Maqaalkan waxaynu kaga hadlaynaa jawiga siyaasiga ah ee maanta taagan Somaliland , taasoo ubaahan marka laga reebo kooxaha ku hirdanaaya , gool dhalinta siyaasada ee madaxtooyada kaasoo aad usoo dhawaaday wakhtigii loo qabtay doorashada isla markaasna ay hadheeyeen dib udhac kala gadisan oo ka imanaaya golaha shacbiga sida diyarinta xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaanada golaha shacbiga , hay adaha international ka ah iyo waxyaabe kale .
Waxaa iyaduna meesha ku jirta loolan addag oo ka dhexeeya xisbiyada mucaaradka ah sigaar ah xisbiga waddani oo gudoomiye u yahay gudoomiyaha golaha shacbiga oo xidhiidh aad udhaw ay wada lahaayeen madaxwaynaha , laga bilaabo ololihii gudoomiyuhu uu ku guulaystay shirgudoonka golaha shacbiga ayada oo markaas isbahaysi wada galeen xisbigii ucid iyo xisbiga kulmiye iyo waliba sida ay dadku aamisanyihiin in madaxwaynuhu aanu diidanayn in xisbiga wadani kusoo boxo kamid noqoshada sadexda xisbi qaran , marka itaas lagu daro mawqifkii isku midka ahaa ee siilaayo iyo ciro ay kawada taagnaayeen kasoo horjeedka daahir riyaale .
Taariikhdu waxay sheegaysaa in ay siyaasadu aanay lahayn inta baddan saaxiib joogta ah ee laakin ay leedahay maslaxad joog ta ah , taasaa maanta keentay loolanka addag iyo is eedaynta ka dhaxaysa madaxwaynaha iyo gudoomiyo Ciro .
Xaalada taagan ee siyaasada
Maanta wuxuu loolan adagi ka dhexeeyaa xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga kulmiye , taasoo oo ay kor usii kacayso xamaasada laysku marinaayo warbaahinta oo mararka qaarkood ay ku jirto erayo adag oo aan meelna ku lahayn danta qaranka waxaana waajib ah in wax garadka , culuma awdiinka , ururada bulshada iyo mutacalimiintu wax ka yidhaahdaan oo ay ogaadaan in ay ka mid yihiin inta dalka xilku kasaaran yihiin oo aan ladaawan inta damaca siyaasiga ah leh waa lakala duwanaadaa aragtida siyaasada lakin waxaa la hormariyaa danta qaranka sida heshiiska tusalaha aha ee ay ku gaadheen xisbiga RPP iyo mucaaaradka jabuuti iyaga oo eegaaya danta qaranka jabuuti , nabad galyada dalka iyo wada jirka tanaasulkuna inta badan uu kayimid madaxwaynaha jamhuuriyada djabuuti mudane ismaaciil cumar geele iyo mucaaradka uu madaxda kayahay mudane ismaaciil geedi.
Xisbiyada mucaaradka wuxuu xil kasaaran yahay dalka , waxaana ku waajib ah in ay ku hawlgalaan xuquuqda uu siiyay distoorka iyo xeerka No14 waxaana ku waajib ah in ay ilaaliyaan nabad galyada una maraan dariiqa ugu haboon ee ay ku gaadhi karaan tartanka siyaasada ama katalinta dalka hadii fursadu siiyo .
Xisbi xaakimka waxaa ku waajib ah in uu xidhiidh kasta oo suurta gal ah lasameeyo mucaaradka , xadhiga siyaasadana uu ka garaaco meel ay ku jirto nabad galyada iyo deganaanshaha waayo masuuliyada dalku waxay saaranthay xisbiga kulmiye oo xukuumadu kadhisantahay.
Madasha wadda-tashiga
Odayaasha soo halgamay oo ay saaxiibka dhaw ahaayeen madaxwaynaha oo ay soo wada mareen shuruudaha laysku barto ( jidbay wada mareen , jidiinbay wada cuneen, jabad bay wada galeen ) madaxwaynaha oo ay wada jirneen mudo aan kayarayn 35 sano dhamaan marxaladihii lasoo wada maray haddii ay tahay dagaal iyo siyaasad .
Waxaana hubaal ah inay wax wayn ku lahaayeen guulaysigii madaxwaynaha kursiga madaxtooyada , iyaga oo u eegaayay asbaabo farabadan oo ku fiican in ladul maro .
Way dhici kartaa in aragtiga siyaasadu kala duwanaato , laakin labada dhinacba waxaa ku waajib ah in ay khaydka dabciyaan si aan khaydku u go’in taasoo u muuqata maanta in loobaahanyahay in madaxwaynuhu gogol wada tashi u fidiyo madasha .
Madaxwayne adoo lakaashanaaya waayo aragaagii , halgankaagii iyo aqoontaada cilmiga waxaa muhiim ah in aad talada dalka gacanta kuhayso , dhexna aad unoqoto dadka aad madaxda utahay , awoodaaduna ay haato mid aad adigu ku fuliso danta qaranka oo aad meesha kasaarto wax kasta oo dadka iska kiin horkeenaaya, siyaasadu waxay ubaahantahay Plus (kudar) uma baahna maynis , tirada golaha wasiirada oo lasii badiyaana oo lagu daraa cidii qaylisaba masoo afjarayso baahida ummada gaar ahaan sida muuqata baryahan liisaska danbe ee ay ubadan yihiin xubnaha lasheegay in ay keeneen kuwa aad kuugu dhaw midba mid halka ay kasoo xuli lahaayeen beelaha wax tirsanaya ee cabanaya , taasi waxay muujinaysaa in aan laguu tudhayn ( hal min masiid ).
Xasan sudi xirsi
Siyaasi madaxbanaan
bashkail30@hotmail.com