Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta.
Qaybtii 2aad W/Q: Maxamed Faarax Qoti
Sida aan ku soo qaatay qormadii hore (Q-1aad) waxa ay sheekadan ku aroortaa habka hoggaaminta fiican iyo qaabka murrasharaxiinta oo lagu saleeyo rabitaanka dadka.
Waxaanay la xidhiidhaa boqortooyo bari hore ka talin jirtay aduunka oo ka koobnayd boqor iyo hawl-wadeenadiisa oo la odhan jiray gollaha sac-maallada, kuwaasoo koox ka mid ahi sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen fikir boqorkoodu qaatay.
Waxa haboonaan lahayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, una dareensan yihiin ee ay fahamsan yihiin, gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hogaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.
Waxay kale oo ay ahaayeen Sac-maalladaas kuwo aad u tix-galiya boqorka markay horjoogaan oo kaliya laakiinse, marka ay ka maqan yihiina waxay aahaayeen kuwo hoos u dhigi jiray, waxa suuragal ah taasi inay sabab u ahayd xirfadahooda shaqo iyo xirfadahooda dabiiciga ah ee ay lahaayeen oo aad u liidatay, inkastoo haddana taasi aan la odhan karin waa tixgalin dhab ah, balse tix-galinta dhabta ahi ay tahay ta marka ay ka maqan yihiin ay siiyaan, waana ta’kaliyaata ee qiimaha ixtiraamku uu mudan yahay.
Boqortooyadaas waxay lahayd aragti, awood maamul iyo ujeeddo siyaasaddeed oo dhinaca nolosha dadweynaha, taasoo dadka rayidka ahi ay dhammaantood u wada hoggaansanaayeen ku dhaqanka siyaasadda maamulkaas.
Waxa kale loo qaabeeyey sac-maalladaas inay dhaqan galiyaan siyaasadda arrimaha muwaadiniinta, iyagoo raacaya farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, taasoo ahayd habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira boqortooyadaasi, kuna shaqeeyaana xirfada maareynta, wax-qabad toosan oo wax ku ool ah.
Ka dibna waxay Sac-maaladaas ay u isticmaaleen siyaasaddii arrimaha muwaadiniinta siffo khaldan oo ka duwan siffihii iyo milgihii ay lahayd qorshihiii nidaamka maamulka boqortooyadaasi, una dhigteen hab far-shaxan illaaq ah, musuq-maasuq, danno ay u eekeysiiyeen inay ku tar-tamayaan mabaadi iyo hogaamin ay doonayeen inay ugaga faa’ideystaan danno gaar ah, dannaha caamka ah ee guud.
Sidoo kalena waxay sac-maalladaas ay lunsadeen in ka badan malaayiin lacaga taasoo ay ka musuq-maasuqeen dhaqaalihii ka soo bixi jiray iib-geynta subaga laga sameeyo burcadka caanaha lo’da laga lulo.
Boqorku markii uu ogaadey inay jirto wax-yaabo badan oo laf-jab ku ahaa boqortooyadaas iyo in loo soo dhex-maray sac-maalladiisa oo ay salaan u noqdeen sidii ay wax-yeelooyin khataro badan oo ay doonayeen inay soo gaadhsiiyaan boqortooyooyinkii cadow ku ahaa boqortooyadaasi, isla-markaana ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi.
Isla-markiii ay ka war-heleen sac-maalladaas in la fahmay haddimooyinkii ay u maleegayeen, waxay ku dhaqaaqeen inay mar-qudhaata koox ka mid ah sac-maalladaasi ay ka dareereen shaqadii loo igmadey, taasoo ay is lahaayeen in ay tahay waa habka kaliyaata ee ay ku wiiqi karaan geedi socodkii boqortooyaddaas.
Waxaana arrintaasi lagu sababeeyey inay ahayd guul ka mid ah guulihiisii uu ku gaadhay guusha boqorkaasi, ka dib markii uu dhigay farshaxan–xeeladeysan, oo uu kaga wareejiyey subagii ay ka sameyn jireen burcadka laga lulo caanaha lo’da, ee ay sida qarsoodi ah ugu iib-geyn jireen suuqa madow, waxaanay ahayd isha ugu-weyn ee dhaqaalaha ay musuq-maasuqaani uu ka soo gali jiray.
boqortooyooyinkii kale ee xidhiidhka dhow la’lahaa ayaa wakhtiyo badan ka soo saaray war-bixino, digniino iyo sawiro muuqaalo fool-xun oo ay ku suureyn jireen dibin-daabyada iyo shirqoolada ay sac-maaladaasi ka wadeen gudaha boqortooyadaasi iyo boqortooyooyinkii ay jaarka la ahaayeen.
Muddo ka dib wuxuu boqorkaasi soo saaray guddiyo fara badan oo kala duwanaa, haddana waxaynu halkan ku eegidoonaa guddidii khubarada dhakhaatiir caafimaadka ahayd ee uu u xilsaaray baadhitaanka xaaladdahooda caafimaad ee kooxda sac-maalladda ee shaqooyinkii ay hayeen uga tagey khilaafkii boqorka ee habka maamulka iyo hogaaminta.
Waxay taariikhdu sheegtay in guddidaa caafimaad ay soo saareen war-bixino kala duwan oo ku saabsanaa natiijooyinka xoggaha ka soo baxay baadhitaanadii Khubaraddii caafimaadku wakhtigaasi ay ku sameeyeen sac-maalladaas, taasoo ahay in dhamaan xubnaha sac-maallada laga hellay xannuuno kala duwan ee xumada badan sababa, kaasoo inteeda badan laga hello, kuna dhaca siyaasiyiinta, xannuunadan oo ay keenaan hab-dhaqanka dabeecadaha qofku uu leeyahay.
