaawac ka soo gaadhay. Labadii nin ayaa askartii ammaanku qabatay, waxaanna loo geeyay xaakimkii Qarqoosh, iyadoo dadka intii dhaawacan tayna la keenay goobtii uu joogay xaakim Qarqoosh.
Ninkii xaakimka ahaa ayaa dhegaystay sida ay wax u dhaceen, dadkii wax arkayayna waxay fureen markhaatigii iyo wixii ay maqleenba ama arkeen, kadibna xaakim Qarqoosh ayaa yidhi; “arintiinu waxay ka bilaabantay meel wanaagsan, meel wanaagsanna way ku dhammaanaysaa, waxaanse su’aalayaa ninkani dagaalamayoow maad ka jawaabtay codsigii ninkani kugu yidhi Saamaxnaa kum?
“Maya.” Ayuu yidhi ninkii reer miyiga ahaa.
Xaakim Qarqoosh ayaa yidhi; ‘hadda kac oo saamaxnaa kum dheh. Ninkii ayaa kacay oo yidhi saamaxnaa kum, ninkii kalena wuu ka qaaday salaantii oo isna wuxuu yidhi saamaxnaa kum adiga iyo muslimiinta oo dhanba.
Qarqoosh ayaa kacay oo yidhi; “dacwadiina sidaa wanaagsan ayey inoogu dhammaatay, waana la is wada saamaxay, fadhiguna waa xidhan yahay.”
Nin dhaawac soo gaadhay ayaa yidhi; “boqor qarqooshoow, dhaawacayagana ayaa loo raacayaa? Kadibna boqorkii ayaa intuu xanaaqay yidhi; “adeer, sowta la is wada saamaxay. Waa xidhan yahay kiisku intii dhaawacantahay alle ha shaafiyo.”
La soco sheekada qaybta hadhay caddadyada danbe insha allaa.
Cumar A. Xassan
Qarqoosh99@gmail.com