X

Sababaha Komishanku Ku Fashilmay Iyo Qorshaha Ka Danbeeya in La Bedelo

By. Mohamed Osman

sidaynu ladawada socono waxaa dalkan ka dhacay doorasho ay ku tartamayeen sedex musharax madaxwayne iyo sedex madaxwayne ku xigeen.

Doorashadaasi waxay ahayd mid xamasadeedu ay aad usaraysay, hase ahatee doorashadaasi waxaynu ka baranay komishinka doorashooyinka qaranka qaabkii ay wax u maamulayeen oo ahayd mid khaladaad ka muuqday.

Waxaynu ogsoonahay intii lagu guda jiray baratanka doorashada madaxtooyada inay dhaceen khaladaad faraban kuwasoo wax kaqabad la’aanta ay lahayeen komishinka doorashooyinka qaranka.

Komishinka doorashooyinka qaranka waxay ahayeen kuwa aan go’aan qaadasho wayn lahayn arinkooduna u ekaa mid dalka xasiloonadiisa cabsi wayn galisay.

Shaqada ay hayeen komishinka doorashooyinka qaranka oo ahayd mid adag, waxaynu oran karnaa waxaa si wayn u garab istaagay culimada dalka iyo abwaanada oo aynu oran karaynay hadaysan garab istaagin dalka xaalad adag ayuu gali lahaa.

Waxaynu kaloo oran karnaa haduusan xisbiga wadani qaadan go’aanka komishinka kazoo baxay oo aysan u tudhin shacabkooda dalka waxuu gali lahaa xaalad adag.

Qorshaha ka danbeeya in la badalo komishinka doorashooyinka qaranka waxay tahay xasbiga wadani oo soo jeediyay in komishinka labadalo iyagoo u cuskanaya xaaladii lasoo maray ee doorashada siday u maamuleen oo ay ku andacoodeen in wax isdaba marin ay dhacday.

Edaa ay u soo jeediyeen xisbiga wadani komishinka doorashada qaranka waxa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Mr saylici oo sheegay gobolka awdal oo aan kazoo jeedo in aniga la igaga shubtay moyee ku shubasho aan sameynay ma jirto.

Mr faysal cali waraabo mar wax laga waydiyay waxuu sheegay inay yihin kuwa ugu badan ee la khalday.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan soo jeedinayaa in komishinka doorashooyinka qaranka la badalo, si loo helo kalsooni asxaab,

Edaa losoo jeediyay komishinka doorashooyinka qaranka waxay keeni kartaa dib udhac ku yimaada doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadka soo socda awalkisa.

madaxwaynaha waxaa horyaala go’aan ah sidii looga gudbi laha muranka maanta jira

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post