War-bixin xanbaarsan natiijaddii xogta-caafimaadka ee ka soo baxday baadhitaanka sac-maallada ee ay soo saareen dhakhaatiirtii caafimaadku waxay ahayd, sidan:-
-In ay rumeysnaayeen, wax-aanay ahayn, oo ahayd sawir-buunbuun ah ee ay lahaayeen dhinaca nolosha iyo awoodda, waxaanay ahaayeen kuwa dadka ku qanciya been, had iyo jeerna iska dhiga inay daacad yihiin marka ay wax dal-banayaan, ka dibna marka loo dhiibana wixii ay dal-badeena aan sameeynin, isla-markaana aannu ka soo noqonin go’aan wanaagsan, kaasoo af-ka qalaad loogu yeedho, (Narcissist Personality Disorders)
-Halka kuwa kalena ay laahaayeen caadeysiga isla-weynida ee sibiibixashada badan , marka ay khaldamaanna mar-marsiiyadda badan iyo inay raadinayeen taxadir naftooda ah, xannuunkaas oo la yidhaahdo, (Narcissistic Personality Disorders)
-Iyo inay lahaayeen hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shinbiraha lab ee kooxda isku raacdo marna wada ciya doqonniimada la arko qaaciidadooda, taasoo inta badan ku taxa-luqda nooc diimeed (manipulativeness), danneytayaal oo lahaa awoodo qarsoon oo ujeedooyin badan, waxayna isticmaali jireen habka shaqada farshaxanka masuuliyiinta qorayaasha, si aan loo ogaan ujeedooyinkooda qarsoon iyo inay markasta jecel-yihiin inay ka soo baxaan muuqaalada muraarayadaha aan waxtarka lahay (vanity-a love of mirrors) xannuunkaasoo afka qalaad loo yaqaano (Narcissism Personal Disorders).
-Waxa kaloo war-bixintaas caafimaad sheegtay inay ahaayeen kuwo awoodooda xirfadeed ay qurxinaysay shaqsiyadooda, xaqiiqdiina go’aan qaadashadoodu waxay ahayd jaceyl kakan oo aan caadi ahayn una wanaagsanayn go’aan qaadashada siyaasadda, taasoo horseeda dhibaato iyo kacdoonka, xannuunkan oo lagu magacaabo, (Obsessive Compulsive personality disorders)
-Sida lagu sheegay war-bixinta caafimaad, waxay kooxda sac-maallada ay ahaayeen kuwo ka xakameeya faa’iidada dadku wada heli-laahaayeen kuwaasoo u isticmaala Cadaalad-darro iyo Eex, waxaanay Sac-maaladaasi ay ahaayeen kuwo marka ay qolka dhexdiisa sii socdaan isla-markiiba bilaaba iyagoo cabiraaya qiyaasta xogta baahida dadka iyo shaqsiyaadka awoodahoodu dhinaca ay ka liidato, ka dibna u isticmaala qofnimadooda inay ku gaadhaan siyaasadda, waana kuwa isha ku haya ciyaarta, in ka badan wixii soo gali-lahaa, noocyadan qabow malaha culeys badan qaacidada xisaabteedu, waana shaki ay ku doonayaan soo dhawaansho dadka ay kaga doonayaan inay kaga hellaan ixtiraam, xannuunkaas oo la yidhaahdo (Machiavellian Personality Disorders)
Laakiinse, war-biximihii natiijooyinkii caafimaad ee ay soo saareen Khubaradii baadhay xaaladaha caafimaad ee sac-maallada, laguma sheegin dabiibka iyo daaweynta xannuunada war-bixintu iftiimisay in laga hellay sac-maalladii khal-khaliyey boqortooyadaas.
Khilaafku wuxuu ka dhashaa ama lagu tilmaamaa inuu yahay Fursad marka loo geeyo khatar, ay tahay wadarteeda guud khilaaf, balse dhammaan sac-maalladaas waxa qudhaata ee u muuqdayna waxay ahayd Fursada, nasiib-darrose umay muuqanin Khatarta.
Wax-yaabaha hodday ee horseedka u ahaa hungowgii ku dhacay sac-maalladaas, waxay ku qiimeeyeen dadka dhinaca dhaqanka bulshada iyo arrimaha siyaasaddaha ku xeelka dheer in ay ahaayeen kuwo aan lahayn awooda lagu ogaado khaladaadka, xirfada la dhaqanka dadka, masuuliyad darro, manaanay ahayn kuwa abuuri kara fikrado kala duwan iyo kuwo cusub midnaba, isla-markaa waxay ku tilmaameen inay lahaayeen hab-dhaqanka iyo dabeecadaha hogaamiye-kooxeedyo dagaal oogayaasha ah.
Boqorku muu ahayn Kaligii-Taliye, waligii laguma tilmaamin wax u eeg muuqaalkaasi, talladana kaligii muu goosan jirin ee wuxuu jeclaa habka nidaamka xukunka tallo-wadaaga taasoo ay ku dhisnayd boqortooyaddaasi.
Go’aan kasta iyo talaabo kasta oo dhinaca wax-qabaka hawlaha shaqo ee awoodaha xukumadiisa ee uu qaadayana, wuxuu u soo ban-dhigi jiray, kalana tashan jiray gollihiisa Sac-maalada, halkaasoo uu kaga go’aan qaadan jiray hadba tallada aqlabiyada Sac-maaladiisaasi ay u bataan, iskuna raacaan.
La soco……………….
Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist. PHO. Author