X

Saaxiibkay Iyo walaalkay Ayuu Ahaa

Marxuum Maxamuud Caydiid Raageh (Lafcanbe)


Anigoo ku hadlaya magacayga Eng. Mohamed Ali Muse, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa xaaskii, caruurtii, walaaladii,ehelkii,qaraabadii,gacalkii,xigaalkii,asxaabtii,Bahweynta Xisbiga Kulmiye & shacabka Somaliland ee uu ka baxay maalintii Sabtida 23 April 2016, Allah ha u naxariistee walaalkeen, Marxuum Maxamuud Caydiid Raageh (Lafcanbe) oo ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Kanada.

“Faaraxow gal galad kaan dhigiyo, gama la’aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada, goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay ,waxaan gawska uga daayey
Dar guryii ka yimi baa, war baas iila soo galaye
Abidkii rag waa go’i jiree,tanise waa gaw’e,”
Cali Jaamac Haabiil
Rabbi naxariitii janno Fardawsa ha ka waraabiye,waxaan marxuumka is barany waqtigii la bilaabay oloihii Doorashada Madaxweynaha ee sannadkii 2010,oo aanu masuul ka wada ahayn Istraajiyadii & isku xidhkii taageerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka gudihiisa & dibadiisaba , ee dhinaca Media ha.Marxuumka oo aan u wada deganayn Dalka Kanada,waxaanu noqonay saaxiibo aad isugu dhaw,walaalo ah,isku hadafa,isku mabda ah,si weyna u soo wada shaqeeyey.

Wuxuu ahaa muwaadin dalkiisa & dadkiisaba jecel,wuxuu ahaa shaqsi go’aan adag,aan gabi dhaclayn, tacab iyo waqti badanna geliyey xisbiga Kulmiye sidii u ugu guuleysan lahaa Doorashada,hogaanka dalkana uu qaban lahaa Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),Rabbina waa u rumeeyey dadaalkiisii,hankiisii iyo himiladiisiiba.

Waxaanan marnaba iloobayn shaqsiyadiisii,dulqaadkiisi,dadnimadiisii & dabeecada wanaagsan ee Rabbi ku manaystay.Waxaan Allaha awooda leh ugu baryayaa inuu saaxiibkay,walaalkay,Marxuum Maxamuud Caydiid Raageh (Lafcanbe),danbi dhaaf u fidiyo,iilka u waasiciyo, iilkaa u nuuro ,neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro,janno Fardwasana ka waraabiyo,dhammaanteena samir & iimaan innaga siiyo,aamiin.

ِإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post