X

Saadaasha Dhalashada Warsame

Nimco Baashe

Warsame; waan ku salaamay Hooyo. Ma ogi imika waxaad ku sugan tahay, waxaanse rajeynayaa inaad wanaagsan tahay. waa hubaal n farriintani maalin uun kusoo gaadhi doonto, waa sax oo wey kaa raagaysaa haddana.

Hooyo, wakhtigu waa galab xilligan aan hadlayo, inyar ka hor uun roob ayaa qaaday. Jawiguna waa qabow dhex-dhexaad ah, qolkayga yar ayaan dhex fadhiyaa dhankayga bidix sariirtaydii nafarka ahayd ayaa igaga naban, anna waxaan ku fadhiyaa kursi cad, afar lugood oo hoos u foorara ayuu leeyahay, meel aan iga fogayn oo hortayda ah waxaa yaalla miis cad oo afar gees ah.


Miiska dushiisa waxaa dhoobban buuggaag, Kutub, ku xardhan luuqadda carabiga, mobile kayga gacanta isticmaalkiisa waxaa ii diidday dabka oo ka dhammaaday, waxa halkaa jaahayga ku quman igaga beegan daaqad afarta gees leh oo furan, waxaana igaga soo dhacaya Laydha oo wadata neecowda qabow ee roobka, taas oo si toos ah usoo tuuraysa saxansaxada.

Warsame, Hooyo ma garankaro xilliga aad adduunkan iman doontid, waxaanse ku hamiyayaa inaad maalin uun iman doontid, mase oggi Aabbahaa ninka uu noqon doonno, waxaase hubaal ah inaad Aabbe fiican la kulmaysid Warsame, waxaan kugu soo dhaweynayaa Adduunyo; waa mid dhib badan, oo dheef yar, balse waxa aad jooggi doontaa wakhti aan badnayn.

Adduunyo; waa meel ay ku kulmaan: Gaajo, Dhereg, dhib, dheef, Dhaawac iyo Dhimashoba. Waad gaajoon, sababtoo ah xilliyada qaar waxba ma haysid. Waad dhargi, maxaa yeelay gaajo walba dhereg ayaa ka dambeeya.
Waad dhibtoon, waayo meeshu waa adduunyo, waadse dheefi in badan; haddii aad u samirto dhibta, waad dhiman, waayo cidna adduunka kuma waarayso.!!

Warsame, waxaa ku suggaysa hooyo farxad badan, oo carruur jecel. Hooyo mararka qaar xanaaq badan, qaylo badan, balse qalbi wanaagsan, waxaa ku suggaysa Hooyo ay la dhasheen carruur badan, waa hubaal inay Abti iyo Habbo kugu badin doonnaan, mase oggi adeerradaa iyo Eedooyinkaa intay leekaan doonnaan. Warsame, waxa aan ka xumahay awoowgaa hooyo in aanad adduunka kusoo gaadhin, wayse dhici kartaa in aad ayeydaa hooyo kusoo gaadho.

Soo dhawaw hooyo, tani waa fariin kaaga imannaysa, beer, wadne, laab, kal, kas, iyo kor guud ahaanba ku jecel, indho kugu qabawsan doonna, iyo Hooyo kugu hadri doonta.

W/Q: Nimco Baashe

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post