X

Sheekadii Dhexmartay Libaaxa, Waraabaha Iyo Dacawadda. By. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)

Sheeko xariirtu waxey isagu jirtaa noocyada maadda iyo qosolka xambaarsan iyo mid baqdin, naxdin xambaarsan.


Maalin maalmaha ka mid aheyd, ayaa waxaa isu yimid habar-dugaag oo dhan oo uu Libaax boqor u yahay, waxayna ugaadhsadeen oo disheen neef Geel ah. Libaaxii baa Waraabihii ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yidhi ciidanku waa badan yahay, neefka badhkiis ha qaateen, adigoo Libaax ahna, badhka kaloo dhan wada qaado.
Libaaxii oo isagu isla rabay, inuu neefka dhan wada qaato, oo markii uu iskiis uga dhargo inta kale ee hambada iyo lafaha hadha ay habar-dugaagoo dhan wadaagaan. Libaaxii aad buu uga xanaaqay fikirkaa waraabaha oo intuu bahal dhirbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray. Ka dibna dawaco ayuu ku amray inay bal iyaduna, neefki hilibkiisii qaybiso.
Dawaco, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tidhi ( boqoroow ku wada siiyaye – neefka wada qaado).
Libaaxii oo qaybinta dawacada ku qancay ayaa dawacadii ku yidhi (yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray?), ka dibna waxay tidhi (isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay).

Maalinkii danbe ayaa iyadoo Libaaxii goobti ka maqan yahay oo uu Waraabe meesha u sarreeyo, Dawaco na la joogto ayey neef geel ah disheen. Waraabihii oo xasuusan jawaabtii Dawacada ay Libaaxa hore u siisey iyo qeybintii khilaafka neefkii hore, isagoo waraabihii xanaaqsan ayuu Dawaco ku xukumay in cunida neefkan laga qadiyo, ayna qasab ku daawato neefka hilbihiisa oo la cunayo, oo laga mamnuuco iney ka hadasho baahideeda.
Waraabihi oo jawaabti ay dawacadu libaaxi siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo, ayadoo gaajeysan ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato. Weliba Dawaco, waxa loogu sii daray, cad baruur ah ayaa afka loo marmariyey oo dufan leh.

Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan [jaafaa]
Kristiansand, Norwey.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post