X

Rasaasta Igu Dhacday Yaa Igu Soo Riday?

ASALAAMU CALAYKUM WARRAXMATULLAHI WA BARAKAATUHU.
Dilalka shacabka:
Waxaan aad uga xummaaday oo caqligaygu qaadan waayay dhacdooyinka dilka ah ee ay kuwii loo igmaday in ay shacabka nabadgelyadiisa ilaaliyaan u gaysanayaan, weliba ay tooganayaan carruurtii yaryarayd. Qofku haddii aanu hub haysan waa mamnuuc in hub loo adeegsadaa, haddii qof la tooganayana waa in uu qofkaasi yahay mid hubaysan oo naftiisa iyo tan shacabkaba halis ku ah waana in aan laga toogan jidhkiisa xubnaha halista ah, sida; madaxa, laabta iyo caloosha. Haddaba taasi waxay inna tusinaysaa in qaranka JSL oo 24 jir ahi aanu lahayn ciidan nabadgelyo oo leh aqoon ku filan oo ay shacabkooda ku ilaaliyaan, iskaba daa ilaaline, ay iyagu cadaw ku yihiin aqoondarrada haysata darteed, masuuliyadeedana waxaa iska leh ciddii u xil saarnayd in ay tababarto ciidanka qaranka.

Falalkan foosha xun ee carruurta yar-yar lagu laynayo waxaa masuuliyadeeda leh:
1- Askarigii sida sharcidarrada ah qof u toogtay
2- Taliyaha ciidanka booliska qaranka
3- Wasiirka arrimaha gudaha
4- Madaxweynaha qaranka
Intaas xubnood ee aan kor ku sheegay mid waliba naf kasta oo sharcidarro lagu dilay masuuliyadeeda qayb ayuu ku leeyahay, waana sida uu u dhigan yahay hannaanka kala sarraynta masuuliyadaha qaranka loo hayaa.
Shacabka:
Waxaa iyana la yaab ah, iyadoo ay saas u caddahay cidda loo raacayo dhacdooyinkaas, in shacabka qaar jaahilnimo iyo xanuun qabyaaladeed dartood ay u yidhaahdaan waxaa carruurta laynayaa waa masuul hebel oo reer hebel ah. Xaqiiqatan waa wax laga xanuunsado in innagoo muslimna sheeganayna, sharciyona samaysannay aynaan caqliga la kaashanayn si aynu xaqa ugu hadalno.
Qabiil waa laga dhashaa oo ALLE (SWT) ayaa sidaa innagu uumay, afarta xubnood ee aan kor ku sheegayna reero ayaa ALLE (SWT) ka dhaliyey, laakiin su’aashu waxaa weeye, ma reerahooda ayaa jagooyinka (masuuliyadda) ay qaranka u hayaan u dhiibtay? jawaabtu way caddahaye, haddaba xaggee ayay reerahoodu eedda ku yeesheen haddaanay shaqo qaranna u dhiiban karin kana qaadi karin.
Waxan shacabkayga wanaagsan ku baraarujinayaa, in khalad kasta oo dhacaa saxitaan leeyahay, haddii la raadiyo saxitaanka dhabta ah, laakiin aanay innaga noqon “cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaadhayo”.
Waxan ku raacsanahay dadka aaminsan in sharciga la horkeeno xubnahaa aan kor ku xusay, oo wax laga weydiiyo sababaha keenay in shacabku saba li’i xabbad ugu dhinto maalin walba, masuuliyadeedana meel la saaro, kolkaa waxaa soo baxaya ciddii xilgudasho la’aani ku caddaato oo xukunka sharciga dalka lagu oofiyo, iyadoo ay weliba ka horrayso, in ehelka dadka la laayey xukkuumaddu meel saarto.
Saxaafadda:
Saxaafaddana waxaan u soo jeedinayaa, in ay dhacdooyinka noocan ah ee foosha xun ay ehelkeeda u tagaan, soo waraystaan oo shacbaka ka dhergiyaan, sidii xukuumaddu ka yeeshay ama u xallisay dhacdadaas, waayo weli ma hayno dad shacab ah oo xukumaddu waxyeello u gaysatay oo la soo sheegay sidii loo maareeyey, si shacabku uga dheregsanaadaan xidhiidhka iyo waajibaadka xukuumadda iyo shacabkeeda marka dhacdooyinkani yimaaddaan, laakiin aan saxaafaddu ka hadlin oo kaliya wixii siyaasad ku saabsan.
Waxa aannu iyagana saxaafadda ka tebaynaa in ay shacabka u soo gudbiyaan arrimaha garsoorka ku saabsan ee shacabku ku ammaanayo ama ku dhaliilayo garsoorka fiican ee u caddaalad falay ama dulmiyay.
SOMALILAND GUUL BAAN U RAJAYNAYAA.
Qalinkii: Ibrahim Computer (Xaaji Laydha)
Email: Laydha@hotmail.com
ALLE AYAA MAHADI U SUGNAATAY

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post