X

Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera Faa’ido Mise Khasaare? W/Q Khadar Cabdi

Baarlamaanka Somaliland

Baarlamaanka Somaliland waxay muujiyeen ama ay qaateen go’aan aan la ilaabi Karin oo taariikhda galay. 26 sano waxa uu dalkeenu dagaal dheer ugu jiray sidii uu u heli lahaa fursad maalgashi oo lagaga baxo camal la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan dalka.Shalay 02/11/2017, markii ay ansixiyeen heshiiska taariikhda galay.

In la helo maalgashi caalami ah waxay fure u tahay inay dadkku ku soo hirtaan isla markaana aaminanaan in Somaliland tahay meel lagu aamini karo hanti, iyada oo ay ka horaysay mashruucii weynaa ee dekada Berbera; kaas oo runtii ahaa mid soo jiitay indhaha beesha caalamka iyo wadamada jaarka ah.

Somaliland hadaba waxay nasiib u heshay in wadanka imaaraadka carabtu uu saldhig milatari ka samaysto, iyada oo Africa marka laga hadlaayo dalka South Africa oo kaliya ay ku yaalaan 7 fadhi oo ah ‘military base’ saldhig milatari oo xataa ay ku jiraan meelo ay diyaaraha dagaalka ee qumaatiga u kacaa ay ka haadaan.

Somaliland sanadkaa maanta ah ma jiro wadan Africa-ka ku yaala oo ka nasiib iyo ayaan roon; sababta oo ah waxay isku heshay goob ku haboon saldhig military, kaas oo uu hore u hir galiyey wadankii Ruushka oo markaasi ahaa awoodaha kaliya ee aduunyada ka talin jiray dhanka milatariga.

Labada gole baarlamaan ee uu shalay madaxweynaha Somaliland ka codsaday inay waajibaadkooda ka gutaan masiirka umadda ayaa cod taariikhi ah ku meel mariyey in Bebrera laga sameeyo fadhi ciidaan oo awood badan. Ilaahay cimriga iyo caqliga ha u barakeeyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo go’aanka hogaamiyaasha dunida lagu yaqaan shalay qaatay, isaga oo ku dhacay in labada gole baarlamaan uu ka ansixiyo heshiiska imaaraadka.

Dalkayga Somaliland wuxuu dhabaha saaray guushii horumarka, uma baqaayo in maanta hagardaamo iyo xagal daac ay ku samaayeen siyaasiyiinta uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaaminayo; waxase aan la yaabanahay doorka mucaarid isku sheegu maanta ay ka qaateen maalgashiga wadankeena, iyaga oo aad moodo rag shisheeye.

Somaliland marka ay ugu faa’ido yaraato waa marka uu amnigeedu taam-noqdo, inaga oo aan ka cabsi qabi doonin cid galangal siyaasadeed inagu samaysa, isla markaana waxaynu heli doonaa damaanad qaad buuxa oo dhanka qaarada ah, intaas waxa inoo raaci doonaa dhismaha ciidankeena oo la xoojiyo

W/Q: Khadar Cabdi

Khadarc16@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post