X

Reer Xamarku Ma Xumaanta Somaliland Keliya ayay Arkaan?

By. Maxamed Daahir
Muuqaalladii argagaxa lahaa markii lagu baahiyey warbaahinta kala geddisan, arrintaasi waxay keentay in shacabka Somaliland oo aan wax badan hubsani uu si ballaadhan u dhaleeceeyo ugana horyimaaddo, waxaa fursaddaas ka faa’iidaystay shacabka iyo siyaasiyiinta Somalia oo nasab cay iyo aflagaaddo isugu darayey shacabka Somaliland, qaarkood Yuhuud ayay ku sheegeen, qaarkood gaalo ayay ku tilmaameen, qaarkood waxay ku sifeeyeen ereyada ugu xun.

Xukuumadda Somaliland waxay dhegeysatay shacabkeeda, waxay Albaabada u furtay qaxootigii, waana sababta keentay in Madaxweynuhu booqdo Qaxootigii Soomaalida ahaa, Siyaasiyiinta Somaliland qaarkood si qaawan ayay u cambaareeyeen, haddaba shacabka somaliland ee sida weyn ula qiirooday reer Xamarka iyo inta somaliland neceb waxaan marti uga ahay inay iiga soo jawaabaan suaalahan?

Weli mala hayaa cid ka tirsan reer Xamarka oo u mahadnaqday shacabka Somaliland? weli baraha bulshada ma ku aragteen cid ka hadlaysa go’aannada bini’aadanimo ee xukuumadda Somaliland qaadatay? Somaliland waxay qaabilaysay qaxooti u dhashay Soomaliya tan iyo dagaalladii muqdisho ka dhacay sannadkii 2006, weli ma aragteen qaxooti soomaaliyeed oo somaliland u mahadnaqaya?

Iminka dekedda berbera waxaa laga soo dejiyey illaa 5000 oo qaxooti ah, laakiin 4 qoys ayaa 2 saacadood wax ka yar la hakiyey, Somaliland waxaa lagu gumeeyey maxaad qoysaskaas u hakiseen, miyaad weli aragteen reer Xamar ka hadlaya in Madaxweynihii Somaliland booqday qaxootiga Soomaalida, oo weliba Somaliland ambabixisay dhammaan qaxootigii Somalia u dhashay? Yuusuf Garaad iyo siyaasiyiinta la midka ahi waa kuwii shalay lahaa Somaliland way gumowday oo jawaab ayaa laga sugayaa ee maanta muxuu u odhan waayay Somaliland wax wanaagsan ayay qabatay?

Shacabkayga aan jecelahay waxaan leeyahay yaan laga faa’iidaysan caadifaddiina iyo kalgacalka idinku jira, haddii Somaliya ay bini’aadanimo iyo gobnimo taqaano miyaanay dadkani ahayn kuwii ay qaxiyeen? imisa haweena ayaa Xamar lagu kufsadaa oo ajnebi ku kufsadaa? aaway bini’aadantinimada la idiinku faanayaa? haddii Xamar ay taqaan bini’aadantinimo maxay u jeclaan waayeen wanaagga ee ay xumaha u jecel yihiin.

By. Maxamed Daahir.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post