X

Saxaafaddu Waa Suun, Suunkuna Haddii uu kaa Waasho Maxaa Dhacaya.? W/Q. Maxamed Faarax Qoti

Marka aan ka dhageysto ama aan akhriyo wararka aan xaqiiqda ku fadhiyin ee ay ka baahinayso idaacadda BBC’du dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan xusuustaa odhaahda wariyihii caanka ahaa Norman Kingsley Mailer ee yidhi”- “Haddii qofku aanu lahayn hibo hal-abuur oo ku filan kuna curiyo sheekooyinka buuggaagta akhriska, ma’laha caqli badan oo uu ku noqdo garsoore, sababtoo ah, gacantiisa ayaa aad u gar-gariirta marka uu fulinayo hawlaha shaqo, waxaana uu noqdaa Weriye.
Haddaba, xirfadda warbaahinta, waxa lagu tilmaamaa in ay war-fidiyeenadu yihiin Weriyayaal, laakiin Weriyayaashu aanay ahayn war-fidiyeeno, sababtoo ah, war-fidiyeenadu waxa ay leeyihiin kaalin gaar u ah oo ay ku ururiyaan xaqiiqooyinka illo-wareedada kala duwan ee ay ka hellaan war-bixinahaas oo cadaan ah, cidii qortay dhacdada sheekooyinka ama xigashada war-baahineed, sida, wargeysyadda, war-baahinta muuqaal-araga, idaacaddaha, ama mareegaha wararka ee barta Xuubka Caarada ee loo yaqaano “ inter-net-ka”.
Wariyuhu waa qof kasta oo qayb ka ah geedi socodka tifaftirka ururinta iyo wararka ay faafiyaan, war-fidiyeenada, tifatirayaasha, soo saarayaasha, sawir qaadayaasha, muuqaal duubayaasha iyo wararka qorayaasha, laakiinse, waxa ay maanta noqdeen war-fidiyeeno baahiya wararka, idaacaddaha, mareegaha muuqaal arraga, wargeysyadda, Mareegaha wararka ee barta shabakada Xuubka Caarada ee loo yaqaan, ee “Internet-ka”.
Marka laga yimaado wararka ay baahiyaan kuwa cadowga ku ah jiritaanka dalkeena, haddana, waxa aad arkaysaa wararka ay baahiyaan warbaahinta dalka gudihiisa ka soo baxa oo siyaabo kala duwan ku tilmaamaya, iyadoo siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ay arrintaasi saameyn taban ku yeelan doonto siyaasadda dalka, haddii aan la isticmaalin xeeladda lagu xakameynayo khatarta ka soo socota ee sida Cawska xididkiisu inoogu muuqdo, inoogu muuqata ee haddana la iska indho-tiraayo maqalka dhacdooyinka ay baahiyaan war-baahiyayaasha qabyaaladaysan, kuwaasoo , mararka qaarkoodna u soo gudbiya hebel dhintay oo aanay dadku garanayn inuu noolaa.
Guntii iyo gaba-gabadii waxaan odhan lahaa saxaafadu waa Suun, Suunkuna haddii uu kaa waasho, cawradaada ayaa banaanka u soo baxaysa oo lawada arkayaa, isla-markaana, waxa ka faa’ideysanaya dhammaan cadowgii kugu xeernaa oo dhan, markaa waxaan leeyahay inta aynu ku jihaysanahay gudaheena, waxa ka qiimo badan inagoo ku foognaana cadowgeena neceb jiritaankeena.
Maxamed Faarax Qoti

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post